Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha » Bundesliga http://hiilkubad.com Wed, 25 Jun 2014 15:07:17 +0000 en-US hourly 1 http://wordpress.org/?v=3.9.1 Warbixin Xiiso Badan: 6-Xidig Ee Ugu Caansan Xulka Jarmalka 4-koob Aduun Ee Ugu Dambeesay Oo Shaaca Laga Qaaday (+Sawiro) http://hiilkubad.com/warbixin-xiiso-badan-6-xidig-ee-ugu-caansan-xulka-jarmalka-4-koob-aduun-ee-ugu-dambeesay-oo-shaaca-laga-qaaday-sawiro/ http://hiilkubad.com/warbixin-xiiso-badan-6-xidig-ee-ugu-caansan-xulka-jarmalka-4-koob-aduun-ee-ugu-dambeesay-oo-shaaca-laga-qaaday-sawiro/#comments Wed, 25 Jun 2014 12:03:04 +0000 http://hiilkubad.com/?p=26966
Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [Warbixin Xiiso Badan: 6-Xidig Ee Ugu Caansan Xulka Jarmalka 4-koob Aduun Ee Ugu Dambeesay Oo Shaaca Laga Qaaday (+Sawiro)], All Right Reserved. 2014.
]]>
Germany

Xulka Jarmalka taariikh ahaan 3-jeer ayay koonka aduunka ku guuleestay sidoo kalena 4-jeer waa laga qaaday waa xulka ugu kulamada badan tartankan sidoo kalena laaciibin farabadan oo koobka aduunka magac ku leh ayay soo saareen balse daraasad la sameeyay ayaa lagu soo bandhigay 24-sano ee ugu dambeesay ama 4-koob ee ugu dambeesay xulka Jarmalka iyo xidigahiisii ugu caansanaa waxayna daraasadan diirada saartay xidigahii ugu waxqabadka badnaa xulka Jarmalka ee koob aduunka ka qayb galeen iyo wixii ay soo bandhigeen, sidoo kale xogtaan markii baaritaankeeda la waday waxaa la wareestay dadweynaha reer Jarmal ee da’dooda u dhaxeyo 16 ilaa 86-sano kuwaas ayaana ka talo bixiyeen ama doorteen 6-xidig Ee Ugu Caansan Xulka Jarmalka 4-koob Aduun Ee Ugu Dambeesay:

6. Thomas Mueller: 24-jirkan 8-koob ayuu cayaaray wuxuuna dhaliyay 8-gool. wuxuuna ku guuleestay kabaha dahabka iyo xidigii dhalinta yaraa midka ugu wanaagsan sanadii 2010.

Müller: Wir wollen den Gruppensieg klarmachen

5. Oliver Kahn: halyeegan 8-koob aduun ayuu saftay wuxuuna ku guuleestay laacibkii ugu wanaagsanaa tartankan sanadii 2002.

4. Miroslav Klose: 15-gool ayuu koobka ka dhaliyay sidoo kalena kabaha dahabka sanadii 2002 ayuu ku guuleestay waana xidiga ugu goolasha badan tartankan Ronaldo ayaa iskoorkan la wadaago.

3. Rudi Voeller: 8-gool ayuu koobka aduunka ka dhaliyay wuxuuna saftay 15-kulan sidoo kalena xulka Jarmalka sanadii 1990 ayuu koobkan kula guuleestay.

2. Jurgen Klinsmann: 11-gool ayuu koobka aduunka ka dhaliyay wuxuuna xulkiisa u saftay 17-kulan sidoo kalena sanadii 1990 ayuu Jarmalka koobkan la qaaday haatana tababaraha xulka USA.

1. Lothar Matthaeus: 25-kulan ayuu koobka aduunka cayaaray 6-gool ayuuna ka dhaliyay halyeegan waa kabtankii xulka Jarmalka u qaaday koobkan 1990 sidoo kalena waa xidiga ugu safashada badan xulka Jarmalka asigoo cayaaray 150-kulan waana laacibka kaliya ee reer Jarmal kaasi oo ku guuleestay xidiga aduunka ugu wanaagsan.

Xidigo U Qalmeen In Liiskan Lagu Soo Daro Sidoo Kalena Amaan Mudan:

Inkastoo 6-xidig ee sare ku xusay aan la gaari karin hadana waxaa jiraan xidigo xulka Jarmalka wax weyn u qabteen 24-sano ee ugu dambeesay kuwaas oo mudan in la xuso waxayna xidigahaas kala yihiin:

Michael Ballack, Philipp Lahm, Bastian Schweinsteiger iyo Mesut Ozil.



Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [Warbixin Xiiso Badan: 6-Xidig Ee Ugu Caansan Xulka Jarmalka 4-koob Aduun Ee Ugu Dambeesay Oo Shaaca Laga Qaaday (+Sawiro)], All Right Reserved. 2014.
]]>
http://hiilkubad.com/warbixin-xiiso-badan-6-xidig-ee-ugu-caansan-xulka-jarmalka-4-koob-aduun-ee-ugu-dambeesay-oo-shaaca-laga-qaaday-sawiro/feed/ 0
10-Xul Ee Ugu Qiimaha Badan Xulalka Koobka Aduunka Kasoo Muqdeen Sanadkan http://hiilkubad.com/10-xul-ee-ugu-qiimaha-badan-xulalka-koobka-aduunka-kasoo-muqdeen-sanadkan/ http://hiilkubad.com/10-xul-ee-ugu-qiimaha-badan-xulalka-koobka-aduunka-kasoo-muqdeen-sanadkan/#comments Wed, 25 Jun 2014 08:23:12 +0000 http://hiilkubad.com/?p=26921
Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [10-Xul Ee Ugu Qiimaha Badan Xulalka Koobka Aduunka Kasoo Muqdeen Sanadkan], All Right Reserved. 2014.
]]>
The-Ten-Most-Expensive-World-Cup-2014-Teams

Koobka Aduunka haatan dalka Brazil ayuu si habsami ku dheehan uga socdaa waxaana dhamaad ku dhow kulamada Guruubyada sidaa darteed waxaa si rasmi ah loo soo bandhigay warbixin ka hadleyso 10-ka xul ee ugu qiimaha badan tartankan iyo xul walbo xidigahiisa ugu qiimaha badan waxaana kaalinta kowaad galay xulka Brazil oo lagu qiimeeyay $718 Million sidoo kalena hogaamiyahooda Neymar ayaa ugu qiimo badan xulka Brazil waxaana lagu qiimeeyay ($88 Million), waxaa xusid mudanin 10-ka xul ee ugu qiimaha badan xulalka koobka aduunka ka qayb qaadanayaan 8-ka mid ah ay qaarada Yurub ka socdaan halka labadana kalena ay Koonfur Ameerika matalayaan. hadaba hoos kaga bogo xogtaan xiisaha badan:

Xul Qiimo Cayaaryahanka Ugu Qiimaha Badan
Brazil $718 Million Neymar Jr ($88 Million)
Spain $674 Million Andrea Inesta ($75 Million)
Argentina $654 Million Lionel Messi ($165 Million)
Germany $622 Million Mario Gotze ($61 Million)
France $555 Million Paul Pogba ($61 Million)
England $493 Million Wayne Rooney ($61 Million)
Belgium $468 Million Eden Hazard ($61 Million)
Italy $449 Million Mario Balotelli ($61 Million)
Portugal $400 Million Cristiano Ronaldo ($136 Million)
Russia $262 Million Akinfeev ($27 Million)

F.G: xulalka England, Spain iyo Italy gabi ahaanba tartankan way isaga hareen balse ma jiro xul ka qiimo badan kuwa haatan isugu soo haray tartankan marka laga reebo 10-kan xul ee sare ku qoran.

Brazil : Team Value ($718 Million) – MVP (Neymar JR) :

most expensive teams in the world

Spain : Team Value ($666 Million) – MVP (Inesta)

most powerful teams in the world

Argentina : Team Value ($654 Million) – MVP (Leo Messi) :

how expensive are the argentina players



Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [10-Xul Ee Ugu Qiimaha Badan Xulalka Koobka Aduunka Kasoo Muqdeen Sanadkan], All Right Reserved. 2014.
]]>
http://hiilkubad.com/10-xul-ee-ugu-qiimaha-badan-xulalka-koobka-aduunka-kasoo-muqdeen-sanadkan/feed/ 0
Rasmi: Isku Aadka Bundesligaha Jarmalka 2014/15 Oo Lasoo Bandhigay Iyo Bayern Oo Kulankeeda Ugu Horeeyo La Cayaari Doonto…. http://hiilkubad.com/rasmi-isku-aadka-bundesligaha-jarmalka-201415-oo-lasoo-bandhigay-iyo-bayern-oo-kulankeeda-ugu-horeeyo-la-cayaari-doonto/ http://hiilkubad.com/rasmi-isku-aadka-bundesligaha-jarmalka-201415-oo-lasoo-bandhigay-iyo-bayern-oo-kulankeeda-ugu-horeeyo-la-cayaari-doonto/#comments Tue, 24 Jun 2014 16:41:07 +0000 http://hiilkubad.com/?p=26879
Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [Rasmi: Isku Aadka Bundesligaha Jarmalka 2014/15 Oo Lasoo Bandhigay Iyo Bayern Oo Kulankeeda Ugu Horeeyo La Cayaari Doonto....], All Right Reserved. 2014.
]]>
FC Bayern

Waxaa si rasmi ah loo soo bandhigay isku aadka horyaalka Jarmalka xili cayaareedkiisa 2014/15 kaasi oo bilaaban doono horaanta bisha August, naadiga Bayern Munich oo Bundesligaha difaacaneyso sidoo kalena xili cayaareedkii hore horyaalkan ku guuleesatay asigoo 7-kulan harsan ayaa kulankeeda ugu horeeyo la cayaari doonto naadiga Wolfsburg oo sanadkii hore kaalinta 5-aad ka gashay, dabcan kulanka ugu adag cayaarta ugu horeyso Bundesligaha waxay dhex mari doontaa kooxaha Dortmund iyo Bayer Leverkusen oo xili cayaareedkii dhawaan soo idlaaday kaalimaha labaad iyo sedexaad Bundesligaha ku dhameesteen dabcan maamulka labadan naadi kuma farxin inay kulanka ugu horeeyo xili cayaareedkan cusub inay isku aadaan.

Kooxaha Bayern Munich iyo Dortmund oo ah labada naadi oo loo sadaalinaayo Bundesligaha waxay kulankooda ugu horeeyo wada cayaari doonaan dhamaadka bisha October ee isla sanadkan halka kulanka labaad ay wada cayaari doonaan horaanta bisha May ee sanadka 2015 sidaa darteed labadan naadi midii awood roonaato ayaa inta badan horyaalka Jarmalka hanato madaama 4-sano ee ugu dambeesay ay min labo jeer Bundesligaha ku kala guuleesteen. Guud ahaan hoos kaga bogo kulamada ugu horeeyo ee Bundesligaha lagu daah furi doono 22 August ee isla sanadkan:

View image on Twitter



Tags:  



Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [Rasmi: Isku Aadka Bundesligaha Jarmalka 2014/15 Oo Lasoo Bandhigay Iyo Bayern Oo Kulankeeda Ugu Horeeyo La Cayaari Doonto....], All Right Reserved. 2014.
]]>
http://hiilkubad.com/rasmi-isku-aadka-bundesligaha-jarmalka-201415-oo-lasoo-bandhigay-iyo-bayern-oo-kulankeeda-ugu-horeeyo-la-cayaari-doonto/feed/ 0
Barcelona Oo Kusoo Biirtay Loolanka Loogu Jiro Saxiixa Toni Kroos http://hiilkubad.com/barcelona-oo-kusoo-biirtay-loolanka-loogu-jiro-saxiixa-toni-kroos/ http://hiilkubad.com/barcelona-oo-kusoo-biirtay-loolanka-loogu-jiro-saxiixa-toni-kroos/#comments Tue, 24 Jun 2014 13:31:20 +0000 http://hiilkubad.com/?p=26869
Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [Barcelona Oo Kusoo Biirtay Loolanka Loogu Jiro Saxiixa Toni Kroos], All Right Reserved. 2014.
]]>
Kroos

Madaama kooxda Barcelona ay si rasmi ah u fasaxday Xavi sidoo kalena Cesc Fabregas ay ka iibisay kooxda Chelsea waxay haatan kooxda reer Spain u weecatay sidii ay ugu guuleesan laheed saxiixa Toni Kroos oo ay haatan isku heestaan dhamaan kooxaha Yurub ugu caansan, Kroos ayaa ka biyo diidan inu kooxdiisa Bayern Munich heshiis cusub u saxiixo waxaana maalin walbo magaciisa lagu dhex hayaa suuqa Yurub inkastoo ay xidigan saxiixiisa horey qal qaalo ugu jireen kooxaha Chelsea, Real Madrid iyo Man United hadana Barcelona ayaa isku kalsoon inay gacanta kusoo dhigi karto 24-jirkan madaama ay xiriir wanaagsan la leedahay kooxda Bayern Munich.

Macalin Luis Enrique ayaa taageero weyn u ah Kroos wuxuuna maamulka Barcelona u sheegay in booska Xavi xidigan oo kaliya uu buuxin karo sidaa darteed Barcelona oo sanadkii hore Bayern ka iibisay Thiago Alcantra ayaa markan dooneyso inay dhigeeda la fariisato soona xasuusi sidii ay sanadkii hore  wanaajiyeen madaama Thiago oo kooxo badan isku heesteen ay Barcelona go’aansatay inay Bayern ku wareejiso, wargeska The Bild ee kasoo baxo dalka Jarmalka ayaa sadaalinaayo in dab yaaqada todobaadkan ay Barcelona dalab rasmi ah u diri doonto dhigeeda Bayern madaama Kroos qandaraaskiisa ka harsan yahay 12-bilood oo qura waxay Barcelona aaminsan tahay inay kula soo saxiixan karto 25-milyan oo pound.



Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [Barcelona Oo Kusoo Biirtay Loolanka Loogu Jiro Saxiixa Toni Kroos], All Right Reserved. 2014.
]]>
http://hiilkubad.com/barcelona-oo-kusoo-biirtay-loolanka-loogu-jiro-saxiixa-toni-kroos/feed/ 0
Champions League Vs World Cup: Tartankee Wanaagsan Dood Marlabaad Soo Laba Kacleesay (+Sawiro)! http://hiilkubad.com/champions-league-world-cup-tartankee-wanaagsan-dood-marlabaad-soo-laba-kacleesay-sawiro/ http://hiilkubad.com/champions-league-world-cup-tartankee-wanaagsan-dood-marlabaad-soo-laba-kacleesay-sawiro/#comments Tue, 24 Jun 2014 08:03:37 +0000 http://hiilkubad.com/?p=26840
Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [Champions League Vs World Cup: Tartankee Wanaagsan Dood Marlabaad Soo Laba Kacleesay (+Sawiro)!], All Right Reserved. 2014.
]]>
FIFA-World-Cup-vs-Champions-League

Tartanka koobka aduunka 2014 wuxuu haatan u muuqdaa mid guul kusoo idlaan rabo sidoo kalena taariikh ahaan tartankii ugu wanaagsanaa ee ebid la qabto ayuu noqon rabaa marka dhinacyo badan laga fiiriyo, waxaa la sheegay in sanadii 2010 tartankii la qabtay ay daawadeen 3.6 billion haatana waxaana la sadaalinaa in tiro intaas ka badan ay caalamka ka daawan doonaan sidaa darteed waxaa marlabaad dib usoo noolaatay doodii ku aadaneed tartankii wanaagsan koobka aduunka iyo koobka horyaalada Yurub hadaba doodaas hoos kaga bogo qaabka loo falanqeeyay:

World Cup Vs Champions League: Inta badan dadka ku xeel dheer naqdinta cayaaraha iyo falanqeynta dhacdooyinka kubada cagta waxay ku doodaan in Champion-ka iyo koobka aduunka uu xiiso badan yahay Champion-ka  madaama tartankan ay sanad walb kasoo muuqdaan xidigaha aduunka ugu wanaagsan sidoo kalena mudo 7 ilaa 8-bilood ayuu socdaa laakiin koob aduunka 4-sano mar ayaa a qabtaa waxaana mararka qaar dhacdo in xidigaha aduunka ugu caansan qaar ka mid ah aysan soo xaadirin, hadii labo nuqdo lagu soo koobo, marka laga hadlo tayo iyo kubad adag Champion-ka ayaa wanaagsan halka marka laga hadlo xiisaha dadka aduunka ku nool iyo dareen ahaan koobka aduunka ayaa wanaagsan.

Maxay Ka Dhaheen Cayaartooyda Iyo Macalimiita Midka Wanaagsan Labadan Tartan:

Jose Mourinho oo la hadlaayay yahoo sports wuxuu yiri “In badan Champions League ayaa wanaagsan madaama xidigaha aduunka ugu qiimaha badan ay tartankan si joogto ah uga soo muuqdaan sidoo kalena tayo ahaan Champion-ka ayaa sareeyo laakiin koobka aduunka waa dhacdo caalamka u qaas ah sidoo kalena dareen dheeri ah xambaarsan waxaan oran karaa waa dhacdada sports ee aduunka ugu xiisaha badan”

Sir Alex Ferguson “Champions League ma jiro tartan lala bar dhigo tayo ahaan iyo xiiso ahaan sidoo kalena laacibiinta ugu wanaagsan caalamka ayaa marwalbo si joogto ah kaga soo muuqdaan”

Sedex Arimood Oo Uu Champions League Kaga Wanaagsan Yahay World Cup-ka:

1)Waa tartan aan la sadaalin kari: taariikh ahaan koobka aduunka 8-wadan oo kaliya ayaa ku guuleesteen inta badana xulalka awooda badan sida Brazil, Italy, Germany ama Argentina ayaa tartankan meel wanaagsan kasoo gaaraan ama qaadaan, laakiin Champion-ka sidaas ma ahan waayo kooxo aan la fileyn ayaa mararka qaar qaadaan bal xasuuso Marseille (1993), Borussia Dortmund (1997), FC Porto (2003) iyo Liverpool (2005) sidoo kalena Champion-ka waa tartan sanad walbo naadi cusub meel wanaagsan ay ka gaarto kana yaabiso caalamka.

2)Waa tartankan xili dheer soconaay: Koobka aduunka xulkii 7-kulan badiyo ayaa iska leh sidaa darteed waa tartan hal bil oo qura socdo halka Champions League uu yahay tartan soconaayo 8-bilood iyo wixii ka badan waxayna u baahan taha kooxda koobkan qaadi karto inay cayaarto 13-kulan sidaa darteed farqi weyn ayaa u dhaxeeyo, sidoo kalena kooxaha aduunka ugu caansan lacago badan ayay ku bixiyaa tusaale ahaan Real Madrid ay markeedii 10-aad u qaado koobkan waxay qarash gareesay inka badan $1billion, bal fiiro sida uu tartankan u adag yahay Man United oo 13-jeer Premiership-ka hanatay 20-sano ee ugu dambeesay kaliya labo jeer ayay qaaday 20-sano ee ugu dambeeyay tartankan!

3)Champions League Xidigaha aduunka ugu wanaagsan ayaa kasoo muuqdaan: Tusaale waxaa kuugu filan xidigaha caalamka laga yaqaa sida Gareth Bale, Ibrahimovic iyo Lewandowski koobka aduunka kama qayb qaadanayaan laakiin Champion-ka sanad walbo xidiagaha ugu wanaagsan lagama waayo sida Ronaldo, Messi, Ribery, Rooney iyo kuwo kale.

Sedex Arimood Oo Uu World Cup Kaga Wanaagsan Yahay Champions League:

1) Waa koob taariikh dheer: ma sahlano tartanka waayo 1930 ayuu soo bilaawmay waana tartan xul walbo jecel yahay inuu kasoo muuqdo halka Champion-ka uu usaga soo bilaawmay 1955.

2) Koob xidig walbo jecel yahay inuu gacanta ku dhigo: dhamaan laacibiinta aduunka waxay ku riyoodaan inay mar un koobka aduunka kasoo muuqdaan kaba sii wanaagsan hadii ay gacanta ku dhigaan waayo fursada koobkan looga soo muuqan karo waa mid qaali ah sababtoo ah 4-sano hal mar ayaa la qabtaa. Tusaale: Lionel Messi oo 4-jeer ku guuleestay Ballon d’Or wuxuu sheegay inuu 4-bilad ku badalan lahaa hal mar oo uu koobka aduunka qaado!!

3) Waa tartan dalxiiska ku wanaagsan: inta badan xiliga xagaaga ayaa koobka aduunka la cayaaraa waxayna jecel yihiin taageerayaasha inay dalxiis ahaan koobkanu daawadaan madaama lagu aadiyay bilaha June iyo July oo ah xiliga inta badan bulshada aduunka fasax ku jirto laakiin Champion-ka waa tartan sanadka oo dhan intiisa badan la cayaaro sidaa darteed dalxiis ahaan looma daawan karo.

Ugu Dambeyntii: hadaba aqriste maxay kula tahay labadan tartan keebaa qiimo badan fadlan fikirkaaga ka dhiibo si aan ugu dambeyntii ugu dhiirano labadan koob midkii wanaagsan aan fara ku muuqi karno balse kaligeen go’aan ma qaadan karno sidaa darteed fikirkiina ayaan u baahanahay!



Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [Champions League Vs World Cup: Tartankee Wanaagsan Dood Marlabaad Soo Laba Kacleesay (+Sawiro)!], All Right Reserved. 2014.
]]>
http://hiilkubad.com/champions-league-world-cup-tartankee-wanaagsan-dood-marlabaad-soo-laba-kacleesay-sawiro/feed/ 2
Isku Bar Bar Dhig Lagu Sameeyay Sida Ay Klose Iyo Ronaldo Min 15-Gool Koobka Aduunka Kaga Dhaliyeen http://hiilkubad.com/isku-bar-bar-dhig-lagu-sameeyay-sida-ay-klose-iyo-ronaldo-min-15-gool-koobka-aduunka-kaga-dhaliyeen/ http://hiilkubad.com/isku-bar-bar-dhig-lagu-sameeyay-sida-ay-klose-iyo-ronaldo-min-15-gool-koobka-aduunka-kaga-dhaliyeen/#comments Mon, 23 Jun 2014 06:00:54 +0000 http://hiilkubad.com/?p=26495
Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [Isku Bar Bar Dhig Lagu Sameeyay Sida Ay Klose Iyo Ronaldo Min 15-Gool Koobka Aduunka Kaga Dhaliyeen ], All Right Reserved. 2014.
]]>
Ronaldo-Miroslav-Klose

Miraslov Klose waxaa u suura gashay inuu koobka aduunka goolkiisii 15-aad ka dhaliyo kulankii Jarmalka ay bar bar dhaca 2-2 la galeen xulka Ghana wuxuuna halyeegan galeey safka hore ka galay buuga iskoorada koobka aduunka lagu qoro weliba iskoorkii Ronald ayuu bar bareeyay haatana labadan ruug cadaa waxay wadaagaan inay koobka aduunka mid 15-gool ka dhaliyeen waana labada xidig ee taariikhda koobka aduunka ugu goolasha badan sidaa darteed labadan xidig ayaa lagu sameeyay isku bar bar dhigo xiiso badan sida ay ku gaareen min 15-gool fadlan hoos kaga bogo:

  Klose Ronado
Kulamada koobka aduunka 20 19
Daqiiqada ay cayaareen 101 108
Laadadka ama Shoot-ka 51 67
Kubadaha ay dhiibeen 3 4
Goolasha ay dhaliyeen 15 15

F.G: labadan xidig waxay wadaagaan in iskoorka 15-gool ay gareen mid walbo goolkiisii 15-aad inuu ka dhaliyay xulka Ghana, Ronaldo sanadii 2006 ayuu Ghana ka dhaliyay halka Klose uu isagana Ghana ka dhaliyay!!

Geeska Kale hoos kaga bogo Xidigaha ugu goolasha badan taariikhda koobka aduunka:

Cayaaryahan Goolasha Kulamada Tartamada uu ka qayb qaatay
Ronaldo (Ronaldo) 15 19 1998, 2002, 2006
Klose (Germany) 15 20 2002, 2006, 2010, 2014
Gerd Muller (Germany) 14 13 1970, 1974
Just Fontaine (France) 13 6 1958
Pele (Brazil) 12 14 958, 1962, 1966, 1970


Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [Isku Bar Bar Dhig Lagu Sameeyay Sida Ay Klose Iyo Ronaldo Min 15-Gool Koobka Aduunka Kaga Dhaliyeen ], All Right Reserved. 2014.
]]>
http://hiilkubad.com/isku-bar-bar-dhig-lagu-sameeyay-sida-ay-klose-iyo-ronaldo-min-15-gool-koobka-aduunka-kaga-dhaliyeen/feed/ 0
Bayern Munich Oo Kusoo Biirtay Loolanka Loogu Jiro Saxiixa Daafaca Roma Mehdi Benatia http://hiilkubad.com/bayern-munich-oo-kusoo-biirtay-loolanka-loogu-jiro-saxiixa-daafaca-roma-mehdi-benatia/ http://hiilkubad.com/bayern-munich-oo-kusoo-biirtay-loolanka-loogu-jiro-saxiixa-daafaca-roma-mehdi-benatia/#comments Sun, 22 Jun 2014 13:14:36 +0000 http://hiilkubad.com/?p=26440
Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [Bayern Munich Oo Kusoo Biirtay Loolanka Loogu Jiro Saxiixa Daafaca Roma Mehdi Benatia], All Right Reserved. 2014.
]]>
Mehdi-Benatia

Mehdi Benatia oo xili cayaareedkii dhawaan soo idlaaday loo aqoonsaday daafaca ugu wanaagsan Serie A-da una suura galiyay inay Roma kaalinta labaad ka gasho horyaalkan ayaa haatan kusii jeedo Bundesligaha Jarmalka kadib markii dalab wanaagsan uu ka helay kooxda Bayern Munich, daafacan tayada wanaagsan bilihii ugu dambeeyay waxaa saxiixiisa isku heesteen kooxaha Chelsea, Man United, Man City iyo Barcelona balse kooxdiisa Roma ayaa ka madax adeegeesay inay iska fasaxdo xidigan kasoo jeedo Waqooyiga Afrika balse haatan Roma dalabka Bayern ma diidi karto madaama ay xidigan ku dooneyso £26.3m.

Macalin Pep Guardiola ayaa taageero weyn u ah Mehdi Benatia wuxuuna doonayaa inuu xili cayaareedka dambe 2014/15 lasoo shirtago madaama uu ka dharagsan yahay in kooxdiisa Bayern ay dhanka daafaca ka liidato sidoo kalena ay guuldaro 5-0 isku darkii goolasha kala kulmeen naadiga Real Madrid semifinaalihii koobka horyaalada Yurub sidaa darteed Pep ayaa maamulka Bayern ka codsaday in Mehdi loo keeno si dhibaatada kooxdiisa ka heesato dhanka daafaco loo xaliyo balse Bayern waxay loolan culus kala kulmi doontaa naadiga Chelsea oo iyadana dooneyso in daafacan xulka Morocco ka tirsan uu booska David Luiz u buuxiyo waxayna Chelsea heesataa lacago badan oo ay iibska Luiz ka heshay sidaa darteed waxaa la sadaalinaa in qiimaha Mehdi uu sare usii kici doono lagana yaabo ilaa £35m inuu gaaro!



Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [Bayern Munich Oo Kusoo Biirtay Loolanka Loogu Jiro Saxiixa Daafaca Roma Mehdi Benatia], All Right Reserved. 2014.
]]>
http://hiilkubad.com/bayern-munich-oo-kusoo-biirtay-loolanka-loogu-jiro-saxiixa-daafaca-roma-mehdi-benatia/feed/ 0
Mario Mandzukic Oo Ku Xumeeyay Kooxda Arsenal: “Bundesliga Ayaan Sii Joogayaa” http://hiilkubad.com/mario-mandzukic-oo-ku-xumeeyay-kooxda-arsenal-bundesliga-ayaan-sii-jogayaa/ http://hiilkubad.com/mario-mandzukic-oo-ku-xumeeyay-kooxda-arsenal-bundesliga-ayaan-sii-jogayaa/#comments Sat, 21 Jun 2014 11:03:41 +0000 http://hiilkubad.com/?p=26343
Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [Mario Mandzukic Oo Ku Xumeeyay Kooxda Arsenal: "Bundesliga Ayaan Sii Joogayaa"], All Right Reserved. 2014.
]]>
Mandzukic

Warar hoose oo ka imaanaya gudaha Jarmalka ayaa tibaaxaya in xidigii bartilmaameedka weyn u ahaa Arsenal Mario Mandzukic uu doorbidayo inuu sii joogo horyaalka Bundesliga isagoo quuldareynaya inuu ku biro kooxda Wolfsburg.

Sida la rumeysan Mario Mandzukic ayaa ka tagi doona kooxda Bayern Munich oo uu haatan ku sugan yahay kadib markii kooxda ay lasoo saxiixatay weeraryahankii hore kooxda Borrusia Dortmund Roberto Lewandowski.

Mario Mandzukic ayaa lala xiririnayay kooxo badna oo ka dhisan horyaalka Ingiirka oo ay ugu horeyso kooxda Gunner oo baahi u qabtay xiligaan.

Si Kastaba Mandzukic ayaa la filayaa inuu Wolfsburg kula biiro saaxiibkiisii hore Bayern Munich Luis Gustavo oo xili ciyaareed ka hor ku biiray kooxdaan reer Jarmal.

Waa dharbaaxo suuqa kala iibsiga oo ku dhacday kooxda Arsenal madama xidigii ay dooneysay uu qeexay inuu doonayo kusii nagaashaha Bundesliga.



Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [Mario Mandzukic Oo Ku Xumeeyay Kooxda Arsenal: "Bundesliga Ayaan Sii Joogayaa"], All Right Reserved. 2014.
]]>
http://hiilkubad.com/mario-mandzukic-oo-ku-xumeeyay-kooxda-arsenal-bundesliga-ayaan-sii-jogayaa/feed/ 0
Bollywood-ka Iyo Xiisaha Ay U Qabaan Tartanka Koobka Aduunka Ee Dalka Brazil Ka Socdo http://hiilkubad.com/bollywood-ka-iyo-xiisaha-ay-qabaan-tartanka-koobka-aduunka-ee-dalka-brazil-ka-socdo/ http://hiilkubad.com/bollywood-ka-iyo-xiisaha-ay-qabaan-tartanka-koobka-aduunka-ee-dalka-brazil-ka-socdo/#comments Sat, 21 Jun 2014 09:01:45 +0000 http://hiilkubad.com/?p=26310
Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [Bollywood-ka Iyo Xiisaha Ay U Qabaan Tartanka Koobka Aduunka Ee Dalka Brazil Ka Socdo], All Right Reserved. 2014.
]]>
Bollywood Stars and World Cup

Qaar ka  mid ah jilaayaasha Bollwood-ka ugu caansan ayaa qarsan waayeen xiisaha ay u qaban tartanka koobka aduunka ee haatan dalka Brazil ka socdo, inkastoo qaarkood ay dalka Brazil ku sugan yihiin si ay tartankan u daawadaan hadana intooda badan waxay sheegeen inay magaalada Mumbai kala socon doonaan tartankan xiisaha badan, hadaba waxaan idiin heynaa jilaayaasha Facebook iyo Twitter-ka kusoo bandhigeen xulalka ay taageeri doonaan inta uu tartankan socdo:

SRK Football

Super Star SRK: wuxuu sheegay inuu dhamaan kulamada koobka aduunka daawan doono balse ma sheegin xulka uu taageersan yahay tolow yaad u maleyn doontaa?

Arshad-Warsi

Arshad Warsi: jilaagan wuxuu sheegay inuu taageersan yahay xulka Holland sidoo kalena uu macalin Luis Van Gaal si gaar ah u jecel yahay.

Bipasha

Bipasha Basu: atirishadan Bollywood-ka caanka ka ah ayaa sheegtay inay taageersan tahay xulka Argentina.

Tiger

Tiger Shroff: Wiilka uu dhalay Jackie Shroff isagana wuxuu sheegay inuu taageersan yahay Argentina koobka la jecel yahay sidoo kalena shaqsi ahaaan uu taageero Lionel Messi.

Aditya-Roy-Kapoor

Aditya Roy Kapur: Jilaagan dhalinta yar wuxuu taageersan yahay xulka Jarmalka.

Prachi-Desai

Prachi Desai: atirishadan waxay sheegtay inay koobka la rabto xulalka Argentina ama Brazil midkood.

Kabir

Kabir Bedi: ruug cadaagan wuxuu sheegay asal ahaan dalka uu kasoo jeedo inuu taageersan yahay waana reer Talyaani ayuu la jiraa.

Ram Kapoor: jilaagan wuxu taageersan yahay xulka Brazil.

John at world cup

John Abraham: isaga waa qabiir kubada cagta ka falanqeeyo wuxuuna haatan ku sugan yahay dalka Brazil weliba sawirka waxaad kaga dheehan kartaa asigoo la joogo xidigo caana ah sida Peter Crouch iyo Mikel Silvestre wuxuuna sheegay inuu koobka la doonayo xulalka Argentina iyo Brazil midkood.

Sidarth

Sidharth Malhotra: Jilaagan dhalinta yar waxaa la sheegay inuu dalka Brazil u duulay wuxuuna taageersan yahay xulka Brazil.

rohansippy

Rohan Sippy: film sameeyahan wuxuu sheegay inuu xulka England taageersan yahay balse nasiib daro xulkiisa waa hareen!!

Esha Gopta

Esha Gupta: Atirishadan waxay sheegtay inay xulka Brazil taageersan tahay.



Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [Bollywood-ka Iyo Xiisaha Ay U Qabaan Tartanka Koobka Aduunka Ee Dalka Brazil Ka Socdo], All Right Reserved. 2014.
]]>
http://hiilkubad.com/bollywood-ka-iyo-xiisaha-ay-qabaan-tartanka-koobka-aduunka-ee-dalka-brazil-ka-socdo/feed/ 0
Toni Kroos Iyo Noloshiisa Gaarka Ah Maxaa Kala Socotaa (+Sawiro) http://hiilkubad.com/toni-kroos-iyo-noloshiisa-gaarka-ah-maxaa-kala-socotaa-sawiro/ http://hiilkubad.com/toni-kroos-iyo-noloshiisa-gaarka-ah-maxaa-kala-socotaa-sawiro/#comments Wed, 18 Jun 2014 15:53:43 +0000 http://hiilkubad.com/?p=25789
Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [Toni Kroos Iyo Noloshiisa Gaarka Ah Maxaa Kala Socotaa (+Sawiro)], All Right Reserved. 2014.
]]>
Toni Kroos

24-jirka khadka dhexe kaga cayaaro xulka Jarmalka iyo kooxda Bayern Munich Toni Kroos waxaa lagu tilmaamaa xidiga ugu kubad heesashada badan qaarada Yurub sidoo kalena heerkiisii ugu wanaagsanaa ayuu haatan ku jiraa waxaana ku raad joogaan kooxaha Yurub ugu caansan, Toni Kroos miisaan culus ayuu ku leeyahay Bayern iyo xulka Jarmalka balse maanta waxaan si gaar ah waxaan uga hadli doonaa noloshiisa gaarka ah sidaa darteed macluumaadka xidigan ku saabsan fadlan hoos kaga bogo:

Jessica Farber waa gabadha ay saaxiibaha yihiin Toni Kroos labadan lamaane inta badan makala haraan gaar ahaan Kroos xiliyada uu fasaxa ku jiro wuxuu jecel yahay inay goob walbo marka uu joogo ay ku wehliso jaceelkiisa Jessica Farber, waxaa kaloo xusid mudan in Jessica iyo Kroos ay marwalbo goobaha ay bulshada ku kulmaan sida Facebook iyo Twitter-ka ay soo galiyaan sawiro muujiyaano sida ay isugu dhow yihiin.

Kadib markii ay sanado badan saaxiibo ahaayeen waxay go’aansadeen inay nolosha isla qeebsadaan waxaana sanadkii hore labadan lamaane noloshooda kusoo kordhay ubud waxayna haatan aabo iyo hooyo u yihiin wiilka yar ee lagu magacaabo Leon wuxuuna dhashay 14-kii August ee sanadkii hore.

Jessica Farber waa gabar barato dalxiiska iyo soo dhaweynta dadka martida ku ah dalka Jarmalka waxayna marwalbo ku dadaashaa inay waxbarasheeda heer ka gaarto sidoo kalena ay adkeeso xiriirka wanaagsan oo ay la leedahay saaxiibkeed Toni Kroos, dhawaan xidigan tayada wanaagsan wuxuu saxaafada u sheegay in xili cayaareedkii 2012/13 dhamaadkiisa dhaawacii halista ah ee soo gaaray uusan ka kabsan laheen hadii aysan Jessica Farber garabsiin laheen!

Toni Kroos haatan wuxuu ku sugan yahay dalka Brazil sidoo kalena xulkiisa Jarmalka kulankii ugu horeeyay oo ay Portugal la cayaareen 4-0 ayay kaga badiyeen sidoo kalena saaxiibtiis Jessica Farber iyadana dalka Brazil ayay dalxiis u joogtaa waxayna diyaar u tahay inay seygeeda taageerto kuna garab istaagto sidii uu xulkiisa Jarmalka tartankan kula guuleesan lahaa.

Ugu dambeyntii qoyskan waxay qaadan doonaan go’aan noloshooda u muhiim ah biloowinka nagu soo fool leh madaama Kroos uu doonayo inuu Bayern Munich isaga tago waxaana dalabyo kala duwan usoo direen kooxo badan sida Real Madrid, Chelsea iyo Man United sidaa darteed go’aanka uu Kroos qaadan doono wuxuu ku qasbanaan doonaa inuu kala tashto xaaskiisa Jessica Farber iyo sidoo kalena inuu eego waxa u dan ah qoyskiisa!



Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [Toni Kroos Iyo Noloshiisa Gaarka Ah Maxaa Kala Socotaa (+Sawiro)], All Right Reserved. 2014.
]]>
http://hiilkubad.com/toni-kroos-iyo-noloshiisa-gaarka-ah-maxaa-kala-socotaa-sawiro/feed/ 3