Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha » Africa http://hiilkubad.com Wed, 25 Jun 2014 15:57:10 +0000 en-US hourly 1 http://wordpress.org/?v=3.9.1 Yaya Toure Oo Man City Ku Eedeeyay Inay Fasax U Diideen Si Walaalkiisii Geeriyooday Uu U Xanaanaayo http://hiilkubad.com/yaya-toure-oo-man-city-ku-eedeeyay-inay-fasax-diideen-si-walaalkiisii-geeriyooday-uu-xanaanaayo/ http://hiilkubad.com/yaya-toure-oo-man-city-ku-eedeeyay-inay-fasax-diideen-si-walaalkiisii-geeriyooday-uu-xanaanaayo/#comments Tue, 24 Jun 2014 12:25:48 +0000 http://hiilkubad.com/?p=26862
Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [Yaya Toure Oo Man City Ku Eedeeyay Inay Fasax U Diideen Si Walaalkiisii Geeriyooday Uu U Xanaanaayo], All Right Reserved. 2014.
]]>
Yaya toure

Yaya Toure ayaa afka kala furtay wuxuuna asigoo aad u careesay si toos ah u weeraray maamulka kooxdiisa Man City, xidigan tayada wanaagsan ayaa si rasmi ah u sheegay in Man City ay fasax 4-maalmoodah u diideen kadib markii uu rabay inuu waqti la qaato ama xanaaneeyo walaalkiisi geeriyooday Ibrahim Toure, hadalka kasoo yeeray Yaya ayaa ku dheehnaa caro xoogan wuxuuna yiri “markii uu xili cayaareedkii hore dhamaaday waxaan Man City ka codsaday inay fasax 4 ilaa 5-maalmood ah i siiso si aan u xanaaneeyo waalkeyga Ibrahim oo aad u xanuunsanaa markaas balse fasaxii waa la ii diiday waxaana u raacay City Abu Dhabi si aan Premiership-ka ula dabaal dago”

Yaya Toure oo la hadlaayay wargeska France Football wuxuu yiri “Runtii nafteyda ayaan dhaliilay madaama walaalkeyga oo aad  xanuunsan aan anigana Man City kula dabaal dagay horyaalka magaalada Abu Dhabi waxaa ii fiicneen inaan safarkaas ka haro oo aan jebiyo amarkii Man City igu soo rogtay waayo Ibrahim wuxuu ahaa qof aad igu dhow oo aan jelaa marwalbo inaan xanaaneeyo!”

Ibrahim Toure asigoo 28-jir ah wuxuu geeriyooday Jimcadii aan kasoo gudubnay madaama uu la ildarnaa xanuun Kansarka sidaa darteed Yaya Toure oo aad u careesay ayaa saxaafada caalamkala wadaagay in kooxdiisa Man City aysan wax tixgalin ah siinin markii uu walaakiis aad u xanuun sanaa wuxuuna yiri “Man City si wanagsan ayay uga warqabtay inaan xaalad adag ku sugnaa anigana waxaan ku dadaalay inaan kooxdeyda horyaalka u qaado halka iyagana ay dareemi waayeen inay dhibaatada Ibrahim ila qeebsadaan runtii 4-bilood ee ugu dambeesay waxay ahayd waqtigii iigu adkaa ee nolosheyda soo maro!”



Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [Yaya Toure Oo Man City Ku Eedeeyay Inay Fasax U Diideen Si Walaalkiisii Geeriyooday Uu U Xanaanaayo], All Right Reserved. 2014.
]]>
http://hiilkubad.com/yaya-toure-oo-man-city-ku-eedeeyay-inay-fasax-diideen-si-walaalkiisii-geeriyooday-uu-xanaanaayo/feed/ 0
Bollywood-ka Iyo Xiisaha Ay U Qabaan Tartanka Koobka Aduunka Ee Dalka Brazil Ka Socdo http://hiilkubad.com/bollywood-ka-iyo-xiisaha-ay-qabaan-tartanka-koobka-aduunka-ee-dalka-brazil-ka-socdo/ http://hiilkubad.com/bollywood-ka-iyo-xiisaha-ay-qabaan-tartanka-koobka-aduunka-ee-dalka-brazil-ka-socdo/#comments Sat, 21 Jun 2014 09:01:45 +0000 http://hiilkubad.com/?p=26310
Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [Bollywood-ka Iyo Xiisaha Ay U Qabaan Tartanka Koobka Aduunka Ee Dalka Brazil Ka Socdo], All Right Reserved. 2014.
]]>
Bollywood Stars and World Cup

Qaar ka  mid ah jilaayaasha Bollwood-ka ugu caansan ayaa qarsan waayeen xiisaha ay u qaban tartanka koobka aduunka ee haatan dalka Brazil ka socdo, inkastoo qaarkood ay dalka Brazil ku sugan yihiin si ay tartankan u daawadaan hadana intooda badan waxay sheegeen inay magaalada Mumbai kala socon doonaan tartankan xiisaha badan, hadaba waxaan idiin heynaa jilaayaasha Facebook iyo Twitter-ka kusoo bandhigeen xulalka ay taageeri doonaan inta uu tartankan socdo:

SRK Football

Super Star SRK: wuxuu sheegay inuu dhamaan kulamada koobka aduunka daawan doono balse ma sheegin xulka uu taageersan yahay tolow yaad u maleyn doontaa?

Arshad-Warsi

Arshad Warsi: jilaagan wuxuu sheegay inuu taageersan yahay xulka Holland sidoo kalena uu macalin Luis Van Gaal si gaar ah u jecel yahay.

Bipasha

Bipasha Basu: atirishadan Bollywood-ka caanka ka ah ayaa sheegtay inay taageersan tahay xulka Argentina.

Tiger

Tiger Shroff: Wiilka uu dhalay Jackie Shroff isagana wuxuu sheegay inuu taageersan yahay Argentina koobka la jecel yahay sidoo kalena shaqsi ahaaan uu taageero Lionel Messi.

Aditya-Roy-Kapoor

Aditya Roy Kapur: Jilaagan dhalinta yar wuxuu taageersan yahay xulka Jarmalka.

Prachi-Desai

Prachi Desai: atirishadan waxay sheegtay inay koobka la rabto xulalka Argentina ama Brazil midkood.

Kabir

Kabir Bedi: ruug cadaagan wuxuu sheegay asal ahaan dalka uu kasoo jeedo inuu taageersan yahay waana reer Talyaani ayuu la jiraa.

Ram Kapoor: jilaagan wuxu taageersan yahay xulka Brazil.

John at world cup

John Abraham: isaga waa qabiir kubada cagta ka falanqeeyo wuxuuna haatan ku sugan yahay dalka Brazil weliba sawirka waxaad kaga dheehan kartaa asigoo la joogo xidigo caana ah sida Peter Crouch iyo Mikel Silvestre wuxuuna sheegay inuu koobka la doonayo xulalka Argentina iyo Brazil midkood.

Sidarth

Sidharth Malhotra: Jilaagan dhalinta yar waxaa la sheegay inuu dalka Brazil u duulay wuxuuna taageersan yahay xulka Brazil.

rohansippy

Rohan Sippy: film sameeyahan wuxuu sheegay inuu xulka England taageersan yahay balse nasiib daro xulkiisa waa hareen!!

Esha Gopta

Esha Gupta: Atirishadan waxay sheegtay inay xulka Brazil taageersan tahay.



Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [Bollywood-ka Iyo Xiisaha Ay U Qabaan Tartanka Koobka Aduunka Ee Dalka Brazil Ka Socdo], All Right Reserved. 2014.
]]>
http://hiilkubad.com/bollywood-ka-iyo-xiisaha-ay-qabaan-tartanka-koobka-aduunka-ee-dalka-brazil-ka-socdo/feed/ 0
Koobka Aduunka Iyo Xul Walbo Gabdhaha Quruxda Badan Ay Xagaagan Lasoo Shirtagi Doonaan (+Sawiro) http://hiilkubad.com/koobka-aduunka-iyo-xul-walbo-gabdhaha-quruxda-badan-ay-xagaagan-lasoo-shirtagi-doonaan-sawiro/ http://hiilkubad.com/koobka-aduunka-iyo-xul-walbo-gabdhaha-quruxda-badan-ay-xagaagan-lasoo-shirtagi-doonaan-sawiro/#comments Wed, 21 May 2014 06:52:00 +0000 http://hiilkubad.com/?p=22904
Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [Koobka Aduunka Iyo Xul Walbo Gabdhaha Quruxda Badan Ay Xagaagan Lasoo Shirtagi Doonaan (+Sawiro)], All Right Reserved. 2014.
]]>
Most-Beautiful-Fans-in-World-Cup-2014

Koobka aduunka bilaabashadiisa waxaa k harsan 22-maalmood sidaa darteed taageerayaasha aduunka oo idil dalka Brazil ayay kusii qul qulayaan waxayna doonayaan inay xulalkooda u sacabo tumaan, sidaa darteed waxaa lasoo bandhigay Gabdadha aadka u quruxda badan ee tartankan u daawasho tagi doonaan, waxaana si gaar ah loo soo xulay dalalka ugu caansan ee koobka aduunka kasoo qayb gali doonaan iyo gabdhaha quruxda badan oo ay garoomada kusoo bandhigi doonaa, hadaba hoos kaga bog hablaha la filaayo inay koobka aduunka bilaan xagaagan iyo dalalka ay ka socdaan:

Australia :Football Female Fans in World Cup :

most beautiful fans of world

Japan : Football Female Fans in World Cup :

one of the most classy fans in fifa world cup 2014 to watch

South Korea : Football Female Fans in World Cup :

check out some of the hottest football fans of south korea

Mexico : Football Female Fans in World Cup :

female fans of Fifa world cup 2014

United States : Football Female Fans in World Cup :

More to come in 2014

Switzerland : Football Female Fans in World Cup :

most hottest girls in the football world

Spain : Football Female Fans in World Cup :

most beautiful fans in world cup

Russia : Football Female Fans in World Cup :

most popular fans in world cup

Portugal : Football Female Fans in World Cup :

one of the most beautiful female fans to see in world cup

Netherlands : Football Female Fans in World Cup :

most beautiful fans in the worldcup

Italy : Football Female Fans in World Cup :

most beautiful fans in Football

Greece : Football Female Fans in World Cup :

most beautiful football fans in world

Germany : Football Female Fans in World Cup :

one of the most beautiful football fans in world today

France : Football Female Fans in World Cup :

most beautiful fans in the world of France

England : Football Female Fans in World Cup :

most beautiful football fans

Croatia : Football Female Fans in World Cup :

check out hot female football fans

 

Codkaaga: Wadankee Ayaa Ugu Naago Qurxoon ama kusoo jiidan kara marka aad aragto sawiradooda?



Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [Koobka Aduunka Iyo Xul Walbo Gabdhaha Quruxda Badan Ay Xagaagan Lasoo Shirtagi Doonaan (+Sawiro)], All Right Reserved. 2014.
]]>
http://hiilkubad.com/koobka-aduunka-iyo-xul-walbo-gabdhaha-quruxda-badan-ay-xagaagan-lasoo-shirtagi-doonaan-sawiro/feed/ 8
Video: 8-Hees EE FIFA World Cup Horey Loogu Furay Kuwaas Oo Hirgalay Wax Ka Ogaaw http://hiilkubad.com/video-8-hees-ee-fifa-world-cup-horey-loogu-furay-kuwaas-oo-hirgalay-wax-ka-ogaaw/ http://hiilkubad.com/video-8-hees-ee-fifa-world-cup-horey-loogu-furay-kuwaas-oo-hirgalay-wax-ka-ogaaw/#comments Mon, 19 May 2014 07:06:04 +0000 http://hiilkubad.com/?p=22671
Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [Video: 8-Hees EE FIFA World Cup Horey Loogu Furay Kuwaas Oo Hirgalay Wax Ka Ogaaw], All Right Reserved. 2014.
]]>
Best-world-cup-songs-ever

Maalin walbo waxaan idiin soo gudbinaa sheeko xiiso badan oo ku saabsa tartanka koobka aduunka oo dhawaan dalka Brazil ka furmi doono waxaana bilaabashadiisa ka harsan 25-maalmood oo qura, hadaba maanta waxaan idiin heynaa dhacdo xiiso badan oo ah ku saabsan taariikh ahaan koobka aduunka waayo 4-sano markii la isku imaado tartankan hees ayaa lagu daah furaa kuwaas oo intooda badan hirgalaan ama caan noqdaan, ka hor inta aanan sanadkan aysan Jennifer Lopez iyo Shakira heestooda daaha kag rogin koobka aduunka waxaan idiin heynaa taariikh ahaan 10-kii heer ee horay tartamadii kala duwana looga qaaday kuwaas oo siweyn u gadmeen ilaa haatana dunida laga jecel yahay:

“Gloryland” – 1994 World Cup USA

“Un’Estate Italiana” – 1990 World Cup

“Un’Estate Italiana” – 1990 World Cup

“El Rock del Mundial” – 1962 World Cup

“Vangelis” instrumental music – 2002 World Cup

“Wavin’ Flag” – 2010 World Cup

“Cup of Life” – 1998 World Cup

“Waka Waka” – 2010 World Cup



Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [Video: 8-Hees EE FIFA World Cup Horey Loogu Furay Kuwaas Oo Hirgalay Wax Ka Ogaaw], All Right Reserved. 2014.
]]>
http://hiilkubad.com/video-8-hees-ee-fifa-world-cup-horey-loogu-furay-kuwaas-oo-hirgalay-wax-ka-ogaaw/feed/ 0
Kooxda Horyaal Sports Oo Ku Guuleysatay Koobkii Sanad Guuradii 6-aad Ee Wargeyska Horyaal Sports http://hiilkubad.com/kooxda-horyaal-sports-oo-ku-guuleysatay-koobkii-sanad-guuradii-6-aad-ee-wargeyska-horyaal-sports/ http://hiilkubad.com/kooxda-horyaal-sports-oo-ku-guuleysatay-koobkii-sanad-guuradii-6-aad-ee-wargeyska-horyaal-sports/#comments Sun, 18 May 2014 17:12:37 +0000 http://hiilkubad.com/?p=22601
Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [Kooxda Horyaal Sports Oo Ku Guuleysatay Koobkii Sanad Guuradii 6-aad Ee Wargeyska Horyaal Sports], All Right Reserved. 2014.
]]>
SAM_6520

maanta oo ay taariikhdu ku beegneyd 18-ka May waxey aheyd sanad guuradii 6-aad ee wargeyska caanka ah ee Horyaal Sports waxeyna maamulka wargeyska garteen madama wargeyska uu ka shaqeeyo arimaha ciyaaraha in koob munaasabad ah loogu dhigo garoonka Salaxa Shiirkole ee dagmada Hodan.

Koobkii ay soo qaban qaabiyeen Maamulka Wargeyska waxaa ku ciyaaray laba kooxood oo kala ah: Gaab Carab Tailor iyo Horyaal Sports iyadoo labada kooxood ay u safnaayeen xidigaha heerka koowaad ee kooxaha dalka soomaaliya, hadaba ciyaartoydii shalay kulanka ciyaartay waxaa ka mid ah:

Gab Carab Tailor: Cabdi dheere, Daadir, Baazi, C/casiis Catoosh, Mahad Saha, Meyman, A’ina, C/fitaax, Jooker, Carab Gaab.

Horyaal Sports: Mustaf, Axmed Tahliil, Daandii, Siid Cali, Zakariye, Shaafaa, Niinje, Liidaanyo, Daadir Amiin.

Hadaba kulankii shalay oo xamaasad goonni ah lahaa ayaa ku dhamaaday 4-3 oo ay guusha ku raacday kooxda ku ciyaareysay magaca Horyaal Sports. Sadexda gool ee naadiga Carab Gaab Waxaa u dhaliyay: Meyman, C/fitaax, Gaab Carab, Halka kooxda Horyaal Sports ay goolasha afarta ah ka heshay: Siid Cali, Niinje iyo 2-gool oo Liidaanyo ah.

Kulanka oo ahaa mid aad u xiiso badnaa, ayey maamulka wargeyska horyaal Sports halkaas koobkii ku guudoonsiiyeen kooxdii hanatay koobka oo ah kooxdii ku ciyaareysay magaca Horyaal Sports.

Ugu Dambeyntii Madaxa Wargeyska Horyaal Sports Maxamed Axmed Siyaad “Black” ayaa mahad gaar ah u celiyay shaqsiyaadkii sida sharafta leh isugu howlay iney soo qaban qaabiyaan koobkaan qiimaha badan iyo dhaaan taageerayashii kasoo qeyb galay iyo sidoo kale bulshada ku dhaqan xaafadaas oo qeyb ka qaatay in ciyaartu ku dhamaato si farxad leh.

Sidoo kale kadib kulanka waxaa ka hadlay natiijada ciyaarta labadii tababare ee kala hogaaminayay labada kooxood waana (Gaab Carab iyo Faarax) iyagoo si aad ah ugu mahad celiyay maamulka wargeyska, shaqsiyaadkii soo qabanqabiyay tartanka & Ciyaartoda labada kooxood.

Koobkaan wuxuu maamulka wargeyska qabtaa sanad walba marka la gaaro taariikhda 18-ka May wuxuuna sanad walba ku qabtaa Dagmo iyadoo sanadkii hore lagu qabtay dagmada Wadajir ee gobolka Banaadir.

SAM_6500 SAM_6501 SAM_6502 SAM_6503 SAM_6504 SAM_6505 SAM_6506 SAM_6507 SAM_6509 SAM_6510 SAM_6512 SAM_6514 SAM_6517 SAM_6523 SAM_6524 SAM_6525 SAM_6526



Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [Kooxda Horyaal Sports Oo Ku Guuleysatay Koobkii Sanad Guuradii 6-aad Ee Wargeyska Horyaal Sports], All Right Reserved. 2014.
]]>
http://hiilkubad.com/kooxda-horyaal-sports-oo-ku-guuleysatay-koobkii-sanad-guuradii-6-aad-ee-wargeyska-horyaal-sports/feed/ 0
Didier Drogba Oo €1 million Ugu Deeqay Qoysaskii Dhibaatada Kasoo Gaartay Masuubadii Dalka Turkiga Ka Dhacday http://hiilkubad.com/didier-drogba-oo-e1-million-ugu-deeqay-qoysaskii-dhibaatada-kasoo-gaartay-masuubadii-dalka-turkiga-ka-dhacday/ http://hiilkubad.com/didier-drogba-oo-e1-million-ugu-deeqay-qoysaskii-dhibaatada-kasoo-gaartay-masuubadii-dalka-turkiga-ka-dhacday/#comments Sun, 18 May 2014 17:05:48 +0000 http://hiilkubad.com/?p=22602
Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [Didier Drogba Oo €1 million Ugu Deeqay Qoysaskii Dhibaatada Kasoo Gaartay Masuubadii Dalka Turkiga Ka Dhacday], All Right Reserved. 2014.
]]>
Mine

Weeraryahanka xulka Ivory Coast Didier Drogba ayaa siweyn uga danqaday mashaqadii ku habsatay qaar ka mid ah shacabka reer Turkey madaama dhawaan musiibo dhinaca macdanta ah ka dhacday dalka Turkiga, Didier ayaa ugu deeqayo gaarayo €1 million qoysaskii ay dhibaatadii adkeed soo gaartay, Drogba iyo dhamaan xidigaha kooxdiisa Galatsaray waxay soo xirteen dharka macdanta lagu qodo ka hor kulankii ay la cayaareen naadiga Kayseri Erciyesspor cayaar ka tirsaneed horyaalka Turkiga waxayan muujiyeen sida ay uga xun yihiin musabadii ka dhacday Turkiga.

Madaama Drogba oo u yahay safiir dhinac samafalka iyo gar gaarka u qaabilsan qaramada midoobay wuxuu isku xil qaamay inuu dadka reer Turkey dhibaatada la qeebsado wuxuuna yiri “waxaan ahay safiir UN-ka ka tirsan una taagan samafalka iyo u kaalmeynta dadka sidaa darteed waxaan go’aansaday inaan reer Soma caawiyo”  Drogba oo hadalkiisa sii wato wuxuu yiri “ma doonayo qof inuu magaceyga adeegsado mana ihi qof ihi shaqsi jecel inuu is buun buuniyo mana doonayo inaan amaan gaar ah helo kaliya dadka dhibaateesan ayaan ka dan qaday!”

13-kii bishan May ayay ahayd maalintii qaraxii weynaa ee macdanta ahaa ka dhacay Soma ee dalka Turkiga dabcan dadbadan ayaa dhulka hoostiisa ku jireen waxaana ilaa haatana 301-ruux ayaa ku geeriyootay waxaana lagu tilmaamay muusabadii ugu xumeed ee ebid dalka Turkiga ka dhacdo!



Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [Didier Drogba Oo €1 million Ugu Deeqay Qoysaskii Dhibaatada Kasoo Gaartay Masuubadii Dalka Turkiga Ka Dhacday], All Right Reserved. 2014.
]]>
http://hiilkubad.com/didier-drogba-oo-e1-million-ugu-deeqay-qoysaskii-dhibaatada-kasoo-gaartay-masuubadii-dalka-turkiga-ka-dhacday/feed/ 0
LL.PP. Jeenyo Oo Ku Guuleysatay Koobka Janaraal Daa’uud & Ra’isul Wasaraha Oo Ka Qeyb Galay +Sawiro http://hiilkubad.com/ll-pp-jeenyo-oo-ku-guuleysatay-koobka-janaraal-daauud-raisul-wasaraha-oo-ka-qeyb-galay-sawiro/ http://hiilkubad.com/ll-pp-jeenyo-oo-ku-guuleysatay-koobka-janaraal-daauud-raisul-wasaraha-oo-ka-qeyb-galay-sawiro/#comments Fri, 16 May 2014 16:36:59 +0000 http://hiilkubad.com/?p=22239
Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [LL.PP. Jeenyo Oo Ku Guuleysatay Koobka Janaraal Daa'uud & Ra'isul Wasaraha Oo Ka Qeyb Galay +Sawiro], All Right Reserved. 2014.
]]>
SAM_6448

Kooxda LL.PP. Jeenyo ayaa u dabaal dagtay hanashada koobka Janaraal Daa’uud ee sanadka 2014 markii ay 4-2 ku garaaceen kooxda Heegan oo ay wada joogeen Fianlka Tartankaan.

Ciyaar xiiso badneyd oo ay kasoo qeyb galeen masuuliyiin badan oo dowladda soomaaliya ka tirsan ayaa ka dhacday garoonka Banaadir Stadium iyadoo masuuliyiintaas uu hogaaminayay Ra’isulwasaaraha Soomaaliya C/Wali Shiekh Maxamed, Sidoo kale garoonka waxaa ku sugnaa masuuliyiinta xiriirka Kubada Cagta Soomaaliya

Ciyaartii ka dhacday Maanta Garoonka Banaadir oo aheyd mid aad u xiiso badan ayey kooxda Jeenyo kor ugu qaaday koobka waxeyna goolasheeda ka heshay labada xidig ee dhanka weerarka Maxamuud C/nuur Meeman iyo C/qaadir Shariif Muqtaar Niinje halka Labada gool ee kooxda Heegan ay la timid ay ka heshay xidigaha khadka dhexe iyo weerarka uga ciyaara ee Cismaan Ayeerta iyo Jabriil Xasan Fariid.

Jeenyo ayaa 30-daqiiqo in ka badan ku ciyareysay 10-ciyaartoy markii casaan laga siiyay Xasan Cartan oo goolhayaha u ahaa.

DAAWO DABAAL DAGII JEENYO

SAM_6447

Taageerayaasha LL PP Jeenyo

SAM_6456

Ra’isul Wasaare: Cabdiwali

SAM_6464

Xidigaha Kooxda LL.PP. Jeenyo oo Daaal Dagaya

SAM_6465

Xidigaha Kooxda LL.PP. Jeenyo oo Daaal Dagaya

SAM_6466

Xidigaha Kooxda LL.PP. Jeenyo oo Daaal Dagaya

SAM_6467

Xidigaha Kooxda Heegan Oo Ka Xun Guuldarada Soo Gaartay

SAM_6449

SAM_6468

Xidigaha Kooxda Heegan Oo Ka Xun Guuldarada Soo Gaartay

SAM_6472

Xoghayaha Guud Xiriirka: Cabdiqani Siciid Carab

SAM_6457 SAM_6477 SAM_6478 SAM_6479 SAM_6480



Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [LL.PP. Jeenyo Oo Ku Guuleysatay Koobka Janaraal Daa'uud & Ra'isul Wasaraha Oo Ka Qeyb Galay +Sawiro], All Right Reserved. 2014.
]]>
http://hiilkubad.com/ll-pp-jeenyo-oo-ku-guuleysatay-koobka-janaraal-daauud-raisul-wasaraha-oo-ka-qeyb-galay-sawiro/feed/ 0
Isku Aadka Koobka Cecafa Nile Basin Cup Oo La Sameeyay Xili Kooxda Soomalida Ah Ee Elman Oo Gashay Group Adag http://hiilkubad.com/isku-aadka-koobka-cecafa-nile-basin-cup-oo-la-sameeyay-xili-kooxda-soomalida-ah-ee-elman-f-c-ay-gashay-group-adag/ http://hiilkubad.com/isku-aadka-koobka-cecafa-nile-basin-cup-oo-la-sameeyay-xili-kooxda-soomalida-ah-ee-elman-f-c-ay-gashay-group-adag/#comments Wed, 14 May 2014 20:02:35 +0000 http://hiilkubad.com/?p=22061
Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [Isku Aadka Koobka Cecafa Nile Basin Cup Oo La Sameeyay Xili Kooxda Soomalida Ah Ee Elman Oo Gashay Group Adag], All Right Reserved. 2014.
]]>
Elman

Ururuka cayaaraha ee bariga iyo bartamaha africa ee loo yaqaano East and Central Africa Football Associations (CECAFA) ayaa ku dhawaaqay isku aadka koobka Nile Basin Cup oo ah tartan cusub oo hada la abuurayo.

Tartanka CECAFA Nile Basin Cup ayaa waxaa uu bilaaban doonaa 22- May waxaana lagu qaban doonaa sanadkan dalka Sudan oo marti galinn doona.  CECAFA ayaa waxaa ay warbxintan ku sheegtay in ay kawada qayb galayaan dhamaan wadamada xubnaha ka ah Cecafa iyo kuwo kale oo lagu casuumo balse Eritrea ay kabaxday tartankan.

Africa

Kooxaha ugu magaca wayn ee kasoo muuqday tartankan ayaa waxaa kamdi ah Arab Contractors iyo El Masry oo Masar ah, Sudan’s giant El Merreikh of Khartoum aiyo Al Ahly of Shandy City oo wada suudaan ah.Sidoo kale Tanzania waxaa u matalaya Mainland Mbeya City FC, waxaana kooxdan ay la dagaalantaa sadexda kooxood ugu magaca wayn dalkaasi oo ay kamid yihiin clubs of Dar es Salaam-Azam, Young Africans iyo Simba.

Wadankeena Soomaaliya ayaa waxaa ugu qayb galaya kooxda Elman FC oo kaalinta labaad ka gashay horyaalka soomaaliya ee Nation Link Telecom Championship.

Waxaana Elman ay kulanka ugu horeeya la ciyaari doontaa kooxda FC Leopards oo kadhisan Kenya maalin jimco ah 23- May.

GROUP A: GROUP B:
El Merreikh [Sudan] El Merreikh Al Fasher [Sudan]
SC Victoria University [Uganda] Mbeya City [Tanzania Mainland]
Malakia [South Sudan] Elman [Somalia]
Polisi [Zanzibar] AFC Leopards [Kenya]
GROUP C: GROUP D:
Al AhliShandi [Sudan] Hey Al Arab [Sudan]
Al Masry [Egypt] Arab Contractors [Egypt]
Defence [Ethiopia] Flambeau de l’Est [Burundi]
Dikhil [Djibouti] Etincelles [Rwanda].


Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [Isku Aadka Koobka Cecafa Nile Basin Cup Oo La Sameeyay Xili Kooxda Soomalida Ah Ee Elman Oo Gashay Group Adag], All Right Reserved. 2014.
]]>
http://hiilkubad.com/isku-aadka-koobka-cecafa-nile-basin-cup-oo-la-sameeyay-xili-kooxda-soomalida-ah-ee-elman-f-c-ay-gashay-group-adag/feed/ 0
LL.PP. Jeenyo Oo U Gudubtay Finalka Koobka Janaraal Daa’uud Iyagoo Garaacay Banaadir SC + Sawiro http://hiilkubad.com/ll-pp-jeenyo-oo-gudubtay-finalka-koobka-janaraal-daauud-iyagoo-garaacay-banaadir-sc-sawiro/ http://hiilkubad.com/ll-pp-jeenyo-oo-gudubtay-finalka-koobka-janaraal-daauud-iyagoo-garaacay-banaadir-sc-sawiro/#comments Wed, 14 May 2014 09:32:21 +0000 http://hiilkubad.com/?p=22003
Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [LL.PP. Jeenyo Oo U Gudubtay Finalka Koobka Janaraal Daa'uud Iyagoo Garaacay Banaadir SC + Sawiro], All Right Reserved. 2014.
]]>
SAM_6405

Kooxda LL.PP. Jeenyo ayaa u gudubtay Finalka tartanka Janaraal Daa’uud kadib markii ay shalay ciyaar xiiso badan ku garaaceen kooxda heysta horyaalnimada soomaaliya ee Banaadir Sports Club. Jeenyo ayaa ciyaarta kusoo idleysay 2-1 iyadoo goolasheeda ka heshay Meeman & Shaafaa halka Goolka kali ah ee ay la timid Banaadir Sports Club ka heshay kabtan Mustaf Faransa.

Natiijada Shalay ayaa ka dhigan in Jeenyo ay Finalka koobkaan kula biireyso kooxda Heegan oo Isniintii natiijo la mid ah tii shalay ku garaacday Elman.

Sidoo kale ciyaarta dhexmartay Jeenyo iyo Banaadir ee aheyd Semi Finalka Koobka Janaraal Daa’uud waxaa ku lifaaqnaa Koob ay soo agaasintay Wasaaradda Dhalinyaada iyo Sports-ka Soomaaliya iyadoo maamuus uga dhigeysay munaasabadda maalintii la aas-aasay SYL oo ku beegan 15-ka May oo ku aadan Maalinimada Khamiista ah.

Kooxda Jeenyo ayaana la gudoonsiiyay Koobkii ay soo maamuustay Wasaaradda Dhalinyarada iyo Sports-ka waxaana gudoonsiiyay Wasiirka Wasaaradda Dhalinyarada iyo Sportska. Waxa la sugaba waa Finalka Koobka Janaraal Daa’uud oo dhici doona 16-ka May taas oo ku beegan maalinta Jimcaha ee soo aadan waxaana iska hor imaan doona kooxaha LL.PP. Jeenyo oo reebtay Banaadir Sports Club iyo Heegan oo soo reebtay kooxda Elman.SAM_6404 SAM_6410 SAM_6411 SAM_6412 SAM_6413 SAM_6420 SAM_6421 SAM_6423 SAM_6427 SAM_6428 SAM_6431



Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [LL.PP. Jeenyo Oo U Gudubtay Finalka Koobka Janaraal Daa'uud Iyagoo Garaacay Banaadir SC + Sawiro], All Right Reserved. 2014.
]]>
http://hiilkubad.com/ll-pp-jeenyo-oo-gudubtay-finalka-koobka-janaraal-daauud-iyagoo-garaacay-banaadir-sc-sawiro/feed/ 0
Seydou Keita Iyo Hantida Uu Leeyahay Maxaa Kala Socotaa http://hiilkubad.com/seydou-keita-iyo-hantida-uu-leeyahay-maxaa-kala-socotaa/ http://hiilkubad.com/seydou-keita-iyo-hantida-uu-leeyahay-maxaa-kala-socotaa/#comments Fri, 09 May 2014 05:06:56 +0000 http://hiilkubad.com/?p=21433
Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [Seydou Keita Iyo Hantida Uu Leeyahay Maxaa Kala Socotaa], All Right Reserved. 2014.
]]>
Keita 2

Seydou Keita waxaa lagu tilmaamaa shaqsiga ugu hodansan dalka Mali madaama uu kubada cagta lacago badan ka tabcay gaar ahaan sanadihii uu dalka China ku sugnaa ayuu hanti badan gacanta ku dhigan wuxuuna haatan ka mid yahay xidigaha aduunka ugu taajirsan, halyeegan wuxuu horey ugu soo cayaaray kooxaha Sevilla iyo Barcelona haatana naadiga Valencia ayuu ka tirsan, hadaba macluumaadka hantida Seydou Keita uu leeyahay hoos kaga bogo:

Hantida uu heesto: $45 Million

Xiliga uu dhashay: January 16, 1980

Goobta uu ku dhashay: Bamako, Mali

Da’diisa: 34-sano.

Koobabkii ugu muhiimsanaa ee uu Keita ku guuleestay:

Lorient:

Coupe de France: 2001–02

Sevilla:

Supercopa de España: 2007

UEFA Super Cup: kaalinta 2-aad 2007

Barcelona:

La Liga: 2008–09, 2009–10, 2010–11

Copa del Rey: 2008–09, 2011–12; Runner-up 2010–11

Supercopa de España: 2009, 2010, 2011

UEFA Champions League: 2008–09, 2010–11

UEFA Super Cup: 2009, 2011

FIFA Club World Cup: 2009, 2011

Xulka Mali

FIFA U-20 World Cup: kaalinta 3-aad 1999

Africa Cup of Nations: kaalinta 3-aad 2012, 2013

Bilada Shaqsi ahaaneed

FIFA U-20 World Cup: kubada dahabka 1999



Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [Seydou Keita Iyo Hantida Uu Leeyahay Maxaa Kala Socotaa], All Right Reserved. 2014.
]]>
http://hiilkubad.com/seydou-keita-iyo-hantida-uu-leeyahay-maxaa-kala-socotaa/feed/ 0