Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha » Europe http://hiilkubad.com Fri, 04 Jul 2014 19:24:55 +0000 en-US hourly 1 http://wordpress.org/?v=3.9.1 Sadexdii Qaniinyo Ee Luis Suarez Iyo Ganaaxyadii La Duldhigay Dhamaan Wax Ka Ogow http://hiilkubad.com/sadexdii-qaniinyo-ee-luis-suarez-iyo-ganaaxyadii-la-duldhigay-dhamaan-wax-ka-ogow/ http://hiilkubad.com/sadexdii-qaniinyo-ee-luis-suarez-iyo-ganaaxyadii-la-duldhigay-dhamaan-wax-ka-ogow/#comments Fri, 27 Jun 2014 06:30:06 +0000 http://hiilkubad.com/?p=27239
Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [Sadexdii Qaniinyo Ee Luis Suarez Iyo Ganaaxyadii La Duldhigay Dhamaan Wax Ka Ogow], All Right Reserved. 2014.
]]>
article-2670831-1F2972EE00000578-763_964x390

Akhristayaasheena Sharafta leh waxaan idiin soo gudbineynaa warbixin ka hadleyso ganaaxyadii hore iyo mida hadda la dul dhigay Suarez.

Warbixintaan ayaa muujineysa in Suarez markii la isku daro sedexdii ganaax ee la saaray ay ka dhigan tahay in la ganaax in ka badan  hal Xilli cayaareed kulamadii la cayaari lahaa.

Haddaba waxaan u kala hormarineynaa sida qaniinyadiisa ay u kala horeysay

Kulamadii laga ganaaxay Ajax  Markii uu qaniinay  Otman Bakkal 

(Natiijada Ajex ayaa horeysa)
Nov 28, 2010: VVV Venlo (a) 2-0
Dec 4, 2010: NEC Nijmegen (h) 1-1
Dec 12, 2010: Vitesse Arnhem (a) 1-0
Jan 19, 2010: Feyenoord (h) 2-0
Jan 23, 2011: FC Utrecht (a) 0-3
Jan 30, 2011: NAC Breda (a) 3-0
4 Feb, 2011: De Graafschap (h) 2-0

F.G: (a) waxay ka dhigan tahay Away, (H) waxay ka dhigan tahay Home

Kulamadii Laga Ganaaxay Liverpool Markii uu Qaniinay Daafaca Chelsea  Branislav Ivanovic 

Natiijada Liverpool  ayaa horeysa
Apr 27, 2013: Newcastle (a) 6-0
May 5, 2013: Everton (h) 0-0
May 12, 2013: Fulham (a) 3-1
May 19, 2013: QPR (h) 1-0
Aug 17, 2013: Stoke (h) 1-0
Aug 24, 2013: Aston Villa (a) 1-0
Aug 27, 2013: Notts County (h) 4-2 – League Cup
Sep 1, 2013: Man Utd (h) 1-0
Sep 16, 2013: Swansea (a) 2-2
Sep 21, 2013: Southampton (h) 0-1

Hadda Liverpool waxaa laga ganaaxay Afar Bil oo ka dhigan  13 Kulan Markii Uu Qaniinay Giorgio Chiellini

Aug 16: Liverpool v Southampton
Aug 23: Manchester City v Liverpool
Aug 30: Tottenham Hotspur v Liverpool
Sep 13: Liverpool v Aston Villa
Sep 16: Champions League matchday 1
Sep 20: West Ham United v Liverpool
Sep 23: Capital One Cup Third Round
Sep 27: Liverpool v Everton
Sep 30: Champions League matchday 2
Oct 4: Liverpool v West Bromwich Albion
Oct 18: Queens Park Rangers v Liverpool
Oct 21: Champions League matchday 3
Oct 25: Liverpool v Hull City

Xulkiisa Qaranka Uruguay

waxaa laga ganaaxay 9 Kulan

Haddaba guud ahaan markii la isku daro ganaaxyada sedexda  qaniinyo waxay ka dhigan tahay in ka badan Hal xilli cayaareed maadaama isku darka uu noqonayo 39 Kulan!!!!!!!.



Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [Sadexdii Qaniinyo Ee Luis Suarez Iyo Ganaaxyadii La Duldhigay Dhamaan Wax Ka Ogow], All Right Reserved. 2014.
]]>
http://hiilkubad.com/sadexdii-qaniinyo-ee-luis-suarez-iyo-ganaaxyadii-la-duldhigay-dhamaan-wax-ka-ogow/feed/ 0
Rasmi: UEFA Oo Shaaca Ka Qaaday Abaal Marinada Lacageed Ee Ay Heleen Kooxihii Champion-ka http://hiilkubad.com/rasmi-uefa-oo-shaaca-ka-qaaday-abaal-marinada-lacageed-ee-calfadeen-kooxaha-champion-ka-ka-qayb-qaateen-xili-cayaareedkii-dhawaan-soo-idlaaday/ http://hiilkubad.com/rasmi-uefa-oo-shaaca-ka-qaaday-abaal-marinada-lacageed-ee-calfadeen-kooxaha-champion-ka-ka-qayb-qaateen-xili-cayaareedkii-dhawaan-soo-idlaaday/#comments Thu, 26 Jun 2014 04:09:35 +0000 http://hiilkubad.com/?p=27018
Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [Rasmi: UEFA Oo Shaaca Ka Qaaday Abaal Marinada Lacageed Ee Ay Heleen Kooxihii Champion-ka], All Right Reserved. 2014.
]]>
4835736

Xiriirka kubada cagta qaarada Yurub UEFA ayaa si rasmi ah usoo bandhigeen abaal marinada lacageed oo ay heleen 32-naadi ee ka qayb qaateen koobka horyaalada Yurub xili cayaareedkii 2013/14 kaasi oo ay ku guuleesatay kooxda Real Madrid, UEFA ayaa u qeebisay dhamaan kooxaha tartankan kasoo qayb galeen lacag gaareyso €904m waxaana xusid mudan in lacagtii ugu badneed ay heshay kooxda Real Madrid oo koobkan ku guuleesatay waxayna heshay €57.4m, lacagaha Real Madrid hadii la kala qaado €20.5m ka mid ah dhanka TV-ga daqliga kasoo xarooday ayay ka heshay, €8.6m waxay ku muteesatay ka qayb galka tartankan halka €28m ay ka heshay guulaha iyo bar bar dhaca ay tartankan kulamadii ay cayaartay sidoo kalena cayaartii fiinaalka guushii ay ka gaartay waxay ka heshay €10.5m.

Waxaa la yaab ah in naadiga PSG oo wareega 8-aad ku hartay ay noqotay kooxda labaad ee daqligii ugu badnaa Champion-ka ka heshay xili cayaareedkii hore waxayna heshay €54.4m waayo kooxdan iyada galigeed ayaa kooxaha horyaalka France qaybaha u dambeeyay kasoo gaartay sidaa darteed €33.9m waxay ka heshay dhanka TV-ga dalka France  madaama aysan jirin koox kale oo Champion-kan meel wanaagsan kasoo gaartay marka loo bar bar dhigo kooxaha kale ee horyaalka France balse PSG lacagahaan si toos ah gacanta ugama dhigi doonto madaama UEFA ganaax dul dhigtay dhawaan waxaana laga jari doonaa lacago.

Kooxda Atletico Madrid oo tartankan laga qaaday xili cayaareedkii hore waxay iyadana heshay €50m, guud ahaan hoos kaga bogo kooxihii daqligii ugu badnaa Champion-a ka heleen xili cayaareedkii 2013/14:

Real Madrid: €57.4m

PSG: €54.4m

Atletico Madrid: €50m

Man United: €44.7m

Bayern Munich: 44.6m

Chelsea: €43m

Juventus: €43m

Barcelona: €41m



Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [Rasmi: UEFA Oo Shaaca Ka Qaaday Abaal Marinada Lacageed Ee Ay Heleen Kooxihii Champion-ka], All Right Reserved. 2014.
]]>
http://hiilkubad.com/rasmi-uefa-oo-shaaca-ka-qaaday-abaal-marinada-lacageed-ee-calfadeen-kooxaha-champion-ka-ka-qayb-qaateen-xili-cayaareedkii-dhawaan-soo-idlaaday/feed/ 0
Champions League Vs World Cup: Tartankee Wanaagsan Dood Marlabaad Soo Laba Kacleesay (+Sawiro)! http://hiilkubad.com/champions-league-world-cup-tartankee-wanaagsan-dood-marlabaad-soo-laba-kacleesay-sawiro/ http://hiilkubad.com/champions-league-world-cup-tartankee-wanaagsan-dood-marlabaad-soo-laba-kacleesay-sawiro/#comments Tue, 24 Jun 2014 08:03:37 +0000 http://hiilkubad.com/?p=26840
Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [Champions League Vs World Cup: Tartankee Wanaagsan Dood Marlabaad Soo Laba Kacleesay (+Sawiro)!], All Right Reserved. 2014.
]]>
FIFA-World-Cup-vs-Champions-League

Tartanka koobka aduunka 2014 wuxuu haatan u muuqdaa mid guul kusoo idlaan rabo sidoo kalena taariikh ahaan tartankii ugu wanaagsanaa ee ebid la qabto ayuu noqon rabaa marka dhinacyo badan laga fiiriyo, waxaa la sheegay in sanadii 2010 tartankii la qabtay ay daawadeen 3.6 billion haatana waxaana la sadaalinaa in tiro intaas ka badan ay caalamka ka daawan doonaan sidaa darteed waxaa marlabaad dib usoo noolaatay doodii ku aadaneed tartankii wanaagsan koobka aduunka iyo koobka horyaalada Yurub hadaba doodaas hoos kaga bogo qaabka loo falanqeeyay:

World Cup Vs Champions League: Inta badan dadka ku xeel dheer naqdinta cayaaraha iyo falanqeynta dhacdooyinka kubada cagta waxay ku doodaan in Champion-ka iyo koobka aduunka uu xiiso badan yahay Champion-ka  madaama tartankan ay sanad walb kasoo muuqdaan xidigaha aduunka ugu wanaagsan sidoo kalena mudo 7 ilaa 8-bilood ayuu socdaa laakiin koob aduunka 4-sano mar ayaa a qabtaa waxaana mararka qaar dhacdo in xidigaha aduunka ugu caansan qaar ka mid ah aysan soo xaadirin, hadii labo nuqdo lagu soo koobo, marka laga hadlo tayo iyo kubad adag Champion-ka ayaa wanaagsan halka marka laga hadlo xiisaha dadka aduunka ku nool iyo dareen ahaan koobka aduunka ayaa wanaagsan.

Maxay Ka Dhaheen Cayaartooyda Iyo Macalimiita Midka Wanaagsan Labadan Tartan:

Jose Mourinho oo la hadlaayay yahoo sports wuxuu yiri “In badan Champions League ayaa wanaagsan madaama xidigaha aduunka ugu qiimaha badan ay tartankan si joogto ah uga soo muuqdaan sidoo kalena tayo ahaan Champion-ka ayaa sareeyo laakiin koobka aduunka waa dhacdo caalamka u qaas ah sidoo kalena dareen dheeri ah xambaarsan waxaan oran karaa waa dhacdada sports ee aduunka ugu xiisaha badan”

Sir Alex Ferguson “Champions League ma jiro tartan lala bar dhigo tayo ahaan iyo xiiso ahaan sidoo kalena laacibiinta ugu wanaagsan caalamka ayaa marwalbo si joogto ah kaga soo muuqdaan”

Sedex Arimood Oo Uu Champions League Kaga Wanaagsan Yahay World Cup-ka:

1)Waa tartan aan la sadaalin kari: taariikh ahaan koobka aduunka 8-wadan oo kaliya ayaa ku guuleesteen inta badana xulalka awooda badan sida Brazil, Italy, Germany ama Argentina ayaa tartankan meel wanaagsan kasoo gaaraan ama qaadaan, laakiin Champion-ka sidaas ma ahan waayo kooxo aan la fileyn ayaa mararka qaar qaadaan bal xasuuso Marseille (1993), Borussia Dortmund (1997), FC Porto (2003) iyo Liverpool (2005) sidoo kalena Champion-ka waa tartan sanad walbo naadi cusub meel wanaagsan ay ka gaarto kana yaabiso caalamka.

2)Waa tartankan xili dheer soconaay: Koobka aduunka xulkii 7-kulan badiyo ayaa iska leh sidaa darteed waa tartan hal bil oo qura socdo halka Champions League uu yahay tartan soconaayo 8-bilood iyo wixii ka badan waxayna u baahan taha kooxda koobkan qaadi karto inay cayaarto 13-kulan sidaa darteed farqi weyn ayaa u dhaxeeyo, sidoo kalena kooxaha aduunka ugu caansan lacago badan ayay ku bixiyaa tusaale ahaan Real Madrid ay markeedii 10-aad u qaado koobkan waxay qarash gareesay inka badan $1billion, bal fiiro sida uu tartankan u adag yahay Man United oo 13-jeer Premiership-ka hanatay 20-sano ee ugu dambeesay kaliya labo jeer ayay qaaday 20-sano ee ugu dambeeyay tartankan!

3)Champions League Xidigaha aduunka ugu wanaagsan ayaa kasoo muuqdaan: Tusaale waxaa kuugu filan xidigaha caalamka laga yaqaa sida Gareth Bale, Ibrahimovic iyo Lewandowski koobka aduunka kama qayb qaadanayaan laakiin Champion-ka sanad walbo xidiagaha ugu wanaagsan lagama waayo sida Ronaldo, Messi, Ribery, Rooney iyo kuwo kale.

Sedex Arimood Oo Uu World Cup Kaga Wanaagsan Yahay Champions League:

1) Waa koob taariikh dheer: ma sahlano tartanka waayo 1930 ayuu soo bilaawmay waana tartan xul walbo jecel yahay inuu kasoo muuqdo halka Champion-ka uu usaga soo bilaawmay 1955.

2) Koob xidig walbo jecel yahay inuu gacanta ku dhigo: dhamaan laacibiinta aduunka waxay ku riyoodaan inay mar un koobka aduunka kasoo muuqdaan kaba sii wanaagsan hadii ay gacanta ku dhigaan waayo fursada koobkan looga soo muuqan karo waa mid qaali ah sababtoo ah 4-sano hal mar ayaa la qabtaa. Tusaale: Lionel Messi oo 4-jeer ku guuleestay Ballon d’Or wuxuu sheegay inuu 4-bilad ku badalan lahaa hal mar oo uu koobka aduunka qaado!!

3) Waa tartan dalxiiska ku wanaagsan: inta badan xiliga xagaaga ayaa koobka aduunka la cayaaraa waxayna jecel yihiin taageerayaasha inay dalxiis ahaan koobkanu daawadaan madaama lagu aadiyay bilaha June iyo July oo ah xiliga inta badan bulshada aduunka fasax ku jirto laakiin Champion-ka waa tartan sanadka oo dhan intiisa badan la cayaaro sidaa darteed dalxiis ahaan looma daawan karo.

Ugu Dambeyntii: hadaba aqriste maxay kula tahay labadan tartan keebaa qiimo badan fadlan fikirkaaga ka dhiibo si aan ugu dambeyntii ugu dhiirano labadan koob midkii wanaagsan aan fara ku muuqi karno balse kaligeen go’aan ma qaadan karno sidaa darteed fikirkiina ayaan u baahanahay!



Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [Champions League Vs World Cup: Tartankee Wanaagsan Dood Marlabaad Soo Laba Kacleesay (+Sawiro)!], All Right Reserved. 2014.
]]>
http://hiilkubad.com/champions-league-world-cup-tartankee-wanaagsan-dood-marlabaad-soo-laba-kacleesay-sawiro/feed/ 3
UEFA Oo Shaacisay 22-ka Naadi Ee Xili Cayaareedka 2014/15 Champion-ka Guruubkiisa Kasoo Muuqan Doona http://hiilkubad.com/uefa-oo-shaaca-ka-qaaday-22-ka-naadi-ee-xili-cayaareedka-201415-champion-ka-guruubkiisa-kasoo-muuqan-doona/ http://hiilkubad.com/uefa-oo-shaaca-ka-qaaday-22-ka-naadi-ee-xili-cayaareedka-201415-champion-ka-guruubkiisa-kasoo-muuqan-doona/#comments Sun, 22 Jun 2014 04:28:14 +0000 http://hiilkubad.com/?p=26410
Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [UEFA Oo Shaacisay 22-ka Naadi Ee Xili Cayaareedka 2014/15 Champion-ka Guruubkiisa Kasoo Muuqan Doona], All Right Reserved. 2014.
]]>
Uefa-Champions-League-2014-Trophy-Desktop-Wallpaper1

Inkastoo bartamaha bisha September si rasmi ah u bilaaban doono koobka horyaalada Yurub xili cayaareekii 2014/15 hadana waxaa sii bilaaban doono isreeb reeb dheer oo wareegyo kala duwan leh sidaa darteed UEFA ayaa si rasmi ah shaaca uga qaadeen 22-ka naadi ee aan isreeb reebka tartankan ka qayb qaadan doono sidoo kalena si toos ah loo xaqiijiyay inay qaybtia Guruubyada qorituurka loo sameyn doono kasoo muuqaan doonaan, waxaan xusid mudan in kooxaha Liverpool iyo AS Roma ay dhowr sano kadib kusoo laabteen qaybta guruubyada.

Naadiga Real Madrid oo ah difaacadayaasha tartankan qiimaha badan ayaa ugu horeyso 22-ka naadi ee sida tooska ah uga qayb qaadan doonaan qaybta guruubyada sidoo kale Madrid ayaa ah naadiga ugu dhibcaha badan 22-ka naadi madaama ay leedahay 161.542-dhibcood waxaana xusid mudan in 22-ka naadi ee qaybta guruubyada matali doonaan ay u kala horeeyaan sida ay ugu kala wanaagsan yihiin qaarada Yurub fadlan hoos kaga bogo 22-ka naadi ee la xaqiijiyay inay qaybta guruubyada kasoo muuqaan doonaan:

Kaalin Koox Dhibco
1 Real Madrid CF (ESP) – holders 161.542
2 FC Barcelona (ESP) 157.542
3 FC Bayern München (GER) 154.328
4 Chelsea FC (ENG) 140.949
5 SL Benfica (POR) 129.459
6 Club Atlético de Madrid (ESP) 119.542
7 FC Schalke 04 (GER) 95.328
8 Borussia Dortmund (GER) 82.328
9 Juventus (ITA) 80.387
10 Paris Saint-Germain (FRA) 80.300
11 FC Shakhtar Donetsk (UKR) 78.193
12 FC Basel 1893 (SUI) 75.645
13 Manchester City FC (ENG) 72.949
14 Olympiacos FC (GRE) 67.720
15 PFC CSKA Moskva (RUS) 66.899
16 AFC Ajax (NED) 61.862
17 Liverpool FC (ENG) 58.949
18 Sporting Clube de Portugal (POR) 58.459
19 Galatasaray AŞ (TUR) 55.340
20 RSC Anderlecht (BEL) 50.260
21 AS Roma (ITA) 39.887
22 AS Monaco FC (FRA) 11.300

F.G: 10-naadi ayaa lagu wadaa inay isreeb reebka kusoo baxaan kadibna waxay noqon doonaan kooxaha qorituurka guruubyada ka qayb qaadan doonaan 32-naadi oo loo qeybin doono 8-guruub oo min afar, waxaana naga xasuusin ah kooxaha ugu caansan ee isreeb reebka cayaari doonaan inay ka mid yihiin Arsenal, Napoli, Bayer Leverkusen iyo Athletico Bilboa.



Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [UEFA Oo Shaacisay 22-ka Naadi Ee Xili Cayaareedka 2014/15 Champion-ka Guruubkiisa Kasoo Muuqan Doona], All Right Reserved. 2014.
]]>
http://hiilkubad.com/uefa-oo-shaaca-ka-qaaday-22-ka-naadi-ee-xili-cayaareedka-201415-champion-ka-guruubkiisa-kasoo-muuqan-doona/feed/ 0
8-Xidig Oo Uu Ku Jiro Cristiano Ronaldo Kuwaas Oo Halis Ugu Jiraan Daal Awgiis Inay Koobka Aduunka Soo Bandhigi Waayaan Qaab Cayaareed Wanaagsan! http://hiilkubad.com/8-xidig-oo-uu-ku-jiro-cristiano-ronaldo-kuwaas-oo-halis-ugu-jiraan-daal-awgiis-inay-koobka-aduunka-soo-bandhigi-waayaan-qaab-cayaareed-wanaagsan/ http://hiilkubad.com/8-xidig-oo-uu-ku-jiro-cristiano-ronaldo-kuwaas-oo-halis-ugu-jiraan-daal-awgiis-inay-koobka-aduunka-soo-bandhigi-waayaan-qaab-cayaareed-wanaagsan/#comments Sun, 08 Jun 2014 05:18:08 +0000 http://hiilkubad.com/?p=24918
Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [8-Xidig Oo Uu Ku Jiro Cristiano Ronaldo Kuwaas Oo Halis Ugu Jiraan Daal Awgiis Inay Koobka Aduunka Soo Bandhigi Waayaan Qaab Cayaareed Wanaagsan!], All Right Reserved. 2014.
]]>
Cristiano Ronaldo

 

Cristiano Ronaldo oo ah laacibka aduunka ugu wanaagsan wuxuu halgan ugu jiraa sidii uu koobka aduunka uga soo muuqan lahaa madaama xidigan ay dhibaateen dhaawcyo kala duwan oo uu ka qabo muruqa iyo jilibka sidoo kalena Cristiano Ronaldo weli uma suura galin inuu xulkiisa Portugal u safto kulamadii saaxiibtinimo oo ay cayaareen inkastoo uu haatan sameeyo tababar fudud hadana shaki weyn ayaa ku jiro inuu kulanka ugu horeeyo oo ay xulkiisa koobka aduunka la cayaari doonaan xulka Jarmalka inuu safto sidoo kale waxaa jiraan xidigo badan oo ku sugan xaalada Ronaldo kuwaas oo daal badan haayo madaama ay kulamo badan kooxahooda xili cayaaredkan u safteen lagana cabsi qabo daal awgiis inaysan qaab cayaareed wanaagsan soo bandhigin koobka aduunka:

8. Yaya Toure: xili cayaareedkan wuxuu Man City u saftay 49-kulan.

7. Santi Cazorla: xili cayaareedkan wuxuu Arsenal  u saftay 46-kulan.

6. Eden Hazard: xili cayaareedkan wuxuu Chelsea u saftay 49-kulan.

5. Sergio Ramos: xili cayaareedkan wuxuu Real Madrid u saftay 52-kulan.

4. Philipp Lahm: xili cayaareedkan wuxuu Bayern Munich u saftay 48-kulan.

3. Patrice Evra: xili cayaareedkan wuxuu Man United u saftay 46-kulan.

2. Lionel Messi: xili cayaareedkan wuxuu Barcelona u saftay 46-kulan.

1. Cristiano Ronaldo: xili cayaareedkan wuxuu Real Madrid u saftay 47-kulan.

 



Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [8-Xidig Oo Uu Ku Jiro Cristiano Ronaldo Kuwaas Oo Halis Ugu Jiraan Daal Awgiis Inay Koobka Aduunka Soo Bandhigi Waayaan Qaab Cayaareed Wanaagsan!], All Right Reserved. 2014.
]]>
http://hiilkubad.com/8-xidig-oo-uu-ku-jiro-cristiano-ronaldo-kuwaas-oo-halis-ugu-jiraan-daal-awgiis-inay-koobka-aduunka-soo-bandhigi-waayaan-qaab-cayaareed-wanaagsan/feed/ 0
Real Madrid Oo Sheegtay Inay £40m Ku Iibin Doonto Xidigeedii Xili Cayaareedkan Champion-Ka U Qaaday! http://hiilkubad.com/real-madrid-oo-sheegtay-inay-40m-ku-iibin-doonto-xidigeedii-xili-cayaareedkan-champion-ka-qaaday/ http://hiilkubad.com/real-madrid-oo-sheegtay-inay-40m-ku-iibin-doonto-xidigeedii-xili-cayaareedkan-champion-ka-qaaday/#comments Sun, 08 Jun 2014 05:04:12 +0000 http://hiilkubad.com/?p=24901
Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [Real Madrid Oo Sheegtay Inay £40m Ku Iibin Doonto Xidigeedii Xili Cayaareedkan Champion-Ka U Qaaday!], All Right Reserved. 2014.
]]>
_75087655_real_madrid_reuters

Kooxaha Arsenal, Man United, Man City iyo PSG ayaa dhamaan fadhiga ka kaceen kadib markii ay ogaadeeen in naadiga Real Madrid ay iska iibin doonto kubad sameeye Angel Di Maria inkastoo xidigan uu kaalin muuqato ka qaatay xili cayaareedkan inay Madrid ku guuleesato markeedii 10-aad Champion-ka Yurub hadana Di Maria heesto kalsoonida maamulka sare ee kooxdan sidaa darteed xidigan kasoo jeedo qaarada Koonfur Ameerika waxay Madrid ka iibin doontaa naadigii la timaado £40m, Di Maria oo xiriir wanaagsan la leh macalin Carlo Ancelotti ayaa dhawaan sheegay in joogitaanka Madrid aysan gacnta ugu jirin sidoo kalena hadii maamulka kooxdan ay u sheegaan inaysan u baaneyn uu xagaagan hawa gadisan doono haatana waxaa dhagtiisa lagu dhibciyay inuusan Bernabue sii joogi doonin.

26-jirkan horey ugu cayaari jiray naadiga Benfica ayaa wakiilkiisa u sheegay inuu arinkan xaliyo madaama uu isaga ka qayb qaadanaayo koobka aduunka oo uu doonayo inuu xulkiisa Argentina kula guuleesto tartankan sidaa darteed wakiilka Di Maria wuxuu diyaar u yahay inuu dhageesto dalabyada ay usoo direen kooxaha Arsena, Man United, Man City iyo PSG sidoo kalena wargeska Marca ayaa sheegay in kooxda AS Monaco ay iyadana dabyaaqada todobaadkan lasoo xariiri doonto Real Madrid waxayna diyaar la tahay naadigan inay bixiso lacagaha Di Maria la dul dhigay. Geeska kale gudoomiyaha Real Madrid ayaa sheegay in kooxdiisa aysan ka jawaabi doonin dalabyada Di Maria ku aadan ilaa uu koobka aduunka ka dhamaanayo sidaa darteed waxaa macquul ah inay Real lacago badan xidig ku hesho hadii uu koobka aduunka qaab cayaareed wanaagsan kasoo bandhigo.



Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [Real Madrid Oo Sheegtay Inay £40m Ku Iibin Doonto Xidigeedii Xili Cayaareedkan Champion-Ka U Qaaday!], All Right Reserved. 2014.
]]>
http://hiilkubad.com/real-madrid-oo-sheegtay-inay-40m-ku-iibin-doonto-xidigeedii-xili-cayaareedkan-champion-ka-qaaday/feed/ 0
Carlo Ancelotti: “Sergio Ramos Waa Sida Paolo Maldini” http://hiilkubad.com/carlo-ancelotti-sergio-ramos-waa-sida-paolo-maldini/ http://hiilkubad.com/carlo-ancelotti-sergio-ramos-waa-sida-paolo-maldini/#comments Thu, 05 Jun 2014 16:46:09 +0000 http://hiilkubad.com/?p=24710
Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [ Carlo Ancelotti: "Sergio Ramos Waa Sida Paolo Maldini"], All Right Reserved. 2014.
]]>
Ramos and Maldini

Tababaraha Real Madrid Carlo Ancelotti ayaa amaanay daaficiisa reer Spain Sergio Ramos isagoo la barbardhigay halyeeygii reer Milan iyo xulka Azzurri Paolo Maldini.

Tababarahaan reer talyaani ayaa sanadkiisii ugu horeeyay u qaaday Real Madrid Champions League iyo Coppa Del Rey halka uu Ac Milan u qaaday laba Champions League waxaase gacan weyn ka siiyay xiligaas Paolo Maldini oo ahaa kabtankii Milan ee xiliyadaas.

Carlo Ancelotti oo warysi siinayay TV-ga Real Madrid ayaa aad u amaanay daafaca reer Spain Sergio Ramos madama uu qeyb libaax leh ka qaatay guulaha Real Madrid ee xili ciyaareedkaan isagoo markaas la barbardhigaya Paolo Maldini.

“Tan iyo Ciidii Christmas Sergio Ramos wuxuu sameeyay kala duwanaasho baahsan” Ayuu Ancelotti yiri.

“Waa go’aamiyihii koobabkii aan qaadnay”

“Wuxuu sameeyay wax walba oo uu sameeyay Maldini, Shaqsiyan, tayada Farsamo, iyo awooda hogaamiyanimo ee garoonka dhexdiisa”

“Waligey qofna lama barbardhigin Maldini, balse Sergio waa daafaca ugu wanaagsan aduunka waqti xaadirkaan”



Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [ Carlo Ancelotti: "Sergio Ramos Waa Sida Paolo Maldini"], All Right Reserved. 2014.
]]>
http://hiilkubad.com/carlo-ancelotti-sergio-ramos-waa-sida-paolo-maldini/feed/ 0
Rasmi: UEFA Oo Soo Bandhigtay Xidigihii Ugu Wanaagsanaa Champion-ka 2013/14 http://hiilkubad.com/rasmi-uefa-oo-soo-bandhigtay-xidigihii-ugu-wanaagsanaa-champion-ka-201314/ http://hiilkubad.com/rasmi-uefa-oo-soo-bandhigtay-xidigihii-ugu-wanaagsanaa-champion-ka-201314/#comments Tue, 03 Jun 2014 10:14:29 +0000 http://hiilkubad.com/?p=24429
Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [Rasmi: UEFA Oo Soo Bandhigtay Xidigihii Ugu Wanaagsanaa Champion-ka 2013/14], All Right Reserved. 2014.
]]>
UEFA Champions League best Squad

Xiriirka kubada cagta qaarada Yurub (UEFA) ayaa si rasmi ah usoo bandhigeen xidigahii ugu wanaagsanaa koobka horyaalada Yurub oo dhawaan soo idlaaday tartankan oo ay ku guuleesatay naadiga Real Madrid ayaa loo xil gudi farsamo inay soo doortaan xidigahii ugu wanaagsanaa xili cayaareedkii 2013/14 waxayna gudigan si rasmi ah usoo bandhigeen 18-cayaaryahan oo ay u arkeen inay ahaayeen kuwii ugu fiicnaa xili cayaareedkii dhawaan soo idlaaday.

Madaama Real Madrid tartankan ku guuleesatay 7-cayaaryahan ay liiskan ku yeelatay, gudigan qiimeynta sameeyay waxa horkacaayay Sir Alex Ferguson oo haatan ah Ambasadork-ka UEFA u qaabilsan dhanka macalimiinta. Guud ahaan waa kuwaan hoos ku qoran 18-ka cayaaryahan ee loo aqoonsaday inay ugu wanaagsanaayeen UEFA Champions League 2013/14:

Goolhaye:

Thibaut Courtois (Club Atlético de Madrid)

Manuel Neuer (FC Bayern München)

Daafaca:

Diego Godín (Club Atlético de Madrid)

Philipp Lahm (FC Bayern München)

Daniel Carvajal (Real Madrid CF)

Pepe (Real Madrid CF)

Sergio Ramos (Real Madrid CF)

Khadka dhexe:

Gabi (Club Atlético de Madrid)

Andrés Iniesta (FC Barcelona)

Toni Kroos (FC Bayern München)

Ángel Di María (Real Madrid CF)

Luka Modrić (Real Madrid CF)

Xabi Alonso (Real Madrid CF)

Weerarka:

Marco Reus (Borussia Dortmund)

Diego Costa (Club Atlético de Madrid)

Arjen Robben (FC Bayern München)

Zlatan Ibrahimović (Paris Saint Germain FC)

Cristiano Ronaldo (Real Madrid CF)



Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [Rasmi: UEFA Oo Soo Bandhigtay Xidigihii Ugu Wanaagsanaa Champion-ka 2013/14], All Right Reserved. 2014.
]]>
http://hiilkubad.com/rasmi-uefa-oo-soo-bandhigtay-xidigihii-ugu-wanaagsanaa-champion-ka-201314/feed/ 3
Xiriirka Uefa Oo Ganaax Kusoo Rogay Real Madrid http://hiilkubad.com/xiriirka-uefa-oo-ganaax-kusoo-rogay-real-madrid/ http://hiilkubad.com/xiriirka-uefa-oo-ganaax-kusoo-rogay-real-madrid/#comments Fri, 30 May 2014 14:26:59 +0000 http://hiilkubad.com/?p=24031
Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [Xiriirka Uefa Oo Ganaax Kusoo Rogay Real Madrid], All Right Reserved. 2014.
]]>
Real Madrid

Kooxda horyaalka yurub ee Real Madrid ayaa lagu amray iney xirto qeyb ka mid ah garoonka Bernabue kulanka ugu soo horeeya Champions League xili ciyaaareedka soo aadan kadib markii Jamaahiirta kooxda ay cunsurinimo kula kaceen xidigaha Bayern Munich kulankii Semi Finalka lugta hore ee dhacay April.

“Marka la fiiriyo masuuliyada anshaxa midab kala sooca ah ee ay Taageerayaasha Real Madrid sameeyeen intii uu socday kulanka (Qodobka 14-aad ee xeerka Asluub wanaaga UEFA), Gudiga Aqlaaqda ee UEFA waxey amrayaan in la xiro qeyb ka mid ah garoonka Santiego Beranbue hal kulan”

Ayaa lagu qoray warbxin lagu shaaciyay webka Uefa.

“Qeybta 120-aad & 122-aad ee garoonka waa la xiri doonaa kulanka xiga ee Real Madrid ay ciyaareyso Champions League kulanka gurigeeda. waxaana halkaas kasoo muuqan doono boor ay ku qoran tahay “MAYA Cunsuriyad qeybtaan”

Real Madrid ayaa 1-0 ku garaacday Bayern Munich kulankaas ka dhacay Bernabue Karim Benzema ayaana dhaliyay goolka Real ee guusha ay kaga heshay Bayern.

Xili dhaw ayey aheyd markii xiriirka Spain ay ganaaxeen Jamaahiirta Villarreal markii ay cunsureen Dani Alves.



Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [Xiriirka Uefa Oo Ganaax Kusoo Rogay Real Madrid], All Right Reserved. 2014.
]]>
http://hiilkubad.com/xiriirka-uefa-oo-ganaax-kusoo-rogay-real-madrid/feed/ 0
Angel Di Maria Oo Doonaya In Loo Tixgeliyo Ballon D’Or http://hiilkubad.com/angel-di-maria-oo-doonaya-loo-tixgeliyo-ballon-dor/ http://hiilkubad.com/angel-di-maria-oo-doonaya-loo-tixgeliyo-ballon-dor/#comments Thu, 29 May 2014 07:34:03 +0000 http://hiilkubad.com/?p=23916
Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [Angel Di Maria Oo Doonaya In Loo Tixgeliyo Ballon D'Or ], All Right Reserved. 2014.
]]>
Di Maria

Garabka weerarka kooxda Real Madri Angel Di Maria ayaa aaminsan inuu kasoo muuqan doono liiska u tartamayaasha abaalmarinta Ballon d’Or sanadka dambe madama uu xili ciyaareed dahabi ah ku qaatay garoonk Bernabue.

Di Maria ayaa ah xidigii ka dambeeyay in Real Madrid ay xasuuq gadaal ka gaar ah ku sameyso Atletico Madrid Finalkii Champions League ee dhacay isbuucaan bilawgiisii, sidoo kalana wuxuu ku guuleystay xidiga ciyaarta ugu wanaagsan.

Xidigaha Real Madrid kala tirsan ee Ronaldo iyo Bale ayaa qarin kara waxqabadkiisa magac ahaan, balse 26-jirkaan 11-ka gool shabaqa dhexdhigay xagaagan ayaa aaminsan inuu u qalmo in loo tixgeliyo waxqabadkiisa.

“Mararka qaar waan fahmi waayaa, sababta aan usoo gali la’ahay liiska xidigaha tartamaya, waxaan qaatay xili ciyaareed weyn kuna qaatay koox weyn”

“Halkaan waxaa joogo xidigo guuleystay, wali kuma guuleysan, xitaa sooma galin liiska la magacaabay 10 ama 50-ka ugu fiican, marka ay waxyaabahaas oo kale dhacaan waa inaad shaqo fiican sii qabataa”

“Waa inaad hormarisaa ciyaarahaaga siina korisaa mustaqbalkaaga si aad usii wanaagsanaato”

“Halkaan waxaa joogo xidigo badan oo wax fiican qabtay, balse waxaan qaatay xiligii iigu fiicnaa anigoo ku sugan Real Madrid”

“Waxaan ku guuleysanay Champions League waxaana ahaa xidigii ugu fiicnaa Finalka, sidoo kale sanad wanaagsan ayaan la qaatay xulkeyga”

“Waxaan rajeynayaa in wax walba ay wanaag ku dhamaadaan” Ayuu Di Maria oo FIFA iyo UEFA ogeysiinaya waxqabadkiisa kusoo afjaray hadalkiisa.



Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [Angel Di Maria Oo Doonaya In Loo Tixgeliyo Ballon D'Or ], All Right Reserved. 2014.
]]>
http://hiilkubad.com/angel-di-maria-oo-doonaya-loo-tixgeliyo-ballon-dor/feed/ 0