Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha » Horyaalada http://hiilkubad.com Fri, 04 Jul 2014 06:30:57 +0000 en-US hourly 1 http://wordpress.org/?v=3.9.1 Silvio Berlusconi “Waa Yaab Waa Kuma Kooxda Diyaarka U Ah Inay Balotelli Naga Iibsato!!” http://hiilkubad.com/silvio-berlusconi-waa-yaab-waa-kuma-kooxda-diyaarka-ah-inay-balotelli-naga-iibsato/ http://hiilkubad.com/silvio-berlusconi-waa-yaab-waa-kuma-kooxda-diyaarka-ah-inay-balotelli-naga-iibsato/#comments Fri, 04 Jul 2014 06:17:48 +0000 http://hiilkubad.com/?p=28164
Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [Silvio Berlusconi "Waa Yaab Waa Kuma Kooxda Diyaarka U Ah Inay Balotelli Naga Iibsato!!"], All Right Reserved. 2014.
]]>
berlusconi-media490ai_11

Milkiilaha kooxda AC Milan Silvio Berlusconi ayaa sheegay inuu ka cabsi qabo in haatan uu waayo koox ka iibsato Mario Baloteli kadib markii uu xidigan ku fashilmay inuu qaab cayaareed wanaagsan kasoo bandhigo koobka aduunka, wuxuuna Berlusconi sheegay ka hor inta uusan koobka aduunka bilaabay in kooxdiisa Milan ay dalabyo wanaagsan kasoo gaareen kooxaha Premiership-ka sidoo kalena ay qarka u saarnaayeen inay Super Mario lacag fiican ku helaan balse masuulkan ayaa hada qirtay in wax walbo ay isbadaleen wuxuuna yiri “inkastoo xulka Italy koobka aduunka ka hareen anigana qasaaro xoogan ayaa isoo gaartay waayo ma jirto koox haatan naga iibsaneyso Balotelli kadib markii uu koobka aduunka ku fashilmay!

Silvio Berlusconi oo hadalkiisa sii wato wuxuu yiri “ka hor inta uusan koobka aduunka bilaabanin kooxo badan oo England ka dhisan ayaa dalabyo aad u wanaagsna nasoo garsiiyeen balse nasiib daro fool xumadii uu Mario kasoo bandhigay koobka aduunka ayaa sababtay in haatan koox naga iibsato aan weyn sidaa darteed waxaan a casbi qabaa inuu baaqi nagu sii ahaado marba hadii aysan jirin koox diyaar u ah inay naga iibsato!”



Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [Silvio Berlusconi "Waa Yaab Waa Kuma Kooxda Diyaarka U Ah Inay Balotelli Naga Iibsato!!"], All Right Reserved. 2014.
]]>
http://hiilkubad.com/silvio-berlusconi-waa-yaab-waa-kuma-kooxda-diyaarka-ah-inay-balotelli-naga-iibsato/feed/ 0
Rasmi: Man United Oo Miiska U Saartay €40m Dhigeeda Fiorentina Si Ay Kaga Hesho Xidiga Reer Colombia http://hiilkubad.com/rasmi-man-united-oo-miiska-saartay-e40m-dhigeeda-fiorentina-si-ay-kaga-hesho-xidiga-reer-colombia/ http://hiilkubad.com/rasmi-man-united-oo-miiska-saartay-e40m-dhigeeda-fiorentina-si-ay-kaga-hesho-xidiga-reer-colombia/#comments Fri, 04 Jul 2014 06:13:32 +0000 http://hiilkubad.com/?p=28159
Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [Rasmi: Man United Oo Miiska U Saartay €40m Dhigeeda Fiorentina Si Ay Kaga Hesho Xidiga Reer Colombia], All Right Reserved. 2014.
]]>
Juan-Cuadrado-Colombia

Kooxda Man United ayaa u muuqatoinay ku guuleesan rabto loolanka loogu jiro laacibka xulka Colombia madaama ay miiska u saartay dhigeeda Fiorentina €40m, waxayna United saxiixa Juan Cuadrado kaga guuleesan rabtaa kooxaha Barcelona, Bayern Munich iyo Man City oo xidigan tayada wanaags ku raad joogeen, wararka ka imaanayo dalka Italy ayaa sheegayo in United ay wada xaajood rasmi ah la furtay maamulka kooxda Violla waxaana la filan in kooxda reer Talyaani ay aqbasho dalabkan aadka u sareeyo.

26-jirkan laga daba dhacay waxay kooxdiisa Fiorentina dhawaan sheegtay  €50m kaga samri karto balsea saxaafada dalka Talyaaniga ayaa sadaalineyso in dalabka Man United ay Violla aqbali doonto madaama lacagtii ugu badneed Man United u gaartay, macalin Luis Van Gaal ayaa taageero weyn u ah Cuadrado wuxuuna aaminsan yahay inuu xalin karo dhibaatada Man United ka heesato dhanka garbaha madaama xidigaha kala ah Nani, Ashley Young iyo Luis Antonio Valencia ay dhamaantood xili cayaareedkii dhamaaday ku fashilmeen inay United sameeyn ku yeeshaan.



Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [Rasmi: Man United Oo Miiska U Saartay €40m Dhigeeda Fiorentina Si Ay Kaga Hesho Xidiga Reer Colombia], All Right Reserved. 2014.
]]>
http://hiilkubad.com/rasmi-man-united-oo-miiska-saartay-e40m-dhigeeda-fiorentina-si-ay-kaga-hesho-xidiga-reer-colombia/feed/ 0
Barcelona Oo Dhameystiraysa Saxiixa Luis Suarez 48 Saac Ee Soo Socota Iyo Fifa Oo Oglaatay Inuu Caafimad U Maro http://hiilkubad.com/barcelona-oo-dhameystiraysa-saxiixa-luis-suarez-48-saac-ee-soo-socota-iyo-fifa-oo-oglaatay-inuu-caafimad-maro/ http://hiilkubad.com/barcelona-oo-dhameystiraysa-saxiixa-luis-suarez-48-saac-ee-soo-socota-iyo-fifa-oo-oglaatay-inuu-caafimad-maro/#comments Fri, 04 Jul 2014 06:09:15 +0000 http://hiilkubad.com/?p=28158
Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [Barcelona Oo Dhameystiraysa Saxiixa Luis Suarez 48 Saac Ee Soo Socota Iyo Fifa Oo Oglaatay Inuu Caafimad U Maro], All Right Reserved. 2014.
]]>
On the move: Barcelona hope to wrap up a deal for Luis Suarez from Liverpool this week

Kooxda Reer Spain ee Barcelona ayaa rajo fiican ka qabto in ay dhameystriaan lasoo saxiixitaanka xidig kooxda Liverpool ee ganaaxa adag la dul dhigay Luiz Suarez 48 saac ee soo socota iyadoo labada naadi ay isku af garteen in Barcelona ay bixiso qiimaha lagu jabin karo heshiiska ciyaaryahanka uu kula jiro kooxda Reds oo ah £80million.

Gudiga anshaxa ee xiriirka kubadda cagta adduunka ee (FIFA) ayaa ogalaadey in Suarez uu caafimaadka u mari karo naadigii uu doono in uu ku biiro taas oo aa wax u dhibeyn ganaaxa 4 bilood ee garka loo galiyey taas oo soo dedejineysa in naadiga ka dhisan Catalonya uu soo gabo gabeeyo heshiiska laacibkan 48 saac ee inagu soo fooda leh.

Kooxda Blaugrana ayaa waxa ay dadaal ugu jirtaa in ay kooxda ku soo biirayaan dhiig cusub iyadoo kooxdu ay ku fashilantey xilli ciyaareedkii dhamaadey in ay ku guuleystaan wax koob ah taas oo madaxda kooxda ka dhigtey in gacanta geliyaan jeebkooda si ay u dejiyaan jamaahiirta naadiga oo aan ku qancin qaab ciyaareedkii kooxda xilli ciyaareedkii tagey.

Suarez ayaa waxa uu noqon doonaa hadii uu dhameystiro u wareegidiisa naadiga Barcelona saxiixooda labaad kadib markii ay horey ula wareegeen laacibka khadka dhexe ee xulka Croatia Ivan Rakitic iyadoo ciyaaryahan Suarez uu daneynayo in uu xirto maaliyada ay caanka ku tahay kooxda Barcelona.



Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [Barcelona Oo Dhameystiraysa Saxiixa Luis Suarez 48 Saac Ee Soo Socota Iyo Fifa Oo Oglaatay Inuu Caafimad U Maro], All Right Reserved. 2014.
]]>
http://hiilkubad.com/barcelona-oo-dhameystiraysa-saxiixa-luis-suarez-48-saac-ee-soo-socota-iyo-fifa-oo-oglaatay-inuu-caafimad-maro/feed/ 0
Fashil: Real Madrid Oo Si Cad Looga Sheegay Inaysan Iib Aheyn Radamel Falcao Iyo James Rodriguez http://hiilkubad.com/fashil-real-madrid-oo-si-cad-looga-sheegay-inaysan-iib-aheyn-radamel-falcao-iyo-james-rodriguez/ http://hiilkubad.com/fashil-real-madrid-oo-si-cad-looga-sheegay-inaysan-iib-aheyn-radamel-falcao-iyo-james-rodriguez/#comments Fri, 04 Jul 2014 06:04:21 +0000 http://hiilkubad.com/?p=28154
Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [Fashil: Real Madrid Oo Si Cad Looga Sheegay Inaysan Iib Aheyn Radamel Falcao Iyo James Rodriguez], All Right Reserved. 2014.
]]>
article-2679882-1F47C1E000000578-127_638x457

maalmihii dambe wargeysyada kasoo baxa dalka Spain ayaa bilaabay inay iska qoraan warar aan la hubin ayagoo horey u qoray in Kroos uu biiray Real Madrid isla markaas uu saxiixay shan sano oo heshiis taasoo markii dambe uu beeniyey Kroos kadib shir jaraa;id oo uu qabtay.

sidoo kale wargeysyada Spain ayaa qoray In Xidigga kooxda Monoca Radamel Falcao uu ku biiray Kooxda Heysata Champions League Real Madrid loona xiri doono Nambar 9, dhanka kalana waxay qoreen in Real ay qarka u saaran tahay inay heshiis la gaarto laacibka haya gool dhalinta Koobka Adduunka ee James Rodrioguez.

Braced for action: Falcao wore a knee brace in Monaco's first pre-season training session last week

Haddaba waxaa arrintaas wax kama jiran ku tilmaamtay kooxda leh milkiyada labadaan Xidig ee Monoco waxayna si cad u sheegtay inaysan iibin doono labadaan xidig oo ay ku sheegtay inay muhiim u yihiin kooxda.

Revelation: James Rodriguez has been brilliant at the World Cup and Monaco will want to keep hold of him

Madaxweynaha Kooxda Monoca Vadim Vasilyev oo shir jaraa’id qabtay ayaa saxaafadda u sheegay in Falcoa iyo Rodrioguez aysan jirin wax koox ah ay oo ay wadahadal kula galeen iibkooda.

” Ilaa Hadda Ma jirto wax go’aan ah oo ku aadan labadasn xidig, mana jiraan hal koox oo aan wadahadal kula jirno si ay nooga qaataan xidigaheena muhiimk ah” ayuu yiri.

” Falcoa wuxuu muujiyey karti iyo Cayaar Wanaag sanadkii uu nala joogay ee 2014-2015 waxaana rajeeneynaa inuu kooxda ku qanacsan yahay inuu la sii joogo”

Vidoa: Shirkii Jaraa’id ee uu qabtay madaxweynaha mono



Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [Fashil: Real Madrid Oo Si Cad Looga Sheegay Inaysan Iib Aheyn Radamel Falcao Iyo James Rodriguez], All Right Reserved. 2014.
]]>
http://hiilkubad.com/fashil-real-madrid-oo-si-cad-looga-sheegay-inaysan-iib-aheyn-radamel-falcao-iyo-james-rodriguez/feed/ 0
Falanqeynta Kulanka Dhimashada: France Vs Germany Wareega 8-aad Ee Koobka Aduunka http://hiilkubad.com/falanqeynta-kulanka-dhimashada-france-germany-wareega-8-aad-ee-koobka-aduunka/ http://hiilkubad.com/falanqeynta-kulanka-dhimashada-france-germany-wareega-8-aad-ee-koobka-aduunka/#comments Fri, 04 Jul 2014 05:40:54 +0000 http://hiilkubad.com/?p=28076
Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [Falanqeynta Kulanka Dhimashada: France Vs Germany Wareega 8-aad Ee Koobka Aduunka], All Right Reserved. 2014.
]]>
France-vs-Germany-2014-World-Cup-Quarterfinals

Kulanka: 2014 FIFA World Cup, Quarter Final

Taariikhda/Saacada: July 4, 2014 • 7:00 PM Geeska Afrika

Garoonka: Estadio Jornalista Mário Filho (Maracanã), Rio de Janeiro

Garsooraha kulankan: Nestor Pitana waa 41-jir u dhashay dalka Argentina

Waxaa la hubaa in xul reer Yurub ah uu Semi-finalaha koobka aduunka u gubdi doono balse kulanka caawo dhex mari doono xulalka France Vs Germany waa mid miisaan culus leh waayo labadan xul taariikh ahaan xifaaltan soo jireen ah ayaa ka dhaxeeyo sidaa darteed cayaartan xamaasad ahaan mid aad u sareyso ayay noqon doontaa, inkastoo xulalka reer Yurub koobka aduunka 2014 uu ku noqday mid mixdan ah madaama fashil iyo cimilada oo kulul aawgeed ayay xulal badan koobka isaga hareen hadana France iyo Germany waxay doonayaan inay noqdaan xulkii ugu horeeyay ee reer Yurub ah kaasi oo qaarada Koonfur Ameerika ku qaado koobka aduunka!

Germany vs France Live Streaming

Marwalbo France Vs Germany markii ay iska hor imaadaan waxaa lasoo xasuustaa dhacdadii foosha xumeed waayo 1982 koobkii aduunka ee lagu qabtay dalka Spain waxaa Semi-finalaha tartankan isku soo beegmeen Franceiyo Germany kulankan 3-3 ayuu kusoo idlaaday kadib markii 30-daqiiqo oo dheeri ah lagu daray laakiin goolhayihii xulka Jarmalka Harold Schumacher ayaa si ula kac ah haraanti ugu dhuftay laacibkii hore ee xul France Patrick Battiston wuxuuna falkan sababat in Battiston uu miir daboolo garoonkana laga qaado weliba 2-ilkoob ayaa ka dhaceen  sidoo kalena 3-ka mid ah lafaha feerihiisa ayaa jabeen waxaa intaas usii dheer in lafta dhabarka uu tarar kasoo gaaray!

Fadlan Daawo Video-ka Muujinaayo Falkii Waalida Ahaa Ee Uu Schumacher Kula kacay Battiston:

Aqbaar Ku Saabsan Xidigaha Labadan Xul:

Tababaraha xulka Jarmalka Joachim Low waxaa saaran cadaadis xoogan madaama xidigahiisa aysan cayaar wanaagsan soo bandhigin kulankii Algeria la cayaareen wareegii 16-aad sidaa darteed saxaafada dalka Jarmalka ayaa soo jeediyeen in Mesut Ozil iyo Mario Gotze kulanka France la fariisiyo madaama aysan kubad wanaagsan soo bandhigin kulankii ugu dambeeyay waxaana la filaa in cayaartan lagu soo bilaabo Andea Schurrle. aqbaarta wanaagsan ee uu macalin Low niyada ku dhisanaayo ayaa ah in daafaciisa tayada wanaagsan Matts Hummels uu kulan diyaar u yahay kadib markii uu hargabkii haayay kasoo kabtay sidoo kale Lukas Podolski ayaa isna dhaawacii dhanka muruqa kasoo kabtay.

France vs. Germany Betting Odds, World Cup Prediction and Match Preview

Dhanka xulka France macalin Didier Deschamps isaga wax cadaadis ah ma saarno madaama uu ku guuleestay inuu dhiso xul awood badan waxaana dib ugu soo laaban doono kooxdiisa Mamadou Sakho oo dhaawacii muruqa kasoo kabtay balse lama hubo in lagu soo bilaabi doono madaama Laurent Koscielny uu cayaar wanaagsan soo bandhigay kulankii Algeria.

Dhacdo La Xariirto kulankan xiisaha badan:

  • Xulka Jarmalka waxay caawo cayaari doonaan markii 9-aad oo xariir ah wareega 8-aad ee koobka aduunka kulan ah!
  • Xulka France 10-kulan oo ay ku cayaareen ciida dalka Brazil kaliya hal kulan ayaa laga badiyay waxay guuleesteen 6-kulan sidoo kalena 3-kulan bar bar dhac ayay gudaha Brazil ku galeen taariikh ahaan!
  • Xulka Jarmalka waxay soo gaareen semi-finalaha koobka aduunka 3-tartan ee ugu dambeesay sida darteed hadii ay caawo semi-finalaha u gubdaan waxay dhigi doonaan iskoor cusub waayo taariikhda ma jiro xul 4-tartan oo xariir ah nu dhumaadka koobka aduunka soo gaaray.
  • 5-koob aduun ee xulka France kasoo gudbneen wareega 1-aad waxay ugu yaraan gaarayeen semi-finalaha tartankan (1958, 1982, 1986, 1998 iyo 2006).
  • Thomas Müller wuxuu xulka Jarmalka u dhaliyay tartankan 4-gool sidoo kalena 2-gool ayuu dhiibay taasi ayaa ka dhigan 66.7% goolasha ay Jarmalka dhaliyee tartankan inuu Muller ku lug lahaa.
  • Karim Benzema wuxuu sameeyay inta uu tartankan socday 12-kubadood goosha ku laaday waana laacibka xulka France ugu fursad helista badan.
  • André Schürrle 5-kulan ee ugu dambeesay ee uu xulkiisa Jarmalka u cayaaray wuxuu dhaliyay 5-gool!
  • Dhamaan 10-gool oo ay xulka France tartankan dhaliyeen waxaa la yaab ah inay dhamaantooda xariiqda 18-aad gudaheeda ku dhaliyeen ma jiro gool ay banaanka kasoo laadeen!
  • Xulka Jarmalka 15-kulan ee ugu dambeesay kulamada heerka caalami ah lagama badinin waxana guuleesteen 10-ka mid ah halka 5-kulana ay bar bar dhac galeen.

Taariikh Ahaan Kulamadii Ay Labadan Xul Horey U Wada Cayaareen:

Kulankii ugu dambeeyay oo ay labadan xul wada cayaareen wuxuu ahaa mid saaxiibtinimo wuxuuna ka dhacay magaalada Paris 6-Febraayo 2013 waxaana 2-1 ku badiyeen xulka Jarmalka  waxaa goolka ku hormareen xulka France oo uu u dhaliyay Mathieu Valbuena balse Jarmalka guusha waxaa gacanta u galiyeen xidigaha kala ah Thomas Muller iyo Sami Khedira.

Taariikh ahaan labadan xul way wada cayaareen 25-kulan oo isugu jiraan cayaar saaxiibtinimo iyo kulamo heer caalami ah waxayna kulankoodii ugu horeeyay wada cayaareen 1931, xulka France ayaa guul badan waxayna guuleesteen 11-kulan halka Germany ay iyaga badiyeen 8-kulan sidoo kalena 6-kulan bar bar dhac ayay ku kala baxeen, France 41-gool ayay Jarmalka ka dhaliyeen halka Jarmalka ay iyagana 42-gool dhaliyeen.

Marka laga hadlaayo koobka aduunka waxay labadan xul ku kulmeen 3-jeer ,xulka Jarmalka labo ka mid ah ayay guuleesteen halka France ay hal kulan dhankooda badiyeen:

1958 kaalinta 3-aad koobka aduunka: France 6-3 Germany

1982 semi finalaha koobka aduunka: Germany 3-3 France waxaa 8-7 rigoorayaal ku badiyeen Jarmalk

1986 semi finalaha koobka aduunka Germany 2-0 France.

Line Up-ka macquulka ay oo ay labadan xul caawo kusoo gali doonaan:

France: Lloris, Evra, Sakho, Varane, Debuchy, Matuidi, Cabaye, Pogba, Valbuena, Griezmann, Benzema

Germany: Neuer, Howedes, Mertesacker, Hummels, Boateng, Lahm, Kroos, Schweinesteiger, Ozil, Muller, Schurrle.



Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [Falanqeynta Kulanka Dhimashada: France Vs Germany Wareega 8-aad Ee Koobka Aduunka], All Right Reserved. 2014.
]]>
http://hiilkubad.com/falanqeynta-kulanka-dhimashada-france-germany-wareega-8-aad-ee-koobka-aduunka/feed/ 0
Sawiro: Maaliyadda Cusub Ee Kooxda Manchester United Oo Lasoo Bandhigay http://hiilkubad.com/sawiro-maaliyadda-cusub-ee-kooxda-manchester-united-oo-lasoo-bandhigay/ http://hiilkubad.com/sawiro-maaliyadda-cusub-ee-kooxda-manchester-united-oo-lasoo-bandhigay/#comments Thu, 03 Jul 2014 20:47:38 +0000 http://hiilkubad.com/?p=28146
Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [Sawiro: Maaliyadda Cusub Ee Kooxda Manchester United Oo Lasoo Bandhigay], All Right Reserved. 2014.
]]>
 

kooxda Manchester United ayaa soo bandhigtay nashaqada cusub ee funaanada Home-ka ah, iyadoo iala markiiba lagu soo shaaciyey websideyada adduuna ugu caansa, haddaba daawasho wacan.

Fresh start: United have a new manager and now a new shirt too, with their new sponsors logo

Authentic: The new images claim to show the Reds new shirt, complete with close-up shots

 

 



Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [Sawiro: Maaliyadda Cusub Ee Kooxda Manchester United Oo Lasoo Bandhigay], All Right Reserved. 2014.
]]>
http://hiilkubad.com/sawiro-maaliyadda-cusub-ee-kooxda-manchester-united-oo-lasoo-bandhigay/feed/ 2
Kroos: Ma jiraan Wax Heshiis Ah Oo Aan ReaL La Gaaray http://hiilkubad.com/kroos-ma-jiraan-wax-heshiis-ah-oo-aan-real-la-gaaray/ http://hiilkubad.com/kroos-ma-jiraan-wax-heshiis-ah-oo-aan-real-la-gaaray/#comments Thu, 03 Jul 2014 20:35:42 +0000 http://hiilkubad.com/?p=28141
Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [Kroos: Ma jiraan Wax Heshiis Ah Oo Aan ReaL La Gaaray], All Right Reserved. 2014.
]]>
428298_heroa

Toni Kroos ayaa inkiray inuu heshiis la gaaray kooxda Spain ee Real Madrid, wuxuuna ku adkeystay inuusan weli mustaqbalkiisa wax go’aan ka gaareen ilaa uu koobka adduunka ka dhamaado.

Warar laga helay Spain ayaa sheegay in xidiga Bayern Munich qadka dhexe ugu cayaaro uu heshiis €25 million ugu wareegay kooxda heysata Champions League Real Madrid isla markaas uu u saxiixay heshiis Shan Sano ah.

Kroos ayaa heshiis uu kula jiro kooxda Bayern Munich waxaa uga dhiman hal sano, maruu ka hadlaayey ciyaarta dhex mari doonto habeen dambe Xulaka Germany iyo France ayuu sheegay inuusan wax go’aan ah ka gaarin mustaqbalkiisa.

Kroos ayaa yiri: ” Kuma Caawin Karo, wax sidaas u badan kaagma sheegi karo, kama hadli karo waxa ay qoreen wargeysyada”

” Dhowr jeer ayaan sheegay inaanan go’aan ka gaareen mustaqbalkeyga ilaa uu kasoo idlaanayo koobka adduunka”

” Isla markii uu dhamaado koobka adduunka, waxaan qaadan doonaa go’aan markaasna ayaan wax ku dhawaaqi doonaa, laakiin ma dhici doonto anigoo Brazil joogo inaan sameeyey saxiix”.

Hadalkaan ayaa imaanayo Xilli labadaan beri la hadal hayey inuu si rasmi ah ugu biiray kooxda Real Madrid isla markaas uu u saxiixay heshiis cusub.

 

 



Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [Kroos: Ma jiraan Wax Heshiis Ah Oo Aan ReaL La Gaaray], All Right Reserved. 2014.
]]>
http://hiilkubad.com/kroos-ma-jiraan-wax-heshiis-ah-oo-aan-real-la-gaaray/feed/ 0
Paul Pogba Iyo Hantida Uu Leeyahay Maxaa Kala Socotaa (+Sawiro) http://hiilkubad.com/paul-pogba-iyo-hantida-uu-leeyahay-maxaa-kala-socotaa-sawiro/ http://hiilkubad.com/paul-pogba-iyo-hantida-uu-leeyahay-maxaa-kala-socotaa-sawiro/#comments Thu, 03 Jul 2014 19:28:29 +0000 http://hiilkubad.com/?p=28132
Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [Paul Pogba Iyo Hantida Uu Leeyahay Maxaa Kala Socotaa (+Sawiro)], All Right Reserved. 2014.
]]>
 

Pogba

21-jirka khadka dhexe kaga cayaaro xulka France iyo naadiga Juventus Paul Pogba waxaa lagu tilmaamaa xidig kubada cagta mustaqbal wanaagsan ku leh waayo asigoo aad u dhalin yar ayuu caalamka isbaray haatana awooda uu kubada cagta ku leeyahay ma ahan mid la qarin karo sidoo kale Pogba ayaa wacdaro ka dhigaayo koobka aduunka wuxuuna xulkiisa France lasoo gaaray wareega 8-aad tartankan oo haatan si habsami ku dheehan uga socdo dalka Brazil, sidaa darteed waxaan idiin heynaa macluumaad u gaar ah Pogba fadlan hoos kaga bogo:

Pogba hantida uu heesto: $25.4 Million

Da’diisa: 21-sano

Goobta uu ku dhashay: Lagny-sur-Marne, France

Gulihii ugu weynaa ee uu Pogba Gaaray:

Juventus:

Serie A (2): 2012–13, 2013–14

Supercoppa Italiana (2): 2012, 2013

France U-20

FIFA U-20 World Cup (1): 2013

Bilada Shaqsi Ahaaneed Ee Uu Pogba Ku Guuleestay

FIFA U-20 World Cup Golden Ball (1): 2013

Golden Boy: 2013



Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [Paul Pogba Iyo Hantida Uu Leeyahay Maxaa Kala Socotaa (+Sawiro)], All Right Reserved. 2014.
]]>
http://hiilkubad.com/paul-pogba-iyo-hantida-uu-leeyahay-maxaa-kala-socotaa-sawiro/feed/ 0
 Carlos Puyol Oo Ku Booriyay Barcelona Inay Suarez Sida Ugu Dhaqsiyaha Badan Ula Soo Saxiixdaan http://hiilkubad.com/carlos-puyol-oo-ku-booriyay-barcelona-inay-suarez-sida-ugu-dhaqsiyaha-badan-ula-soo-saxiixdaan/ http://hiilkubad.com/carlos-puyol-oo-ku-booriyay-barcelona-inay-suarez-sida-ugu-dhaqsiyaha-badan-ula-soo-saxiixdaan/#comments Thu, 03 Jul 2014 19:14:13 +0000 http://hiilkubad.com/?p=28127
Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [ Carlos Puyol Oo Ku Booriyay Barcelona Inay Suarez Sida Ugu Dhaqsiyaha Badan Ula Soo Saxiixdaan], All Right Reserved. 2014.
]]>
Puyol

Halyee Carlos Puyol oo dhawaan kooxda Barcelona macsalaameeyay ayaa siweyn maamulka kooxdiisa ugu booriyay inay lasoo saxiixdaan Luis Suarez oo siweyn loo hadal haya inuu Barcelona usoo dhaqaaqi doono, kabtan Puyol oo mustaqbalkiisa cayaareed oo dhan u hibeeyay garoonka Camp Nou ayaa ka hadlay arinka Suarez wuxuuna yiri “Luis Suarez waa weeraryahan aad u wanaagsan horey ayaan ula cayaaray waana aqaan tayadiisa sidaa daarteed maamulkeena waxaan ku boorin lahaa inay sida ugu dhaqsiyaha badan xidigan Camp Nou u keenaan”

Carlos Puyol oo hadalkiisa sii wato wuxuu yiri “cayaaryahan walbo waxaa laga rabaa inuu dareenkiisa xakameeyo waayo caruurta na daawaneyso waxa aan garoonka kuso bandhigno ayay marwalbo sameeyaan sidaa darteed waxaan filaa in qaladkii Suarez ka dhacay uusan mar labaad u laaban doonin” Puyol oo 36-jir ah ayaa aaminsan in Suarez tayadiisa aysan hoos u dhici doonin sidoo kalena Barcelona aysan wax sharaf dhac ah kala kulmi doonin hadii ay Suarez lasoo saxiixato madaama xidigan dhawaan xiriirka kubada cagta ay mudo 4-bilood ah ka ganaaxeen inuu cayaaraha ku lug lahaado.



Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [ Carlos Puyol Oo Ku Booriyay Barcelona Inay Suarez Sida Ugu Dhaqsiyaha Badan Ula Soo Saxiixdaan], All Right Reserved. 2014.
]]>
http://hiilkubad.com/carlos-puyol-oo-ku-booriyay-barcelona-inay-suarez-sida-ugu-dhaqsiyaha-badan-ula-soo-saxiixdaan/feed/ 0
Angel Di Maria Oo Diiday Inuu Ka Hoos Cayaaro Mourinho Iyo Real Oo shaacisay Qiimiaha Ay Ku Fasixi Karto http://hiilkubad.com/angel-di-maria-oo-diiday-inuu-ka-hoos-cayaaro-mourinho-iyo-real-oo-shaacisay-qiimiaha-ay-ku-fasixi-karto/ http://hiilkubad.com/angel-di-maria-oo-diiday-inuu-ka-hoos-cayaaro-mourinho-iyo-real-oo-shaacisay-qiimiaha-ay-ku-fasixi-karto/#comments Thu, 03 Jul 2014 19:08:53 +0000 http://hiilkubad.com/?p=28122
Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [Angel Di Maria Oo Diiday Inuu Ka Hoos Cayaaro Mourinho Iyo Real Oo shaacisay Qiimiaha Ay Ku Fasixi Karto], All Right Reserved. 2014.
]]>
?????????????????????????????????????????????????????????????????

Angel Di Maria ayaa hadda qadarinaayo inuu u wareegsado horyaalka ingiriiska, wuxuuna diiday dalabkii kaga imaaday kooxda Chelsea oo uu macalinka u yahay Jose Mouinho sida ay qortay Daily Express.

Kooxda Chelsea ayaa kamid ah kooxo badan oo xiiseenayo xidigaan reer Argentina kuwaasoo ka kala dhisan horyaalada ugu caansan qaaradda Yurub iyadoo kooxda Real Madrid ay sheegtay inay ku fasixi karto 40 Malyan.

Macalinka kooxda Arsenal Wenger ayaa soo cusbooneysiiyey xiisihii uu u qabay Di Mari, iyadoo la xasuusto in wenger uu sanadkii hore ku fashilmay dalabyadii uu u diray Benzema iyo Di Mari.

Wararka ayaa sheegaya inay Arsenal diyaar u tahay inay ka dulqaado xidigaan kooxaha Chelsea iyo Manchester United, iyadoo Di Mari uu xiiseenayo kooxda Arsenal.

dhibka keenay in xidigaan uu diido dalabka Chelsea ayaa lagu micneeyey inuusan jecleyn ka hoos cayaaridda macalinka kaligii taliska ah ee Chelsea Mourinho, midkaas oo ay isku soo dagaaleen kooxda Chelsea intii uu macalinak u ahaa.

 



Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [Angel Di Maria Oo Diiday Inuu Ka Hoos Cayaaro Mourinho Iyo Real Oo shaacisay Qiimiaha Ay Ku Fasixi Karto], All Right Reserved. 2014.
]]>
http://hiilkubad.com/angel-di-maria-oo-diiday-inuu-ka-hoos-cayaaro-mourinho-iyo-real-oo-shaacisay-qiimiaha-ay-ku-fasixi-karto/feed/ 0