Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha » Premier League http://hiilkubad.com Wed, 25 Jun 2014 15:57:10 +0000 en-US hourly 1 http://wordpress.org/?v=3.9.1 Ander Herrera Oo Ka Dagay Ingiriiska Si Uu Ugu Biiro Kooxda Manchester United http://hiilkubad.com/ander-herrera-oo-ka-dagay-ingiriiska-si-uu-ugu-biiro-kooxda-manchester-united/ http://hiilkubad.com/ander-herrera-oo-ka-dagay-ingiriiska-si-uu-ugu-biiro-kooxda-manchester-united/#comments Wed, 25 Jun 2014 15:36:32 +0000 http://hiilkubad.com/?p=26989
Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [Ander Herrera Oo Ka Dagay Ingiriiska Si Uu Ugu Biiro Kooxda Manchester United ], All Right Reserved. 2014.
]]>
Ander Herrera

Kubad sameeyaha kooxda Atletico Bilboa Ander Herrera ayaa ka dagay magaalada Manchester si uu ugu biiro kooxda Old Trafford ku ciyaarta ee Manchester United.

Ander Herrera ayaa la kulmay halyeeyga Manchester United Sir Bobby Charlton kaas oo qeyb ka ah maamulka kooxda waxaana lagu qaabilay xerada tababarka ee kooxda Carrighton isagoo wehel uu u yahay wakiilkiisa.

Dhaqtarka kooxda United ayaa jooga halkaas balse sida la xaqiijiyay ma dhicin wax caafimaad ah, inkastoo wararka ka imaanaya England ay sheegayaan in xidigaan uu United ugu biirayo 35 Malyan Oo Euro, inkastoo lacagaha lagu jabinkaro heshiiskiisa lagu sheegay 40 Malyan Oo Euro.

Ander Herrera ayaa United soo caga dhigan doona July 1-deeda waa hadii uu si habsami leh kusoo dhamaado caafimaadka iyo is afgarashada labada kooxood.

Wakiilka xidigaan ayaa wax laga weydiiyay inuu faah-faahin ka bixiyo arinkaan, inkastoo uu ka gaabsaday wuxuuna kusoo koobay: “Wax walba wey socdaan aynu ka warsugno”

Ander Herrera ayaa u muuqanaya inuu noqdo saxiixii ugu horeeyay Louis Van Gaal ee Manchester United xili 24-jirkaan ay United ku fashilantay iney keento Old Trafford sanadii 2013.

Wuxuu macsalaameeyay saaxiibadiisii Spain sida warbixinta lagu sheegay, isagoo isbuucii United ka qaadan doona 180,000 Kun Oo Pound.



Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [Ander Herrera Oo Ka Dagay Ingiriiska Si Uu Ugu Biiro Kooxda Manchester United ], All Right Reserved. 2014.
]]>
http://hiilkubad.com/ander-herrera-oo-ka-dagay-ingiriiska-si-uu-ugu-biiro-kooxda-manchester-united/feed/ 0
Oscar Oo Ka Hadlay Wararka Suuqa Kala Iibsiga Ee La Xiriirinaya Paris Saint Germain http://hiilkubad.com/oscar-oo-ka-hadlay-wararka-suuqa-kala-iibsiga-ee-la-xiriirinaya-paris-saint-germain/ http://hiilkubad.com/oscar-oo-ka-hadlay-wararka-suuqa-kala-iibsiga-ee-la-xiriirinaya-paris-saint-germain/#comments Wed, 25 Jun 2014 14:08:37 +0000 http://hiilkubad.com/?p=26977
Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [Oscar Oo Ka Hadlay Wararka Suuqa Kala Iibsiga Ee La Xiriirinaya Paris Saint Germain], All Right Reserved. 2014.
]]>
Soccer - Barclays Premier League - Southampton v Chelsea - St Mary's

Kubad sameeyaha Chelsea ee khadka dhexe kaga ciyaara xulka Brazil ayaa beeniyay wararka la xiriirinaya kooxda reer France ee Paris Saint Germain isagoo doonaya inuu sii joogo Stamford Bridge xili ciyaareedka soo aadan.

22-jirkaan ayaa la hadlay jariirada L’Equipe ee kasoo baxda dalka Faransiiska: “Waan la xiriiray PSG, waa run balse ma jirto meel aan uga socdo halkaan, Chelsea ayaan joogi doonaa xiliga soo aadan”

Xidigaan reer Brazil ayaa ka mid ah lafdhabarta Kooxda Chelsea, inkasstoo dhamaadkii xili ciyaareedkii dhamaaday uu lumiyay booskiisa sababo la xiriira taatikada cusub ee Jose Mourinho uu xiligaas adeegsanayay.

Mourinho ayaa sameeyay isbadal, madama uu kooxda ka diray David Luiz oo ku biiray PSG halka kooxda uu yimid Cesc Fabregas.

Oscar ayaa u saftay Chelsea 47-kulan, wuxuuna shabaqa soo taabtay 11-jeer, balse waxa shaki la galiyay mustaqbalkiisa madama uu kooxda kusoo biiray Cesc Fabregas oo booska kala bixi kara.



Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [Oscar Oo Ka Hadlay Wararka Suuqa Kala Iibsiga Ee La Xiriirinaya Paris Saint Germain], All Right Reserved. 2014.
]]>
http://hiilkubad.com/oscar-oo-ka-hadlay-wararka-suuqa-kala-iibsiga-ee-la-xiriirinaya-paris-saint-germain/feed/ 0
Atletico Madrid Oo Soo Bandhigtay Qiimaha Ay Ku Dooneyso Alvaro Negredo http://hiilkubad.com/atletico-madrid-oo-soo-bandhigtay-qiimaha-ay-ku-dooneyso-alvaro-negredo/ http://hiilkubad.com/atletico-madrid-oo-soo-bandhigtay-qiimaha-ay-ku-dooneyso-alvaro-negredo/#comments Wed, 25 Jun 2014 14:05:26 +0000 http://hiilkubad.com/?p=26973
Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [Atletico Madrid Oo Soo Bandhigtay Qiimaha Ay Ku Dooneyso Alvaro Negredo], All Right Reserved. 2014.
]]>
Negredo

Weeraryahanka kooxda Manchester City Alvaro Negredo ayaa noqday dooqa koowaad ee kooxda Atletico Madrid ay ka dooneyso suuqa kala iibsiga ciyaartoyda.

Kooxda lagu neynaaso ‘Rojiblancos ayaa xiiseyneysa Negredo iyadoo soo bandhigtay 185 Malyan oo euro oo ay bixineyso hadii ay heleyso xidigaan heerka caalami.

Si Kastaba Manchester City ayaa horay uga hadashay dalabyada Negredo iyadoo shaaca ka qaaday ineysan dhageysan doonin dalabyada ka hooseeya 30 Malyan Oo Euro.

Alvero Negredo ayaa noqon doona 29-jir, 20-ka August ee sanadaan waxaana uu sanadii hore kaga soo biiray kooxda Sevilla, balse xidigaan ayaa dhibaato ay ku noqotay kursiga keydka madama bilooyinkii ugu dambeeyay uu kursiga ka galay kooxda Edin Dzeko ayaana haqabtiray Man City.

Si kastaba kooxdaan reer Spain ayaa ku dhaqaaqeysa qorshayaal badan oo ay xal ugu helayaan badalka Diego Costa oo ku socda wadada Stamford Bridge: Lukaku, Michu & xidigo kale ayey doonayaan.



Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [Atletico Madrid Oo Soo Bandhigtay Qiimaha Ay Ku Dooneyso Alvaro Negredo], All Right Reserved. 2014.
]]>
http://hiilkubad.com/atletico-madrid-oo-soo-bandhigtay-qiimaha-ay-ku-dooneyso-alvaro-negredo/feed/ 0
Manchester United Oo Doorbideysa Saxiixa Da’yarka Hogaamiya Xulka Colombia http://hiilkubad.com/manchester-united-oo-doorbideysa-saxiixa-dayarka-hogaamiya-xulka-colombia/ http://hiilkubad.com/manchester-united-oo-doorbideysa-saxiixa-dayarka-hogaamiya-xulka-colombia/#comments Wed, 25 Jun 2014 10:47:57 +0000 http://hiilkubad.com/?p=26953
Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [Manchester United Oo Doorbideysa Saxiixa Da'yarka Hogaamiya Xulka Colombia ], All Right Reserved. 2014.
]]>
Rodriguez has been impressive for Colombia.

Manchester United ayaa isha ku heysa qaab ciyaareedka da’yarka reer Colombia James Rodriguez kaas oo ka tirsan kooxda As Monaco ee dalka faransiiska.

22-jirkaan heerka caalami ayaa ciyaara khadka dhexe weerarka sidoo kalana wuxuu ciyaari karaa meelaha ka banaan garoonka wuxuuna haatan wacdaro ka dhigayaa koobka Aduunka, sadex kulan oo uu ciyaaray 2-gool ayuu shabaqa ku shubay isagoo u suura galiyay in Colombia ay kusoo baxdo 9-dhibcood.

Xidigaan da’da yar ayaa kubada cagta kasoo galay Envigado oo ka ciyaarta Colombia inkastoo sanad kaliya ay ku qaadatay inuu banaanka isku soo dhigo, wuxuuna usoo guuray kooxda Banfield  ee dalka Argentina laba sano ayuu ku qaatay wuxuuna usoo guuray Yurub Horyalka Portugal ayuuna iska soo xaadiriyay ka hor inta uusan As Monaco kusoo biiri xili ciyaareedkii hore.

Tababare Louis Van Gaal ayaa isha ku haya da’yar kooxda kor usoo qaada sidoo kalana waxaa xidigaan isha ku haya kooxaha Paris Saint Germain, Atletico Madrid iyo Chelsea.

Si Kastaba James Rodriguez ayaa fursad u heli doona inuu Old Trafford ku ciyaaro hadii ay Monaco iyo United isla fahmaan xaalada xidigaan da’da yar.



Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [Manchester United Oo Doorbideysa Saxiixa Da'yarka Hogaamiya Xulka Colombia ], All Right Reserved. 2014.
]]>
http://hiilkubad.com/manchester-united-oo-doorbideysa-saxiixa-dayarka-hogaamiya-xulka-colombia/feed/ 0
Arsenal Oo Ku Dhaw Iney Man United Kaga Adkaato Xidig Ay Mudo Ku Raad Joogeen http://hiilkubad.com/arsenal-oo-ku-dhaw-iney-man-united-kaga-adkaato-xidig-ay-mudo-ku-raad-joogeen/ http://hiilkubad.com/arsenal-oo-ku-dhaw-iney-man-united-kaga-adkaato-xidig-ay-mudo-ku-raad-joogeen/#comments Wed, 25 Jun 2014 10:38:31 +0000 http://hiilkubad.com/?p=26950
Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [Arsenal Oo Ku Dhaw Iney Man United Kaga Adkaato Xidig Ay Mudo Ku Raad Joogeen], All Right Reserved. 2014.
]]>
??????????????????????????????????????????????????????????????

Arsenal ayaa agaasimeysa kualn xasaasi ah oo ay la qaadato Wakiilka garabka reer Colombia iyo kooxda Fiorentina Juan Cuadrado kulankaas oo lagu wado inuu ka dhaco London isbuucaan.

Daily Express oo xiganeysa ilo muhiim ah oo dalka Spain kaga yimid in Wakiilka xidigaan uu isku qaban qaabinayo duulimaad London ah si uu ula kulmo kooxda Arsenal.

Wararkaan ayaa imaaay xilli 26-jirkaan reer Colombia uu wacdaro ka dhigayo Koobka Aduunka ee Brazil ka socda isla markaana uu ku dhawaaqay inuu ku faraxsan yahay nolosha Serie A-da.

Fiorentina ayaa haatan 100% leh milkiyada Cuadrado waxaana heshiiskiisa lagu jabin karaa 32 Malyan Oo Pound oo ah qiimo aad u heer sareeya.

Kooxaha Mancehster United, Arsenal & Liverpool ayaa baadi goob ba’an ugu jiray xidgiaan heerka caalami balse haatan waxaa hogaanka u heysa tartankiisa Arsenal oo qaban qaabineysa kulanka Wakiilka xidigaan oo ah shaqsiga fududeyn kara xaalada xidigaan heerka caalami.



Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [Arsenal Oo Ku Dhaw Iney Man United Kaga Adkaato Xidig Ay Mudo Ku Raad Joogeen], All Right Reserved. 2014.
]]>
http://hiilkubad.com/arsenal-oo-ku-dhaw-iney-man-united-kaga-adkaato-xidig-ay-mudo-ku-raad-joogeen/feed/ 0
Atletico Madrid Oo Dooneysa Saxiixa Michu Si Ay Badal Uga Dhigto Diego Costa http://hiilkubad.com/atletico-madrid-oo-dooneysa-saxiixa-michu-si-ay-badal-uga-dhigto-diego-costa/ http://hiilkubad.com/atletico-madrid-oo-dooneysa-saxiixa-michu-si-ay-badal-uga-dhigto-diego-costa/#comments Wed, 25 Jun 2014 09:35:46 +0000 http://hiilkubad.com/?p=26930
Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [Atletico Madrid Oo Dooneysa Saxiixa Michu Si Ay Badal Uga Dhigto Diego Costa], All Right Reserved. 2014.
]]>
Michu

Kooxda Atletico Madrid ee ka dhisan Spain ayaa ku warantay iney xiiseyneyso saxiixa Weeraryahanka Swansea City Michu xili ay macquul tahay iney iska iibiyaan Asal Brazilka qaatay dhalashada Spain Diego Costa kaas oo ku dhaw inuu ku biiro kooxda Blues ee ka dhisan horyaalka Ingiriiska.

Xidigaan reer Spain ayaa wacdaro ka dhigay Horyaalka Premier League kadib labo sano uu ku sugnaa garoonka Libert Stadium, Michu ayaa dhaliyay 28-gool, 67-kulan oo uu saftay balse 12-kii bilood ee lasoo dhaafay dhaawacyo dhanka muruqa ah ayaa u diiday inuu kasoo muuqdo garoomada.

Si kastaba Daily Express ayaa shaacisay in kooxda uu hogaamiyo Diego Simeone ay diyaar u tahay iney Michu keento Vincent Calderon si uu badal ugu noqdo Costa iyo sidoo kale Villa oo horyaalka Mareykanka ku biiray.

Sidoo kale kooxaha Napoli, West Ham ayaa lala xiriirinayaa xidigaan heerka caalami inkastoo bishii January ay Arsenal doon dooneysay xidigaan.



Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [Atletico Madrid Oo Dooneysa Saxiixa Michu Si Ay Badal Uga Dhigto Diego Costa], All Right Reserved. 2014.
]]>
http://hiilkubad.com/atletico-madrid-oo-dooneysa-saxiixa-michu-si-ay-badal-uga-dhigto-diego-costa/feed/ 0
Adigaaba Qosli Doontid: Qaniinyadii Suarez Iyo Sawirada Shactirada Badan Ee Laga Sameeyay Wax Badan Ka Arag!!! http://hiilkubad.com/adigaaba-qosli-doontid-qaniinyadii-suarez-iyo-sawirada-shactirada-badan-ee-laga-sameeyay-wax-badan-ka-arag/ http://hiilkubad.com/adigaaba-qosli-doontid-qaniinyadii-suarez-iyo-sawirada-shactirada-badan-ee-laga-sameeyay-wax-badan-ka-arag/#comments Wed, 25 Jun 2014 09:07:43 +0000 http://hiilkubad.com/?p=26931
Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [Adigaaba Qosli Doontid: Qaniinyadii Suarez Iyo Sawirada Shactirada Badan Ee Laga Sameeyay Wax Badan Ka Arag!!!], All Right Reserved. 2014.
]]>
Suarez2

Waxaaba macquul ah in koobka aduunka 2014 loo bixiyo “Koobkii Suarez waalidiisa lagu ogaada” waayo daafaca xulka Italy Giorgio Chiellini ayuu garabka ka qaniinay mana ahan markii ugu horeesay ee uu xidigan falkan oo kale ku kaco waa markii 3-aad sidaa darteed aduunka oo idil amakaag ayay ku noqotay, qaarkood waxay soo jeediyeen in Afka shabaq looga xiro marka uu garoonka ku jiro halka qaarkalana ay dhaheen gabi ahaanba kubada cagta in mudo dheer laga ganaaxo halka kuwo kalena ay dhaheen wuxuu u baahan yahay la talin iyo daryeel madaama uu maskaxda ka jirin yahay, wixii laga sheegayba la sheeg: fadlan hoos kaga bogo muuqaalada cajiibka ah ee falkii Suarez laga sameeyay:

Christmas stocking filler: The Suarez bottle opener would probably be a best-seller if it was real

Kitted out: Pranksters gave Suarez a muzzel Another angle: Chiellini's bite mark display is enhanced

Jaws: It's not quite Sportsmail's Match Zone but this claimed to be Suarez's heatmap against Italy

Sniggers: Was Suarez's bite because he hadn't eaten before kick-off in the Group D decider?

The devil in the detail: Can you spot what's been changed on Suarez's Panini sticker? Check his teeth...

Bite over bark: Suarez has been likened to Jaws before and again he is proving it's not safe to be around him



Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [Adigaaba Qosli Doontid: Qaniinyadii Suarez Iyo Sawirada Shactirada Badan Ee Laga Sameeyay Wax Badan Ka Arag!!!], All Right Reserved. 2014.
]]>
http://hiilkubad.com/adigaaba-qosli-doontid-qaniinyadii-suarez-iyo-sawirada-shactirada-badan-ee-laga-sameeyay-wax-badan-ka-arag/feed/ 0
Tababare Arsene Wenger Oo Niyada Ka Jabiyay Jamaahiirta Kooxda Gunners http://hiilkubad.com/tababare-arsene-wenger-oo-niyada-ka-jabiyay-jamaahiirta-kooxda-gunners/ http://hiilkubad.com/tababare-arsene-wenger-oo-niyada-ka-jabiyay-jamaahiirta-kooxda-gunners/#comments Wed, 25 Jun 2014 09:00:04 +0000 http://hiilkubad.com/?p=26924
Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [Tababare Arsene Wenger Oo Niyada Ka Jabiyay Jamaahiirta Kooxda Gunners], All Right Reserved. 2014.
]]>
Wenger

Tababaraha reer France ee leyliya kooxda waqooyiga London ka dhisan ee Arsenal Arsene Wenger ayaa beeniyay wararka kooxdiisa la xiriirinaya weeraryahanka Milan Mario Balotelli inakstoo ay jireen warbixino badan oo xidigaan la xiriirinaya inuu Emirates imaan doono xagaaga soo aadan.

Balotelli oo dhaliyay 18-gool, 41-kulan oo uu u saftay kooxda Milano ayaa dhowr jeer lala xiriiriyay inuu dib ugu laaban doono horyaalka Ingiriiska, iyadoo saxaafadu ku warantay in Wenger uu la xiriiray 23-jirkaan reer talyaani.

Si Kastaba Arsene Wenger oo la hadlay BeIN Sports  xili uu ku guda jiray falanqeynta koobka Aduunka ayaa wax laga weydiiyay xaalada kooxdiisa iyo Mario Balotelli inkasstoo macalinka reer France uu biyo qabow ku shubay wararka kooxdiisa la xiriirinaya xidigaan.

Arsene Wenger ayaa la filayay inuu soo qaadan doono Balotelli xili Jamaahiirta kooxda ay rajeynayeen in macalinka uu adkeyn doono weerarka si kooxda uga baxdo abaarta dhanka koobabka Horyaalka premier League ka heysata mudo badan.

Si Kastaba Wenger ayaa balan qaadyo hore u sameeyay Jamaahiirta kooxda inkastoo wali la oran karo suuqa kala iibsiga ma furmin.



Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [Tababare Arsene Wenger Oo Niyada Ka Jabiyay Jamaahiirta Kooxda Gunners], All Right Reserved. 2014.
]]>
http://hiilkubad.com/tababare-arsene-wenger-oo-niyada-ka-jabiyay-jamaahiirta-kooxda-gunners/feed/ 0
Paul Scholes  “Suarez Wuxuu Sharaf Dhac Ku Riday Wadankiisa, Kooxdiisa Iyo Qoyskiisa!!” http://hiilkubad.com/paul-scholes-suarez-wuxuu-sharaf-dhac-ku-riday-wadankiisa-kooxdiisa-iyo-qoyskiisa/ http://hiilkubad.com/paul-scholes-suarez-wuxuu-sharaf-dhac-ku-riday-wadankiisa-kooxdiisa-iyo-qoyskiisa/#comments Wed, 25 Jun 2014 08:51:35 +0000 http://hiilkubad.com/?p=26925
Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [Paul Scholes  "Suarez Wuxuu Sharaf Dhac Ku Riday Wadankiisa, Kooxdiisa Iyo Qoyskiisa!!"], All Right Reserved. 2014.
]]>
Suarez

Paul Scholes ayaa si toos ah u weeraray falkii waalida ahaa ee uu Luis Suarez ku kacay waayo xidigan markale qaniinyadii uu ku caan baxay ayuu soo celiyay asigoo garanka ka qaniinay daafaca xulka Italy Giorgio Chiellini hadaba falkan aduunyada oo idil ayaa la yaabtay waxaana si aan xishood ku jirin uga hadlay halyeegii hore ee xulka England iyo kooxda Man United Giorgio Chiellini wuxuuna yiri “Nasiib xumo Suarez wuxuu sharaf dhac ku riday Wadankiisa, Kooxdiisa Iyo Qoyskiisa waxaan oran karaa waa fal asiga xitaa uu is ceebsan doono inkastoo ay tahat markii sedexaad ee uu si waali ah cayaartooyda u qaniino!”

Madaama Luis Suarez uu haatan ka mid yahay xidigaha aduunka ugu wanaagsan wuxuu Paul Scholes sheegay in xidigan hada kadib wanaagiisa lagu xasuusan doonin wuxuuna yiri “waa hubaal in hadaba kadib Suarez lagu xasuusan doono xumaantiisa inkastoo uu yahay laacib aad u wanaagsan hadana waxa uu sameeyay waa fal kubada cagta ka baxsan mana ka hari doono falkan noloshiisa oo dhan!”

Ugu dambeyntii Scholes wuxuu soo jeediyay in weeraryahanka kooxda Liverpool gabi ahaanba cayaaraha aduunka inta ka harsan laga ganaaxo wuxuuna yiri “waa in la ganaaxaa inta ka harsan koobka aduunka balse intaas kuma filno waa in ciqaab adag la saaro aana ka warsugno go’aanta ay FIFA arintan kasoo saarto”



Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [Paul Scholes  "Suarez Wuxuu Sharaf Dhac Ku Riday Wadankiisa, Kooxdiisa Iyo Qoyskiisa!!"], All Right Reserved. 2014.
]]>
http://hiilkubad.com/paul-scholes-suarez-wuxuu-sharaf-dhac-ku-riday-wadankiisa-kooxdiisa-iyo-qoyskiisa/feed/ 0
10-Xul Ee Ugu Qiimaha Badan Xulalka Koobka Aduunka Kasoo Muqdeen Sanadkan http://hiilkubad.com/10-xul-ee-ugu-qiimaha-badan-xulalka-koobka-aduunka-kasoo-muqdeen-sanadkan/ http://hiilkubad.com/10-xul-ee-ugu-qiimaha-badan-xulalka-koobka-aduunka-kasoo-muqdeen-sanadkan/#comments Wed, 25 Jun 2014 08:23:12 +0000 http://hiilkubad.com/?p=26921
Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [10-Xul Ee Ugu Qiimaha Badan Xulalka Koobka Aduunka Kasoo Muqdeen Sanadkan], All Right Reserved. 2014.
]]>
The-Ten-Most-Expensive-World-Cup-2014-Teams

Koobka Aduunka haatan dalka Brazil ayuu si habsami ku dheehan uga socdaa waxaana dhamaad ku dhow kulamada Guruubyada sidaa darteed waxaa si rasmi ah loo soo bandhigay warbixin ka hadleyso 10-ka xul ee ugu qiimaha badan tartankan iyo xul walbo xidigahiisa ugu qiimaha badan waxaana kaalinta kowaad galay xulka Brazil oo lagu qiimeeyay $718 Million sidoo kalena hogaamiyahooda Neymar ayaa ugu qiimo badan xulka Brazil waxaana lagu qiimeeyay ($88 Million), waxaa xusid mudanin 10-ka xul ee ugu qiimaha badan xulalka koobka aduunka ka qayb qaadanayaan 8-ka mid ah ay qaarada Yurub ka socdaan halka labadana kalena ay Koonfur Ameerika matalayaan. hadaba hoos kaga bogo xogtaan xiisaha badan:

Xul Qiimo Cayaaryahanka Ugu Qiimaha Badan
Brazil $718 Million Neymar Jr ($88 Million)
Spain $674 Million Andrea Inesta ($75 Million)
Argentina $654 Million Lionel Messi ($165 Million)
Germany $622 Million Mario Gotze ($61 Million)
France $555 Million Paul Pogba ($61 Million)
England $493 Million Wayne Rooney ($61 Million)
Belgium $468 Million Eden Hazard ($61 Million)
Italy $449 Million Mario Balotelli ($61 Million)
Portugal $400 Million Cristiano Ronaldo ($136 Million)
Russia $262 Million Akinfeev ($27 Million)

F.G: xulalka England, Spain iyo Italy gabi ahaanba tartankan way isaga hareen balse ma jiro xul ka qiimo badan kuwa haatan isugu soo haray tartankan marka laga reebo 10-kan xul ee sare ku qoran.

Brazil : Team Value ($718 Million) – MVP (Neymar JR) :

most expensive teams in the world

Spain : Team Value ($666 Million) – MVP (Inesta)

most powerful teams in the world

Argentina : Team Value ($654 Million) – MVP (Leo Messi) :

how expensive are the argentina players



Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [10-Xul Ee Ugu Qiimaha Badan Xulalka Koobka Aduunka Kasoo Muqdeen Sanadkan], All Right Reserved. 2014.
]]>
http://hiilkubad.com/10-xul-ee-ugu-qiimaha-badan-xulalka-koobka-aduunka-kasoo-muqdeen-sanadkan/feed/ 0