Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha » Falanqeynta http://hiilkubad.com Sat, 09 Aug 2014 06:54:03 +0000 en-US hourly 1 http://wordpress.org/?v=3.9.2 Hordhac: Germany vs Argentina: Qaaradaha Latin America & Yurub Oo Caawa Ku Dagalamaya Koobka Aduunka http://hiilkubad.com/hordhac-germany-argentina-qaaradaha-latin-america-yurub-oo-caawa-ku-dagalamaya-koobka-aduunka/ http://hiilkubad.com/hordhac-germany-argentina-qaaradaha-latin-america-yurub-oo-caawa-ku-dagalamaya-koobka-aduunka/#comments Sun, 13 Jul 2014 05:19:16 +0000 http://hiilkubad.com/?p=29046
Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [Hordhac: Germany vs Argentina: Qaaradaha Latin America & Yurub Oo Caawa Ku Dagalamaya Koobka Aduunka], All Right Reserved. 2014.
]]>
World CUp Final Hiilkubad

Labadan xul markii 3-aad ayay Finalaha koobka aduunka ku kulmi doonaan sidaa darteed waa labo xul oo xifaaltan soo jireen ah ka dhaxeeyo, kulanka Maracana Stadium ka dhici doono labada dhinac ahmiyad gaar ah ayuu u leeyahay waayo xul walbo hadafkiisa wuxuu ahaa bilaabashada tartankan inay ku guuleestaan koobka aduunka dabcan caawo hal xul oo kaliya ayay riyadiisa run noqon doontaa.

Lionel Messi ayaa doonayo inuu koobka aduunka ku guuleesto si uu ula mid noqdo Diego Maradona oo xulka Argentina tartankan u qaaday sanadii 1986, inta badan dadka dhaliilaan Lionel Messi waxay xidigan laacibnamadiisa ku xaqiraan inuusan koob aduun qaadin sidoo kalena lala bar bar dhigi karin Pele iyo Maradona balse caawo hadii uu koobkan hanto waa hubaal inuu raggaas kubada cagta looga dambeeyo inuu liiskooda gali doono.

Dhanka xulka Jarmalka Finalaha koobka aduunka qiimo weyn ayuu ugu fadhiyaa waayo jiilkan waxay kuligooda kasoo dalaceen xarumahii Akademikada ee sanadii 2000 dhalinta reer Jarmal loo furay dabcan xiriirka kubada cagta Jarmalka waxay caawo doonayaan dadaalkii ay sameeyeen 14-sano ka hor inay mirahiisa gurtaan waayo xarumahaas waxaa kasoo qalin jabiyeen xidigo badan sida Schweinesteiger, Neuer, Lahm, Ozil, Gotze, Khedira iyo kuwo kale, sidoo kale Jarmalka 3-koob aduun ee ugu dambeesay koobkan inay calfadaan ayay ku sigteen hadaba caawo farxadooda soo daahday ma rumoobi doontaa?


WARBIXINTA KULANKA:

Kulanka: Germany vs Argentina

Magaalada: Rio de Janeiro

Garoonka: MARACANA STADIUM

Saacadda: 10:00 Habeenimo Xiliga Geeska Afrika

Garsooraha: Nicola Rizzolli [Italy]


MA OGTAHAY:

Xulka Jarmalka waxay caawo cayaari doonaan markoodii 8-aad Finalaha koobka aduunka waana iskoor xulkan lala wadaagin waxayna horey u qaadeen 3-jeer tartan.

Balse 4-Final ee ugu dambeesay oo ay soo gaareen kaliya hal ka mid ah ayay qaadeen waana 1990.

Argentina waxay caawo cayaari doonaan markoodii 5-aad Finalaha koobka aduunka waxayna horey u qaadeen labo jeer sidoo kalena labo kalena waa laga qaaday.

Waa markii 10-aad oo ay labo xul oo ka kala socdaan qaaradaha Yurub iyo Koonfur Ameerika ku kulmaan Finalaha koobka aduunka waxaana xusid mudan in 7-ka mid ah xulalka Koonfur Ameerika ay guuleesteen Finalaha koobka aduunka!

Argentina guuldaradii 2010 oo ay 4-0 kala kulmeen xulka Jarmalka waxay ahayd guuldaradii ugu cusleed oo ay la kulmaan mudo 4-sano kadib.

Xulka Argentina inta uu tartankan socday 4-kulan wax gool ah lagama dhalinin halka Jarmalka 3-kulan iyaga wax gool ah laga dhalinin.

Xulka Argentina 17-kulan ee ugu dambeesay oo heer caalami ah oo ay cayaareen wax guul daro ah lama kulmin waxayna guuleesteen 12-ka mid ah haka 5-kulana ay bara bar dhac galeen.

Marka ay timaado dhanka rigoorooyinka Argentina waxay guuleesteen 4-ka mid ah 5-jeer oo ay rigoorayaal koobka aduunka cayaareen halka Jarmalka ay guuleesteen dhamaan 4-jeer oo ay taariikh ahaan rigoorayaal tartankan cayaareen weliba sanadii 2006 Argentina ayay rigoorayaal kaga badiyeen wareega 8-aad.

Thomas Muller marnaba wax guuldaro ah ma uusan la kulmi kulan ay Lionel Messi iska hor imaadeen heer naadi iyo heer qaranba!!

Lionel Messi waa xidiga ugu kubad abuurista badan tartankan madaama uu sameeyay 21-kubadood oo gool loo filan karay!

Mascherano waa xidiga ugu raacista wanaagsan tartankan madaama uu 28-jeer jalaafay xidigahii ka hor imaadeen!

Klose waa xidiga kaliya ee labada dhinac Final koob aduun cayaaray wuxuuna halyeegan saftay sanadii 2002 koobkii Jarmalka 2-0 Brazil kaga qaaday.

Lionel Messi guud ahaan koobka aduunka 5-gool ayuu ka dhaliyay balse xidigan weli kulan kala bax ah ama Knock Out- ah gool ma uusan dhalinin

Thomas Muller hadii uu caawo gool dhaliyo wuxuu noqon doonaa cayaaryahankii ugu horeeyay ee ebid kabaha dahabka labo koob aduun oo xariir ah ku guuleesto wuxuuna horey qaaday sanadii 2010 haatana 5-gool ayuu leeyahay

KULAMADII HORAY USOO DHEXMARAY:

Jarmalka iyo Argentina waxay ka mid yihiin xulalka kulamada ugu badan isku arkeen koobka aduunka waxayna caawo tartankan qiimaha badan is haleeli doonaan markii 7-aad kulamo intaas la eg koobka aduunka waxaa sidoo kale wada cayaareen xulalka Brazil Vs Sweden iyo Germany Vs Yugoslavia/Serbia.

Sidaa darteex xifaaltankooda waa mid dhan walbo taabanaayo guud ahaan 6-kulan oo ay tartankan ku kulmeen xulka Jarmalka 3-ka mid ah ayay guuleesteen halka Argentina iyagaa hal kulan badiyeen sidoo kalena labo kulan bar bar dhac ayay ku kala baxeen. Hadaba Hoos Kaga Bogo 6-kulan oo ay horey koobka aduunka labadan xul isku arkeen:

FIFA World Cup 03.07.2010: Argentina 0- 4 Germany

FIFA World Cup 30.06.2006: Germany 1-1 Argentina waxaa 5-3 rigoorayaal ku badiyeen Jarmalka

FIFA World Cup 08.07.1990 Germany 1-0 Argentina

FIFA World Cup 29.06.1986: Argentina 3-2 Germany

FIFA World Cup 16.07.1966: Germany 0-0 Argentina

FIFA World Cup 08.06.1958: Argentina 1-3 Germany

Geeska kale markii kulamada saaxiibtinimo lagu daro waxay labadan xul guud ahaan wada cayaareen 20-kulan waxayna xula Argentina guuleesteen 9-kulan halka Germany ay badiyeen 6-kulan sidoo kalena 5-kulan bar bar dhac ayay ku kala baxeen.

LINE UPKA MACQUULKA AH:

Germany: Neuer; Boateng, Hummels, Höwedes, Lahm; Schweinsteiger, Khedira; Muller, Kroos, Ozil; Klose.

Argentina: Romero; Zabaleta, Garay, Demichelis, Rojo; Mascherano, Biglia, Perez; Messi, Lavezzi, Higuain.



Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [Hordhac: Germany vs Argentina: Qaaradaha Latin America & Yurub Oo Caawa Ku Dagalamaya Koobka Aduunka], All Right Reserved. 2014.
]]>
http://hiilkubad.com/hordhac-germany-argentina-qaaradaha-latin-america-yurub-oo-caawa-ku-dagalamaya-koobka-aduunka/feed/ 0
Hordhac: Brazil vs Holland: Xulalkii Ku Fashilmay Iney U Gudbaan Finalka Oo Caawa Isku Dhagan http://hiilkubad.com/hordhac-brazil-holland-xulalkii-ku-fashilmay-iney-gudbaan-finalka-oo-caawa-isku-dhagan/ http://hiilkubad.com/hordhac-brazil-holland-xulalkii-ku-fashilmay-iney-gudbaan-finalka-oo-caawa-isku-dhagan/#comments Sat, 12 Jul 2014 05:48:34 +0000 http://hiilkubad.com/?p=28955
Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [Hordhac: Brazil vs Holland: Xulalkii Ku Fashilmay Iney U Gudbaan Finalka Oo Caawa Isku Dhagan], All Right Reserved. 2014.
]]>
Fashil Final

Labada Xul ee kusoo guuldareystay iney u gudbaan finalka koobka Aduunka ayaa caawa isku haya magaalada Brasilia ee dalka Brazil halkaas oo ay ku ciyaari doonaan kulanka kaalinta sadexaad oo ay xaq u yeesheen iney ku dagaalamaan.

Brazil waxey xasuuq aan ka dhicin Semi Finalka Koobka Aduunka ebid kala kulantay Jarmalka markii 7-1 lagu suldaaray, halka wiilasha Louis Van Gaal ay rigoore ku qasaariyeen iney usoo gudbaan Finalka markii Vlaar iyo Sneijder ay laba rigoore ka qasaariyeen kulankii Argentina.

Si Kastaba labada xul caawa waxey mid walba dooneysaa iney iska dhaqdo ceebtii kasoo gaartay tartankaan haba ugu darnaatee Brazil oo dib u heleysa maareeyaheeda Thiago Silva,

MAXAA CUSUB?

Marka laga reebo dhaawaca Neymar JR,  waxaan jirin xidig muhiim ah oo ka maqan xulka Brazil halka Holland ay sidoo kale tabaneynin dhaawac muuqda.

Xidigo aan wali fursad u helin iney kasoo muuqdaan Koobka Aduunka ayaa la filayaa iney caawa soo muuqdaan.

Luiz Felipe Scolari and Louis van Gaal meet on Saturday


WARBIXINTA KULANKA:

Kulanka: Brazil vs Holland (Kaalinta 3-aad)

Magaalada: Brasilia

Garoonka: Estadio Nacional

Saacada: 11:00 Habeenimo Xiliga Geeska Afrika

Garsooraha: Djamel Haimoudi (Algeria)


MA OGTAHAY?

⇒ Labadaan Xul Waxey kulmeen 9-kulan, iyadoo xul walba uu guuleystay 2-kulan.

⇒ Xasuuqii 7-1 ay Brazil kala kulantay Jarmalka waxey aheyd guuldaradii ugu cusleyd ebid koobka Aduunka kasoo gaartay iyo sidoo kale guuldaradii ugu horeysay ee gurigooda kusoo gaartay mudo 39-sano ah.

⇒ Brazil ayaa noqotay wadankii ugu horeeyay ee Semi Finalka Koobka Aduunka qeybta hore ee ciyaarta laga dhaliyo 5-gool.

⇒ Luiz Felipe Scolari ayaa la kulmay guuldaradii ugu horeysay ebid kasoo gaartay koobka Aduunka isagoo wata Brazil.

⇒ Guuldaradii Netherlands kasoo gaartay Argentina ee Semi Finalka Koobka Aduunka ayaa la mid ah iney markii labaad Semi Finalka ku lumiso rigooreyaal, waxeyna guuldaradii ugu dambeysay kala kulmeen Brazil 1998-dii.

⇒ Waa Kulankii ugu dambeeyay Louis Van Gaal ee Holland, ka hor inta uusan qaban Manchester United, Guus Hiddink ayaana badali doona kaas oo caawiye ka dhigan doona Ruud Van Nistelrooy.

⇒ Brazil waa wadanka ugu badan ee koobka Aduunka goolal laga dhaliyo (11) ayaa laga dhaliyay markii ugu dambeysay oo goolal intaan la eg laga dhaliyo waxey aheyd 1938.

⇒ Holland waxey dhaliyeen 12-gool, Wareegii Groupyada iyo 16-ka, balse waxey ku fashilmeen iney gool dhaliyaan Quater Finalkii iyo Semi Finalkii

KULANKII UGU DAMBEEYAY KOOBKA ADUUNKA:

Labadaan Xul Waxey ku kulmeen kulankoodii ugu dambeeyay koobka Aduunka 2010, wareega 16-ka waxaana 2-1 ku badiyay Holland, Felipe Melo ayaa iska dhaliyay madax kadib laad uu soo qaaday Sneijder, iyo madax ka yimid Robben, halka Robinho uu dhaliyay goolka Brazil, waxaana xusid mudan sidoo kale in Melo uu casaan qaatay.

LINE UPKA MACQUULKA AH:

Brazil (Possible, 4-2-3-1): Cesar; Maicon, Luiz, Dante, Marcelo; Gustavo, Fernandinho; Willian, Oscar, Hulk; Fred.

Holland (Possible, 5-3-2): Cillesen; Kuyt, De Vrij, Vlaar, Martins Indi, Depay; Wijnaldum, Sneijder, Blind; Robben, Van Persie.



Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [Hordhac: Brazil vs Holland: Xulalkii Ku Fashilmay Iney U Gudbaan Finalka Oo Caawa Isku Dhagan], All Right Reserved. 2014.
]]>
http://hiilkubad.com/hordhac-brazil-holland-xulalkii-ku-fashilmay-iney-gudbaan-finalka-oo-caawa-isku-dhagan/feed/ 0
Hordhac Brazil vs Germany: Scolari Oo Mar Kale Doonaya Inuu Dhabar Jabiyo Wiilasha Jarmalka http://hiilkubad.com/hordhac-brazil-germany-scolari-oo-mar-kale-doonaya-inuu-dhabar-jabiyo-wiilasha-jarmalka/ http://hiilkubad.com/hordhac-brazil-germany-scolari-oo-mar-kale-doonaya-inuu-dhabar-jabiyo-wiilasha-jarmalka/#comments Tue, 08 Jul 2014 04:51:26 +0000 http://hiilkubad.com/?p=28541
Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [Hordhac Brazil vs Germany: Scolari Oo Mar Kale Doonaya Inuu Dhabar Jabiyo Wiilasha Jarmalka], All Right Reserved. 2014.
]]>
Brazil vs Germany

Xulka koobka aduunka martigalinaayo Brazil waxay caawo wajihi doonaan dhigood Germany nus dhumaadka koobka aduunka balse Brazil caawo waxaa ka maqnaan doonaan labo ka mid ah xidigahooda ugu muhiimsan, lakiin taageerayaasha Brazil caawo waxay isku baheesan doonaan sidii ay Jarmalka kaga taqalusi lahaayeen sidoo kalena riyadooda ay axada nagu soo fool leh u rumeyn lahaayeen, diyaar garowda kulankan adag oo ay labadan xul ugu jiraan waxaa hareeyay dhaawacii Neymar soo gaaray madaama 22-jirkan la xaqiijiyay inuusan koobka aduunka inta ka harsan ka qayb qaadan doonin kadib markii dhaawac jab ah uu kasoo gaaray dhanka dhabarka.

Macalinka xulka Jarmalka Joachim Low ayaa ka walaacsan halista Brazil kaga imaan karto wuxuuna yiri  “Brazi kuma tiirsano Neymar iyo Silva oo kaliya waxaana ka walaacsanahay halista nooga imaan karto madaama ay gurigooda joogaan sidoo kalena dadaal dheer ah ay xidigahan muujin doonaan si aan loo oronin Neymar ayay tabeen!”


WARBIXINTA KULANKA:

Kulanka: FIFA World Cup 2014 Semi Final

Taariikhda/Saacada: July 8, 2014 • 11:00 PM xiliga geeska Afrika

Goobta: Estádio Governador Magalhães Pinto, Belo Horizonte

Garsooraha: M. Rodríguez (Mexico)


Aqbaar Ku Saabsan Xidigaha labadan xul:

Brazil waxaa xaqiiqo ah inaysan caawo u safan doonin Neymar iyo Thiago Silva dabcan maqnaan shaha labadan xidig niyad xumo ayay ku riday inta badan taageerayaasha reer Brazil.

Dhanka xulka Jarmalka waxaa kulan ka maqnaan doono daafaca dhalinta yar Shkodran Mustafi oo horey loo xaqiijiyay inuusan koobka aduunka dib u cayaari doonin madaama uu dhaawac halis ah dhanka muruqa hoose ka qabo sidoo kale Per Mertesacker isagana hargab daran ayaa haayo balse midaas kama celin doonto inuu kursiga keydka soo fariisto kulankan adag.

Dhacdo La Xariirto Kulankan Xiisaha Badan:

  • Brazil waxay Finalaha u gudbeen 6-jeer ee ugu dambeesay oo ay nus dhumaadka tartankan soo gaareen.
  • Jarmalka ayaa noqday xulkii ugu horeesay ee 4-jeer oo xariir ah nus dhumaadka koobka aduunka soo gaaro wuxuuna iskoorkan dhigay (2002, 2006, 2010 iyo 2014)
  • Cayaartan waa kulankii labaad oo ay taariikh ahaan labadan xul koobka aduunka ku kulmaan.
  • Xulka Jarmalka waxaa ugu dambeesay oo ay koobka aduunka hantaan sanadii 1990 dabcan sidii labada Jarmal u midoobeen xulkan koob aduun ma qaadin!
  • Macalin Luis Felipe Scolari waa tababarihii watay markii Brazil ay koobka aduunka 2-0 kaga qaadeen xulka Jarmalka sanadii 2002.

Guud Ahaan Kulamada Ay Labadan Xul Cayaareen:

Guud ahaan labadan xul waxay wada cayaareen 21-kulan waxaana xusid mudan in xulka Brazil ay guuleesteen 12-jeer halka Jarmalka ay badiyeen 4-kulan sidoo kalena 5-kulan bar bar dhac ayay ku kala baxeen. Brazil waxay Jarmalka ka dhaliyeen 39-gool halka Jarmalka uu isagana Brazil ka dhaliyay 34-gool.

LINE UPKA MACQUULKA AH:

Brazil: Julio Cesar; Maicon, David Luiz, Dante, Marcelo; Luiz Gustavo, Fernandinho; Hulk, Oscar, Willian; Fred

Germany: Neuer; Lahm, Boateng, Hummels, Howedes; Khedira, Schweinsteiger, Kroos; Ozil, Muller, Gotze



Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [Hordhac Brazil vs Germany: Scolari Oo Mar Kale Doonaya Inuu Dhabar Jabiyo Wiilasha Jarmalka], All Right Reserved. 2014.
]]>
http://hiilkubad.com/hordhac-brazil-germany-scolari-oo-mar-kale-doonaya-inuu-dhabar-jabiyo-wiilasha-jarmalka/feed/ 0
Hordhaca Germany vs Portugal: Kulanka Ugu Xiisaha Badan Koobka Aduunka Oo Caawa Dhici Doon http://hiilkubad.com/hordhaca-germany-portugal-kulanka-ugu-xiisaha-badan-koobka-aduunka-oo-caawa-dhici-doon/ http://hiilkubad.com/hordhaca-germany-portugal-kulanka-ugu-xiisaha-badan-koobka-aduunka-oo-caawa-dhici-doon/#comments Mon, 16 Jun 2014 05:39:57 +0000 http://hiilkubad.com/?p=25628
Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [Hordhaca Germany vs Portugal: Kulanka Ugu Xiisaha Badan Koobka Aduunka Oo Caawa Dhici Doon], All Right Reserved. 2014.
]]>
Germany vs Portugal

Cayaarta labaad ee ugu adag koobka aduunka waxay caawo fiidkii dhex mari doonaa xulalka Jarmalka iyo Portugal balse kulankan hadal heyntiisa waxaa hareeyay dhaawacyo ay qabaan qaar ka mid ah xidigaha labadan xul ugu muhiimsan sidaa darteed maalin walbo markii kulan laga hadlaayo waxaa laga doodaa ma cayaari doonaan xidigaha kala ah Cristiano Ronaldo, Bastian Schweinsteiger iyo Sami Khedira madaama ay dhaawacyo kala duwan ayagoon qabaan koobka aduunka usoo safreen.

Macalinka xulka Portugal Paulo Bento ayaa sheegay inuu caawo qaadan doono go’aan aad u adag madaama 100% uusan hubin Cristiano Ronaldo uu kulankan xasaasiga ah safan karo sidoo kale macalin Joacim Low isagana xaalkiisa ma fadhiyo waayo labada xidig ee Jarmalka ugu muhiimsan dhanka khadka dhexe Bastian Schweinsteiger iyo Sami Khedira diyaar garow adag ma sameyni maal mihii ugu dambeeyay mana u lahan labadan xidig karti ay 90-daqiiqo caawo ku dhameesan karaan.

WARBIXINTA KULANKA

Kulanka: FIFA World Cup 2014

Taariikhda/Saacada: June 16, 2014, 7:00 PM

Goobta: Itaipava Arena Fonte Nova, Salvador, Bahia

Garsooraha: Milorad Mažić (Serbia)

Xaalaada Guud ee Labadan Xul Ku Sugan Yihiin:

Waxaan idiin sheegnay in xidigo muhiim ah labadan xul dhaawac ka yihiin sidoo kalena waxay si isku mid ah uga cabanayaan kuleelka ka jiro dalka Brazil hadaba labadan xul caawo malaga dareemi doonaa dhibaatada ay saxaafada ka sheegayaan madaama kulan adag dhex mari doono, geeska kale ruug cadaa Miraslov Klose isagana waxaa la sheegay inuusan weli si wanaagsan uga soo kabanin dhaawaca uu qabo sidaa darteed kursiga ayuu fariisan doonaa caaw tani waxay ka dhigan tahay in xulka Jarmalka weeraryahan la’aan ay garoonka soo gali doonaan, sidoo kale kabtan Philipp Lahm isagana khadka dhexe ayaa la filaa inuu ka cayaaro.

Dhaco La Xariirto kulank xiisaha badan:

  • Jarmalka caawo waxay cayaari doonaan kulankoodii 100-aad waxayna noqon doonaan xulkii ugu horeeyay ee koob aduun 100-kulan cayaaro!
  • Portugal labadii kulan ee ugu dambeeyay oo ay la cayaareen xulka Jarmalka iyo USA oo ay qaybta G ku wada jiraan koobka aduunka waa laga badiyay sanadii 2002 USA ayaa ka badiyeen halka sanadii 2006 ay Jarmalka guuldaro kala kulmeen.
  • Xulka Jarmalka kaliya 1-kulan ayaa laga badiyay 18-kulan ee ugu dambeeyay oo ayay qaybta guruubyada koobka aduunka cayaareen waxaana a badiyeen xulka Serbia sanadii 2010.
  • Xulka Portugal kaliya hal kulan ayay guuleesteen 7-kulan ee ugu dambeeyay oo ay tartankan cayaareen waxayna ka badiyeen xulka Waqooyiga Korea 7-0 ku suul dareen sanadii 2010.
  • Xulka Jarmalka 6-kulan ee ugu dambeeyay furitaanka koobka aduunka ay cayaareen way wada guuleesteen waxaana ugu dambeesay sanadii 1986 kulan furitaan ah oo ay badin waayaan ayagoo markaas 1-1 la galeen xulka Uruguay.
  • Jarmalka wa xulka goolasha ugu badan dhaliyeen xulalka reer Yurub isreeb reebkii koobka aduunka waxayna dhaliyen 36-gool!
  • Miraslov Klose ayaa caawo u baahan hal gool si uu iskoorka Ronald u gaaro wuxuuna leeyahay 14-gool.

Labadan Xul Kulamadii Ay Horey U Wada Cayaareen:

Guud ahaan labadan xul waxay wada cayaareen 17-kulan oo heer caalami ah waxayna xulka Jarmalka guuleesteen 9-ka mid ah halka Portugal ay badiyeen 3-kulan sidoo kalena 5-kulan bar bar dhac ayay ku kala baxeen balse sedexdii tartan ee ugu dambeesay oo ay labadab xul wada kulmeen Jarmalka ayaa guuleesteen (World Cup 2006, Euro 2012 iyo Euro 2008).

Line Up-ka macquulka ah oo ay labadan xul caawo kulankan adag kusoo gali doonaan:

Germany: Neuer, Hummels, Mertesacker, Boateng, Howedes, Lahm, Kroos, Gotze, Ozil, Podolski, Muller

Portugal: Patricio, Pepe, Alves, Pereira, Coentrao, Veloso, Meireles, Moutinho, Nani, Ronaldo, Almeida.



Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [Hordhaca Germany vs Portugal: Kulanka Ugu Xiisaha Badan Koobka Aduunka Oo Caawa Dhici Doon], All Right Reserved. 2014.
]]>
http://hiilkubad.com/hordhaca-germany-portugal-kulanka-ugu-xiisaha-badan-koobka-aduunka-oo-caawa-dhici-doon/feed/ 0
Falanqeynta Kulanka Culus Ee Dhexmari Doona Caawa Koobka Aduunka Argentina vs Bosnia http://hiilkubad.com/falanqeynta-kulanka-culus-ee-dhexmari-doona-caawa-koobka-aduunka-argentina-bosnia/ http://hiilkubad.com/falanqeynta-kulanka-culus-ee-dhexmari-doona-caawa-koobka-aduunka-argentina-bosnia/#comments Sun, 15 Jun 2014 05:24:08 +0000 http://hiilkubad.com/?p=25570
Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [Falanqeynta Kulanka Culus Ee Dhexmari Doona Caawa Koobka Aduunka Argentina vs Bosnia ], All Right Reserved. 2014.
]]>
aRGENTINA

Caawo waxaa si gaar ah loogu kuur gali doonaa kulanka xiisaha badan ee dhex mari doono xulalka Argentina Vs Bosnia labadan xul farqi weyn ayaa u dhaxeeyo marka laga hadlaayo tartankan waayo Bosnia waa markii ugu horeesay oo ay dhacdadan taariikhiga ah kasoo muuqdaan halka Argentina ay xagaagan damacsan yihiin inay markoodii 3-aad ku guuleestaan koobka aduunka, kulankan waxaa sheegtay inuu wacdaro ka dhigi doono Lionel Messi oo damacsan inuu jawaab u helo dhaliisha ku raagtay waayo xidigan marnaba xulkiisa wax buura uma qabanin tartamada heerka caalami ah haatana cadaadis xoogan ayaa saaran madaama uu kabtanimada Argentina xirtay wuxuuna doonayaa 28-sano kadib guushii Maradona uu xulkan gaarsiiyay mid la mid ah inuu u horseedo!

WARBIXINTA KULANKA

Tartanka: FIFA World Cup 2014

Taariikhda/June 16, 2014,

Saacada: 01:00 AM Habeenimo Xiliga Geeska Afrika

Goobta: Maracanã, Rio de Janeiro,

Garsooraha: Joel Aguilar (El Salvador), da’diisa 38-sano

Aqbaar Ku Saabsan Xidigaha Labadan Xul:

Macalinka xulka Argentin Alejandro Sabella wuxuu saxaafada u sheegay in dhamaan xidigaha xulkiisa ay caafimaad qabaan balse weli wuxuusan go’aa ka gaarin labada xidig ee kala ah Ezequiel Lavezzi iyo Gonzalo Higuain midka uu caawo kusoo bilaabi doono madaama Aguero iyo Messi la hubo in kulankan lagu soo bilaabi doono.

Dhanka xulka Bosnia macalinkooda qabiirka ah Safet Susic ayaa sheegay inuu badali doono nidaamka ay xulkiisa cayaarayeen mudo dheer wuxuuna caawo kusoo bilaabi doonaa hal weeraryahan oo kaliya kaasi oo ah Eden Dzeko sidaa darteed shaxda 4-2-3-1 waxaana kubada xulkan u sameyn doono wiilka naadiga Roma Miralem Pjanic.

Dhacdo La Xariirto Kulankan Xiisaha Badan:

  • Xulka Argentina 12-kulan ee ugu dambeeyay koobka aduunka waxay guuleesteen 9-ka mid ah halka 2-kulan ay bar bar dhac galeen sidoo kalena hal kuan guuldaro ayay la kulmeen.
  • Balse Argentina 9-kulan ee ugu dambeeyay oo ay tartankan la cayaareen xul reer Yurub ah kaliya 2-kulan ayay badiyeen.
  • Xulka Bosnia-Herzegovina waa xulka kaliya ee tartankan ku cusub dhamaan 32-xul marka loo eego.
  • Edin Dzeko wuxuu ahaa weeraryahankii ugu wanaagsanaa reer Yurub isreeb reebkii tartankan madaama uu dhaliyay in ka badan 10-gool sidoo kalena uu dhiibay 4-kubadood.
  • Lionel Messi kaliya hal gool ayuu koobka aduunka dhaliyay balse xidigan 571-daqiiqo ayuu cayaaray welina masoo bandhigin qaab cayaareed wanaagsan!
  • Wiilasha macalin Alejandro Sabella waxay ahaayeen xulkii goolasha ugu badan dhaliyeen isreeb reebkii koonfur Ameerika waxayna dhaliyeen 35-gool.

Kulamadii ay horey labadan xul u wada cayaareen:

Labadan xul waxay horey u wada cayaaren labo kulan oo saaxiibtinimo ah waxaana xusid mudan in labadaas kulan ay xulka Argentina guuleesteen weliba dhigooda Bosnia 7-gool ayay ka dhaliyeen labada kulan halka Bosnia aysan waxba dhalinin, welina kulankii ugu dambeeyay waxay 2-0 guusha ku raacday Argentina iyadoo ay wada cayaareen Bishii November ee sanadkii hore 2013.

Maxaan Ka Filan Karnaa Kulanka Xiisaha Badan?

Labo arimood ayaan kuankan ka filan karnaa midi waxay tahay in lasoo gaaray xiligii Lionel Messi uu tartanka wacdaraha ka dhigi lahaa asigoo kaashanaayo xidigaha tayada wanaagsan sida Di Maria, Aguero iyo Higuain ka filo Messi inuu caawo reer Bosnia dhex qaado.

Sidoo kale waxaan ka filan karnaa labada weeraryahan ee reer Bosnia Edin Dzeko iyo Vedad Ibisevic iyagana inay dhiig miirtaan daafaca tababarta yar ee Argentina sidaa darteed cayaartan labadan dhacdo ayaan filan karnaa waana u wada joognaa midii dhab noqoto.

Line Up-a macquulka:

Argentina: Romero, Rojo, Fernández, Garay, Zabaleta, Mascherano, Gago Di María, , Lavezzi, Agüero, Messi

Bosnia: Begovic, Kolasinac, Spahic, Bicakcic, Mujdza, Lulic, Salihovic, Pjanic, Misimovic, Dzeko, Ibisevic



Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [Falanqeynta Kulanka Culus Ee Dhexmari Doona Caawa Koobka Aduunka Argentina vs Bosnia ], All Right Reserved. 2014.
]]>
http://hiilkubad.com/falanqeynta-kulanka-culus-ee-dhexmari-doona-caawa-koobka-aduunka-argentina-bosnia/feed/ 0
Group A: Hordhaca Kulanka Furitaanka Koobka Aduunka Brazil vs Croatia http://hiilkubad.com/group-a-hordhaca-kulanka-furitaanka-koobka-aduunka-brazil-croatia/ http://hiilkubad.com/group-a-hordhaca-kulanka-furitaanka-koobka-aduunka-brazil-croatia/#comments Thu, 12 Jun 2014 05:04:10 +0000 http://hiilkubad.com/?p=25302
Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [Group A: Hordhaca Kulanka Furitaanka Koobka Aduunka Brazil vs Croatia], All Right Reserved. 2014.
]]>
Brazil-vs-Croatia-2014-World-Cup-Group-A-Match-Wallpaper

WARBIXINTA KULANKA:

Tartanka: FIFA World Cup 2014

Taariikhda/Saacada: June 12, 2014, 11:00 PM Habeenimo

Goobta: Arena Corinthians, São Paulo, Brazil

Garsooraha: Yuichi Nishimura (Japan)

Ugu dambeyntii caawo waxaa daaha laga rogi doonaa kulanka ugu horeeyo FIFA World Cup 2014 oo dhacdo dhamaanteena aan wada sugeynay waxaana lagu bilaabi doonaa Brazil Vs Croatia sidaa darteed kulankan gaar uma ahan labadan xul sidoo kalena dunida oo idil ayaa wada sugeesay, dalka Brazil oo ah martigaliyaasha tartankan sidoo kalena ah xulka ugu guulaha badan taariikhd tartankan ayaa damcsan inay waji wanaagsan ku af bilaabaan koobka aduunka halka Croatia oo ku caan baxeen inay xulalka tunka weyn ka naxsadaan waxayn doonayaan markale dunida inay ka marqaati kacdo inay fajac hor leh sameyn karaan.

Macalin Luiz Felipe Scolari wuxuu xidigahiisa ka dalbaday inay guul ku daah furaan cayaaraha aduunka waayo 64-sano ka hor Brazil markii ay tartankan martigalisay guuldaro  ayay ku bilaawday sidaa darteed wiilasha xulkan waxaa saaran cadaadis xoogan, geeska kale macalinka xulka Croatia Niko Kovac isaga wuxuu doonayaa inuu kulankan kusoo galo si dagan sidoo kalena xidigahiisa aysan dareemin cadaadis  xoogan madaama aanan wax badan laga fileyn sidaa darteed waxaa isku soo beegmeyn labo xul oo midi shacabkiisa guul kaga fadhiyaan iyo xul mel fog ka yimid oo aan cadaadis saarneyn!

Aqbaar Ku Saabsan Xidigaha Labadan Xul:

Macalin Scolari walaac badan ma qabo waa jugii fududeed ee maalmo ka hor Neymar gaartay ma noqon mid halis ah waxaana lagu wadaa xidigan in kulankan lagu soo bilaabo, kaliya Oscar oo ka mid ah xidigaha ugu muhiimsan Brazil ayaa lagu cadaadinayaa macalin Scolari inuu fariisiyo badalkiisana uu kusoo bilaabo Willian balse midaas ma dhici doonto madaama macalinkan uu horey u sheega in 11-xidig uusan waxba ka badali doonin.

Dhanka Croatia macalinkooda Niko Kovac wuxuu marhore ku tashtay in Mario Mandzukic uusan u cayaari doonin madaama xidigan kaarka cas uu qaatay kulankii ugu dambeeyay isreeb reebka koobka aduunka sidaa darteed ganaax ayuu ku maqnaan doona waxaana booskiisa buuxin doono ruug cadaa Ivica Olic dhibaatada Croatia intaas kuma eko sidoo kale waxaa shaki weyn ku jiraa inuu safan karo Danijel Pranjic oo dhaawac qabo sidaa darteed daafacan garabka bidix waxay u badan tahay inuu kulankan adag seego.

Xog Ku Saabsan Furitaanka koobka aduunka:

  • Taariikhda koobka aduunka marnaba ma dhicin wadanka martigalinaayo kulankiisa ugu horeeyo inuu guuldareesto waxaana horey loo arkay 20-kulan oo ay xulalkii hore u martigaliyeen koobka aduunka bilawgiisa cayaareen inay guuleesteen 14-ka mid ah halka 6-kulan kalena ay bar bar dhac ku kala baxeen sida darteed Brazil inay kulankan guuleesato ayay u badan tahay.
  • 64-sano ka hor Brazil markii ay koobka aduunka martigalisay kulankeedii ugu horeeyay waxay guuldaro 4-0 kala kulantay xulka Mexico sanadii 1954.
  • 8-kulan ee ugu dambeesay ee koobka aduunka lagu daah furay ugu yaraan hal gool iyo wixii ka badan ayaa la iska dhalinaayay sidaa darteed caawo 0-0 inuu kulankan ku dhamaado ha filanin!
  • Brazil waxay ka qayb qaadanayaan koobka aduunka markoodii 20-aad waana xulka kaliya ee tartan walbo soo xaadiray!
  • Brazil guusha ugu badan tartankan iyada ayaa gaartay taariikh ahaan waxayna guuleesatay 67-jeer halka goolasha ugu badan tartankan ay iyada dhalisay waxayna dhaliyeen 210-gool.
  • Brazil guuldaro ay kala kulanto qaybaha Guruubka waxaa ugu dambeesay sanadii 1998 waxayna 2-1 guuldaro kala kulmeen Norway.
  • Croatia kaliya 11-gool ayaa laga dhaliyay 13-kulan oo ay koobka aduunka cayaareen.
  • Croatia 9-kulan ee ugu dambeeyay oo ay koobka aduunka cayaartay waxaa ka dhalatay 9-kaarka casaanka ah sidaa darteed caawo waa macquul in kulankan calaamada casaanka ah la bixiyo.

Guud Ahaan Kulamada Ay Labadab Xul Wada cayaareen:

Labadan xul waxay wada cayaareen guud ahaan 2-kulan mid ka mid ah koobkii aduunka 2006 ayay ku kulmeen qaybta guruubyada waxaana habeenkaas 1-0 guusha ku raacday Brazil weliba Kaka ayaa goolka u dhaliyay halka kulanka kale oo ahaa mid saaxiibtinimo bar bar dhac ayay ku kala baxeen.

Xidigaha Kulankan Isha Lala Raaci Doono:

Neymar (Brazil): 22-jirkan marka uu xiran yahay maaliyada xulkiisa lama celin karo sidaa darteed caawo ka filo inuu reer Croatia nasiino u diido sidoo kalena reer Brazil isaga ayay soo caleemo saartaan hana iloobin Neymar inuu xulkiisa u dhaliyay 31-gool asigoo u saftay 48-kulan sidaa darteed caawo goolka ay reer Brazil ku farxi karaan isaga ayaa laga wada sugi doonaa.

Luka Modric (Croatia): 28-jirkan tayada wanaagsan dhawaana Real Madrid kula guuleestay Koobka horyaalada Yurub wuxuu leeyahay waayo aragnimo ku filan madaama xulkiisa kala qayb qaatay sedex tartan oo heer caalami ah (FIFA World Cup 2006, Euro 2008 & Euro 2012), sidoo kalena xulkiisa wuxuu u saftay 75-kulan asigoo u dhaliyay 8-gool sidaa darteed caawo Croatia waxa ay damacsan tahay Modric oo kaliya ayaa u sameyn karo.

Line Up-ka Macquulka Ah oo ay labadan xul kusoo gali doonaan caawo:

Brazil: Cesar, T. Silva, Luiz, Marcelo, Alves, Gustavo, Paulinho, Oscar, Hulk, Neymar, Fred.

Croatia: Pletikosa, Corluka, Lovren, Srna, Vida, Modric, Vukojevic, Rakitic, Kovacic, Perisic, Olic



Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [Group A: Hordhaca Kulanka Furitaanka Koobka Aduunka Brazil vs Croatia], All Right Reserved. 2014.
]]>
http://hiilkubad.com/group-a-hordhaca-kulanka-furitaanka-koobka-aduunka-brazil-croatia/feed/ 1
Hordhac: Barcelona vs A. Madrid: Kulanka Go’aaminaya Horyaalka La Liga Oo Ka Dhacay Camp Nou http://hiilkubad.com/hordhac-barcelona-a-madrid-kulanka-goaaminaya-horyaalka-la-liga-oo-ka-dhacay-camp-nou/ http://hiilkubad.com/hordhac-barcelona-a-madrid-kulanka-goaaminaya-horyaalka-la-liga-oo-ka-dhacay-camp-nou/#comments Sat, 17 May 2014 05:40:28 +0000 http://hiilkubad.com/?p=22328
Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [Hordhac: Barcelona vs A. Madrid: Kulanka Go'aaminaya Horyaalka La Liga Oo Ka Dhacay Camp Nou], All Right Reserved. 2014.
]]>
Barca ahaa

Xili Ciyaareed waali ah ayaa soo maraya horyaalka Spain oo goor sii horeysay lagu kala bixi jiray, balse haatan waa in la sugo ilaa kulanka ugu dambeeya kaas oo caawa dhexmari doona kooxaha Barcelona iyo Atletico Madrid kulan xiiso badan oo ku qabsoomi doona garoonka aan booqashadiisa la jecleen ee Camp Nou.

Real Madrid wey ka hartay tartanka kaliya Atletico iyo Barca ayuu u furan yahay inkastoo labada kooxood ay kala fursad wacan yihiin.

FURSADDA ATLETICO MADRID:

Kooxda Atletico Madrid waxey heystaan laba fursadood oo ay ku qaadi karaan horyaalka, barbardhac iyo badis labadaba balse guuldaro ayey ku weyn karaan La Liga.

FURSADDA BARCELONA:

Barcelona waji aan guul aheyn uma banaana waana iney guul gaarto haba ku yaradeene goolasha waxeyna u dabaal dagi doontaa horyaalka hadii ay sidaas sameyso.

Horyaalka La Liga waxaa caawa soo mareysa 90-daqiiqo oo qiiro iyo ilmeyn ay ka dambeyn doonto marka natiijada dhinac u dhacdo Atletico ayaana raadinaya 18-sano kadib koobkoodii ugu horeeyay ee La Liga 1995-1996 ayaana ugu dabeysay.

YAA MAQAN, YAASE SOO LAABTAY?

Neymar JR, Gerard Pique iyo Jordi Alba ayaa si toos ah ugu soo laabtay Barcelona, halka Atletico Madrid ay soo dhaweyneyso weeraryahankooda Asal Brazilka ah ee qaatay dhalashada dalka Spain Diego Costa.

LINE UPKA MACQUULKA AH:

BARCELONA: Pinto, Pique, Mascherano, Alba, Alves, Xavi, Busquets, Iniesta, Neymar JR, Lionel Messi, Sanchez

ATLETICO MADRID: Courtios, Godin, Luis, Juanfran, Miranda, Koke, Gabi, Tiago, Turan, Villa, Diego Costa



Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [Hordhac: Barcelona vs A. Madrid: Kulanka Go'aaminaya Horyaalka La Liga Oo Ka Dhacay Camp Nou], All Right Reserved. 2014.
]]>
http://hiilkubad.com/hordhac-barcelona-a-madrid-kulanka-goaaminaya-horyaalka-la-liga-oo-ka-dhacay-camp-nou/feed/ 0
Hordhaca Finalka FA Cupka: Arsenal & Hull City Oo Ku Balansan Garoonka Wembley http://hiilkubad.com/hordhaca-finalka-fa-cupka-arsenal-hull-city-oo-ku-balansan-garoonka-wembley/ http://hiilkubad.com/hordhaca-finalka-fa-cupka-arsenal-hull-city-oo-ku-balansan-garoonka-wembley/#comments Sat, 17 May 2014 05:00:54 +0000 http://hiilkubad.com/?p=22312
Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [Hordhaca Finalka FA Cupka: Arsenal & Hull City Oo Ku Balansan Garoonka Wembley], All Right Reserved. 2014.
]]>
FA Cup Final

LA ISKUMA WAR HAAYO:

“Arsenal ayaa rajeyneysa iney ka baxdo abaarta koob la’aan ee heysata mudada badan, halka Hull City ay dooneyso iney ku guuleysato koobkii ugu horeeyay Ebid”

Kulan culus ayaa ka dhici doona garoonka Wembley ee magaalada London marka ay kulmaan kooxaha Arsenal iyo Hull City, Arsene Wenger ayaana doonaya inu soo afjaro koob la’aan heysatay mudo 9-sano ah.

Wiilasha Wenger ayaana gaaray shan guul oo xiriir ah kulamadii ugu dambeeyay horyaalka iyadoo ay ku jirto guushii raaxada aheyd ee ay ka gaareen Hull City markii ay 3-0 ku dhufteen, inkastoo ay qabsan karto sheekadii ka qabsatay Wigan markii ay ciyaarta gaartay Rigoore.

Balse Arsenal ayaa niyad sami joogta mar hadii ay diyaar yihiin: Aaron Ramsey, Wilshere & Mesut Ozil. Dhanka kale Hull City ayaa dooneysa iney hesho koobkeedii ugu horeeyay oo weyn iyadoo 5-3 kusoo qaarijisay kooxda Shiefield United kulankii Semi Finalka, inkastoo ay xaqiijisteen booskooda horyaalka hadana afartii kulan ayey guuldaro la kulmeen 5-tii kulan ee ugu dambeysay iyadoo 13gool laga dhaliyay.

HORDHACA KULANKA:

Kulanka: Arsenal vs Hull City

Garoonka: Wembley Stadium

Tartanka: Finalka FA Cupka

Saacadda: 7:00 Fiidnimo Xiliga Geeska Afrika

YAA MAQAN, YAASE CIYAARAYA?

Labadaba Vermalean iyo Chamberlain ayaa shaki la galinayaa safashada kulankaan, balse Gnabry iyo Miyaichi iyo Walcott wey seegayaan kulankaan.

Dhanka kale Hull City aya shaki galineysa safashada xidigaha Chester & Brady balse sidoo kale waxaa jira laba xidig oo maqnaan doona waana Shay Long iyo Jelavic oo ah labada weerarka u matasha kooxda.

MA OGTAHAY?

  • Waa Kulankii sadexaad oo ay Hull City ku ciyaarto Wembley marka dib loo cusboneysiiyay walina guuldaro lama kulmin, bishii lasoo dhaafay ayey Shiefield United uga adkaatay, sidoo kale 2009 ayey Bristol City kaga badisay kulan kala bax ah.
  • Sidoo kale Arsenal ayaa sadex jeer ku ciyaarta intaba guul ma gaarin, Chelsea ayaa 2-1 uga badisay, Birmingham ayaa 2-1 uga badisay, halka Wigan ay galeen barbardhac 0-0.
  • Markii ugu dambeysay ay labadaan kooxood isku arkaan tartankaan waxey aheyd 2009 Arsenal ayaana badisay
  • Ma Jiro xidig ku sugan Hull City oo kulankaas joogay, balse Arsenal 6 xidig ayaa haatan xaadir ah oo kulankaas ka qeyb qaatay, (Fabianski, Gibbs, Sagna, Diaby, Bendtner, &Walcott)
  • Arsenal ayaa shantii kulan ee ugu dambeysay dhalisay 12-gool, kaliya 1-gool ayaa laga dhaliyay
  • Kulanka maanta waa markii 10aad oo uu Arsene Wenger soo istaago Final, sidoo kalana waa markii 6-aad oo uu FA Cup Final soo istaago.
  • Matty Fryatt ayaa dhaliyay 10-gool, 13-kulan oo uu kusoo bilawday waayihiisa.

LINE UPKA MACQUULKA AH:

Arsenal: Fabianski; Sagna, Mertesacker, Koscielny, Gibbs; Ramsey, Arteta; Ozil, Cazorla, Podolski; Giroud

Hull City: Harper; Bruce, Chester, Davies, Figueroa, Rosenior; Livermore, Huddlestone, Elmohamady; Boyd; Sagbo



Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [Hordhaca Finalka FA Cupka: Arsenal & Hull City Oo Ku Balansan Garoonka Wembley], All Right Reserved. 2014.
]]>
http://hiilkubad.com/hordhaca-finalka-fa-cupka-arsenal-hull-city-oo-ku-balansan-garoonka-wembley/feed/ 0
Hordhac: Man United vs Hull City: Red Devils Oo Rajo Liidata Ka Leh Tartanka Europa League http://hiilkubad.com/hordhac-man-united-hull-city-red-devils-oo-rajo-liidata-ka-leh-tartanka-europa-league/ http://hiilkubad.com/hordhac-man-united-hull-city-red-devils-oo-rajo-liidata-ka-leh-tartanka-europa-league/#comments Tue, 06 May 2014 10:07:46 +0000 http://hiilkubad.com/?p=21275
Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [Hordhac: Man United vs Hull City: Red Devils Oo Rajo Liidata Ka Leh Tartanka Europa League], All Right Reserved. 2014.
]]>
utdvshul1

Manchester United ayaa caawa gurigeeda ku ciyaareysa kulankeedii ugu dambeeyay horyaalka Premier League xili ciyaareedkaan, iyadoo ku jirta xili ciyaareedkii ugu xumaa mudooyinkii ugu dambeeyay waxeyna ka hor imaaneysaa kooxda dhaxaltooyada u qaadatay booskii Europe League ee ay Man United rajada weyn ka laheed.

Manchester United ayaa u baahan iney guul gaarto labada kulan ee ka haray horyaalka sidoo kalana iney guuldaro la kulanto kooxda Tottenham kulankeeda ugu dambeeya taasna waxey suuragal ka dhigi karta in United ay soo aado Europa League.

Man United ayaa 7-guuldaro ku heshay Old Trafford xili ciyaareedkaan, sidoo kalana 12guuldaro ayey heleen xili ciyaareedkaan, sidoo kalana 6-dii kulan ee ugu dambeeyay waxey guul heleen 3 halka 3-na ay guuldaro la kulmeen.

Tababare Steve Bruce ayaa ka fikiraya Finalka FA Cupk markaas oo ay Wembley ku wajahi doonaan Arsenal sidoo kalan waxaa laga yaabaa inuu keydka galiyo badi xidigha kooxda.

OGEYSIISKA KULANKA

Kulanka: Man United vs Hull City

Garoonka: Old Trafford

Saacadda: 10:00 Habeenimo

YAA MAQAN, YAASE CIYAARAYA?

Kooxda Martida loo yahay ayaan walwal ka qabin dhaawacyo badan iyadoo dib u heli doonta Wayne Rooney oo dhaawac kaga maqna kulamadii ugu dambeeyay, sidoo kale Hull City ayaa kaliya weyneysa Allan McGregor, Robbie Brady iyo Paul McShane kuwaas oo dhaawac mudo dheer ku maqnaa.

MA OGTAHAY

Manchester United ayaa guul ka gaartay Hull City shantii kulan ee ugu dambeysay horyaalka Premier League iyadoo ka dhalisay 20-gool, sidoo kalana laga dhaliyay 6-gool.

Manchester United ayaa 7-guuldaro ka heshay horyaalka Premier League xili ciyaareedkaan, markii ugu dambeysay iney heerka labaad u laabatana waxey aheyd 1973-1974.

Hull City ayaa kaliya badisay 1-kulan, shantii kulan ee ugu dambeysay oo ay banaanka kusoo ciyaartay.

LINE UPKA MACQUULKA AH:

Manchester Utd: De Gea; Jones, Smalling, Vidic, Evra; Kagawa, Carrick, Cleverley; Welbeck, Mata, Van Persie

Hull City: Harper; Rosenior, Figueroa, Chester, Davies; Meyler, Huddlestone, Livermore, Elmohamady; Jelavic, Long



Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [Hordhac: Man United vs Hull City: Red Devils Oo Rajo Liidata Ka Leh Tartanka Europa League], All Right Reserved. 2014.
]]>
http://hiilkubad.com/hordhac-man-united-hull-city-red-devils-oo-rajo-liidata-ka-leh-tartanka-europa-league/feed/ 0
Hordhac: Crystal Palace vs Liverpool: Tartanka Horyaalka Ingiriiska Oo Xiiso Gooni Ah Yeeshay http://hiilkubad.com/hordhac-crystal-palace-liverpool-tartanka-horyaalka-ingiriiska-oo-xiiso-gooni-ah-yeeshay/ http://hiilkubad.com/hordhac-crystal-palace-liverpool-tartanka-horyaalka-ingiriiska-oo-xiiso-gooni-ah-yeeshay/#comments Mon, 05 May 2014 04:32:39 +0000 http://hiilkubad.com/?p=21132
Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [Hordhac: Crystal Palace vs Liverpool: Tartanka Horyaalka Ingiriiska Oo Xiiso Gooni Ah Yeeshay], All Right Reserved. 2014.
]]>

Liverpool ayaa u safreysa London iyadoo la ciyaari doonta kooxda Crystal Palace sidoo kalana ka warqabta in hogaanka horyaalka ay ku dhagan tahay Manchester City oo goolal kaga heysa, balse kulan baaqi ah gacanta ku heysata hadii ay Liverpool ciyaarto kulankeeda caawa.

Liverpool ayaa guuldaro xanuun badan kala kulantay Chelsea kulankii ugu dambeeyay horyaalka markii ay Anfield ku marti galisay, wuxuuna ahaa kulan xanuun leh oo lumiyay kalsooni badan oo ay ku qabtay iney horyaalka ku guuleysan karto.

Daniel Sturridge iyo Luis Suarez ayaa la filayaa iney kusoo bilawdaan kulankaan kuwaas oo aan si wadajir ah ugu soo bilaaban kulankii todobaadkii hore ee Chelsea.

OGEYSIISKA KULANKA:

Kulanka: Crystal Palace vs Liverpool

Garoonka: Selhurst Park

Garsoore: M. Clattenburg‎

Saacadda: 10:00 Habeenimo (Xiliga Geeska Afrika)

YAA MAQAN, YAASE CIYAARAYA?

Ma jiraan dhaawac cusub oo ay labada koox qabaan waxaana bad qaba dhamaan xidigaha ay kulamadii ugu dambeeyay ku dagaal tagi jireen, Liverpool ayaase hal dhaawac qabta waana Jose Enrique kaas oo mudo dheer garoomada ka maqnaa.

Jordan Henderson ayaa ku maqnaanaya ganaax, waana kulankiisii ugu dambeeyay oo ganaaxii sadexda kulan ahaa ee garka loo galiyay.

MA OGTAHAY:

Crystal Palace ayaan wax guuldaro ah kala kulmin afartii kulan ee ugu dambeysay ay gurigooda kula ciyaartay Liverpool.

Crystal Palace ayaan lumin kulan ay gurigeeda ku ciyaareyso tan iyo 1997-dii.

Crystal Palace ayaa gurigeda ku dhalisay goolasha ugu yar ee ay koox gurigeeda ku dhaliso horyaalka xili ciyaareedkaan.

Crystal Palacen ayaa markii ugu horeysay ebid suuragalisay iney laba xili ciyaareed oo xiriir ah ku nagaato Premier League.

LINE UPKA MACQUULKA AH:

Palace: Speroni; Mariappa, Dann, Delaney, Ward; Bolasie, Jedinak, Ledley, Puncheon; Chamakh, Jerome

Liverpool: Mignolet; Johnson, Sakho, Skrtel, Flanagan; Gerrard, Allen; Sterling, Coutinho; Suarez, Sturridge



Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [Hordhac: Crystal Palace vs Liverpool: Tartanka Horyaalka Ingiriiska Oo Xiiso Gooni Ah Yeeshay], All Right Reserved. 2014.
]]>
http://hiilkubad.com/hordhac-crystal-palace-liverpool-tartanka-horyaalka-ingiriiska-oo-xiiso-gooni-ah-yeeshay/feed/ 1