Isha Wararka Ciyaaraha » Maxaa Cusub http://www.hiilkubad.com Hiilkubad.com Sat, 20 Dec 2014 19:13:19 +0000 en-US hourly 1 http://wordpress.org/?v=4.1 Line Up-ka Rasmiga Ah Finalaha FIFA Club World Cup: Real Madrid Vs San Lorenzo http://www.hiilkubad.com/line-up-ka-rasmiga-ah-finalaha-fifa-club-world-cup-real-madrid-vs-san-lorenzo/ http://www.hiilkubad.com/line-up-ka-rasmiga-ah-finalaha-fifa-club-world-cup-real-madrid-vs-san-lorenzo/#comments Sat, 20 Dec 2014 19:13:19 +0000 http://www.hiilkubad.com/?p=5458 Madrid

Waxaa ka harsan daqiiqdo kooban bilaabashada Finalaha tartanka naadiyada aduunka FIFA Club World Cup sidaa darteed si rasmi ah ayaa shaaca looga qaaday labada koox shaxda ay kusoo gali doonaan.

Real Madrid iyo San Lorenzo midkood ayaa caawo calfan doono koobka qiimaha badan waxaana loo aqoon soonaa naadiga aduunka kooxdii ku guuleesato tartankan qiimaha badan.

Hadaba macalin Carlo Ancelotti ayaa shax adag kusoo galay kulankan Finalaha ah wuxuuna kusoo bilaabay xidigaha kala ah:

Casillas; Carvajal, Pepe, Ramos, Marcelo; Isco, Kroos; Bale, James, Ronaldo; Benzema.

Keydka Real Madrid: Keylor Navas, Pacheco, Varane, Coentrâo, Khedira, Hernandez, Arbeloa, Nacho, Jesé, Illaramendi, Medrán

Naadiga San Lorenzo Line Up-ka hoos ku qoran ayay kusoo gali doontaa:

Torrico; Buffarini, Yepes, Kannemann, Mas; Mercier, Ortigoza, Kalinski; Barrientos, Verón, Cauteruccio.

Keydka San Lorenzo: Franco, Devechi, Cetto, Romagnoli, Arias, Villalba, Bladi, Cavallaro, Matos, Catalan, Fontanini, Quignon.

]]>
http://www.hiilkubad.com/line-up-ka-rasmiga-ah-finalaha-fifa-club-world-cup-real-madrid-vs-san-lorenzo/feed/ 0
Louis van Gaal Muxuu Ka Yiri Taakadii Ay Kooxdiisa Kala Kulantay Naadiga Aston Villa http://www.hiilkubad.com/louis-van-gaal-muxuu-ka-yiri-taakadii-ay-kooxdiisa-kala-kulantay-naadiga-aston-villa/ http://www.hiilkubad.com/louis-van-gaal-muxuu-ka-yiri-taakadii-ay-kooxdiisa-kala-kulantay-naadiga-aston-villa/#comments Sat, 20 Dec 2014 18:15:11 +0000 http://www.hiilkubad.com/?p=5452 Van gaal

Man United ayaa ugu dambeyntii loo diiday inay guuleesato kulankeedii 7-aad oo xariir ah kadib markii ay taako culus kala kulantay naadiga Aston Villa cayaar kusoo idlaatay 1-1.

Macalin Louis van Gaal ayaa aad uga carooday bandhig xumada kooxdiisa wuxuuna ka xun yahay in kooxdiisa labo dhibcood ay lumisay.

“Kulanka Villa wuxuu ahaa mid xanuun badan waayo labo dhibcood ayaan qasaarinay”

“Bilaw wanaagsan lama soo galin cayaarta xidigaheyga midaasna waxay sababtay in Aston Villa ay gool naga dhaliso”

“Qaybtii hore si fiican ayaan kubada u heesanay laakiin waxba midaas masoo kordhinin madaama aan awoodi waanay kubad heesashadeena inaay ka dhigto mid mir dhal ah”

“Qaybtii labaad waan yara fiicneyn balse ma arkin dadaalkii wanaagsanaa ee aan wadnay todobaadyadii ugu dambeesay balse waa kubad maalin walbana suura gal ma ah inaad aragtid sidaad rabtid”

“Kama hadli karko kaarkii casaa ee Villa la siiyay waayo ma aanan arkin balse qaladkaas wuxuu ahaa mid caadi ah inkasoo garsooraha uu go’aankiisa ku bixiyay calaamada cas”

“Aadban u niyad jabsanahay waayo qaybtii hore waxaan heesanay fursad aan kulankan ku badin karnay waayo waxaa muhiim ah marka aad koox ka gacan sareesid inaan guuleesan kartid ama aad goolal dhalin kartid”

]]>
http://www.hiilkubad.com/louis-van-gaal-muxuu-ka-yiri-taakadii-ay-kooxdiisa-kala-kulantay-naadiga-aston-villa/feed/ 0
Yaa Bad Baadin Karo Dortmund Madaama Ay La Kulantay Guuldaradii 10-aad Kuna Jirto Kaalinta 17-aad!! http://www.hiilkubad.com/yaa-bad-baadin-karo-dortmund-madaama-ay-la-kulantay-guuldaradii-10-aad-kuna-jirto-kaalinta-17-aad/ http://www.hiilkubad.com/yaa-bad-baadin-karo-dortmund-madaama-ay-la-kulantay-guuldaradii-10-aad-kuna-jirto-kaalinta-17-aad/#comments Sat, 20 Dec 2014 17:36:13 +0000 http://www.hiilkubad.com/?p=5449 Dortmund

Hoos u dhaca iyo qarowga kooxda Dortmund ku jirto xili cayaareedkan ayaa meel xun gaaray madama kooxdan faca weyn guuldaradii 10-aad ay la kulantay kulan ay la cayaartay naadiga Werder Bremen.

Macalin Jurgen Klopp marxaladan oo kale waligiis ma arkin madaama kooxdiisa guuldaro 2-1 ay kala kulmeyn naadiga Bremen ay sababtay inay kaalinta 17-aad ku dhameestaan wareega 1-aad ee Bundesligaha Jarmalka.

Inkastoo Dortmund kulankan dadaal badan sameeyay kubadana ay heesatay in ka badan 70% hadana ugu dambeyntii kooxdan guuldaro qaraar badan ayay kala caraawday garoonka Bremen.

Werder Bremen 2-1 Borussia Dortmund: Selke stars as hosts heap more misery on BVB

Wiilka dhalinta yar Davie Selke ayaa kooxda Bremen hogaanka u dhiibay daqiiqadii 3-aad waxayna Dortmund awoodi weesay inay goolkan xanuunka badan iska soo gudo.

Fins Bartel ayaa cayaarta 2-0 ka dhigay daqiiqadii 62-aad wuxuuna qalbi jab weyn ku riday taageerayaasha iyo cayaartooyda Dortmund oo ku rajo weynaayeen inay dhibcaha qaadan karaan.

Mats Hummels ayaa cayaarta 2-1 ka dhigay daqiiqadii 69-aad wuxuuna madaxa ku dhaliyay kubad koorno ahaan loo soo tuuray.

Dortmund waxba ma reebanin balse ugu dambeyntii 2-1 ayaa looga badiyay waxayna haatan kooxdan fadhisaa kaalinta 17-aad ee Bundesligaha Jarmalka waxayna leedahay 15-dhibcood kaliya kooxda Freiburg oo leh 14-dhibcood ayaa ka hooseyso!

Waxaa la yaab ah in wareega hore ee horyaalka Jarmalka uu soo idlaaday ayadoo Dortmund haatan 30-dhibcood ka hooseyso kooxda Bayern Munich oo Bundesligaha hogaamineyso.

Hadaba Dortmund xaaladan aadka u xanuunka badan maka bixi doontaa marka dib loo amba qaado horyaalka Jarmalka bartamaha bisha Janaayo ee nagu soo fool leh?

]]>
http://www.hiilkubad.com/yaa-bad-baadin-karo-dortmund-madaama-ay-la-kulantay-guuldaradii-10-aad-kuna-jirto-kaalinta-17-aad/feed/ 1
Suarez Oo Goolkiisii Ugu Horeeyay La Ligaha Ka Dhaliyay Kulan Barcelona Ay Ku Bar Baratay Naadiga Cordoba http://www.hiilkubad.com/suarez-oo-goolkiisii-ugu-horeeyay-la-ligaha-ka-dhaliyay-kulan-barcelona-ay-ku-bar-baratay-naadiga-cordoba/ http://www.hiilkubad.com/suarez-oo-goolkiisii-ugu-horeeyay-la-ligaha-ka-dhaliyay-kulan-barcelona-ay-ku-bar-baratay-naadiga-cordoba/#comments Sat, 20 Dec 2014 17:20:26 +0000 http://www.hiilkubad.com/?p=5442 barca

Kooxda Barcelona ayaa gaartay guul muhiim ah kadib markii ay si xarago ku dheehan cagta ku marisay naadiga Cordoba.

Kulankan xiisaha badan Barcelona ayaa 5-0 guusha ku qaadatay waxaana hadal heynta cayaartaan wadaageen Lionel Messi oo labo gool dhaliyay iyo Luis Suarez oo markii ugu horeesay La Ligaha Spain gool ka dhaliyay.

Barcelona ayaa la filaayay inay kooxda Cordoba si sahlan ku dhaafto waxaana isla markiiba kooxdan tababarta yar gool kaga naxsaday Pedro daqiiqadii 2-aad wixii markaas ka dambeeyay Barcelona waxaa u sahlanaatay inay cayaarta iska maamulato.

Suarez

Inkastoo qaybtii hore goolal badan laga dhalinin kooxda Cordoba hadana awoodeeda difaac waxaa la wiiqay qaybtii labaad kadib markii Pedro uu kubad siiyay Luis Suarez oo ay u suura gashay inuu goolkiisii ugu horeeyay La Ligaha ka dhaliyo daqiiqadii 53-aad.

Gerard Pique ayaa cayaarta 3-0 ka dhigay daqiiqadii 80-aad wuxuuna daafacan dhaliyay kubad laad xor ah oo uu soo tuuray Xavi Hernandes.

Lionel Messi ayaa ugu dambeyntii diiday inuu kulankan gool la ka baxo wuxuuna is raacsaday labo gool qaybihii ugu dambeeyay kulankan daqiiqadaha kala ah 82-aad iyo 90-aad.

Weliba Lionel Messi labadan gool wuxuu ku dhaliyay lugta midi goo uusan inta badan goolal ku dhalinin.

Guuasha Barcelona ay gaartay ayaa ka dhigay inay haatan 1-dhibic oo qura ka hooseyso naadiga Real Madrid oo hogaanka La Ligaha horkaceyso.

Macalin Luis Enrique waxaa ka dagay culees weyn waayo kooxdiisa wadadii guusha ayay dib ugu soo laabatay madaama ay todobaadkii hore kulan muhiim ah badin weesay.

Hadaba Barcelona oo caawinaad ka heleyso Messi iyo Suarez masoo qaban kartaa Real Madrid inta ka harsan xili cayaareedkan?

]]>
http://www.hiilkubad.com/suarez-oo-goolkiisii-ugu-horeeyay-la-ligaha-ka-dhaliyay-kulan-barcelona-ay-ku-bar-baratay-naadiga-cordoba/feed/ 0
Radamel Falcao Oo Guuldaro Ka Badbaadiyay Manchester United Kulan Agbolnahor Casaan La Siiyay http://www.hiilkubad.com/radamel-falcao-oo-guuldaro-ka-badbaadiyay-man-united-kulan-agbolnahor-casaan-la-siiyay/ http://www.hiilkubad.com/radamel-falcao-oo-guuldaro-ka-badbaadiyay-man-united-kulan-agbolnahor-casaan-la-siiyay/#comments Sat, 20 Dec 2014 16:54:46 +0000 http://www.hiilkubad.com/?p=5438 Falcao

Radamel Falcao ayaa guuldaro ka badbaadiyay Manchester United kadib markii uu dhaliyay goolka barbardhaca ee United markii uu kubad qurux badan ka helay Ashley Young.

Aston Villa ayaa in ka badan 30-daqiiqo ku ciyaartay 10-ciyaartoy markii laga saaray ciyaarta Gabriel Agbolnahor oo qalad ka galay Ashley Young.

Robin Van Persie ayaa nasiib u yeelan waayay inuu dhameystiro kubad uu dhinaca bidix ka keenay Ashley Young daqiiqadii 2-aad ee ciyaarta.

Aston Villa ayaa gashay daqiiqad waali ah markii ay United weerar xoog leh kusoo qaaday goolka uu goolhayaha ka yahay Guzan, Valencia iyo Mata ayaa ka qeyb qaatay weerarka iyadoo Ashley Young iyo Falcao ay sameeyeen laba isku day balse daafaca Villa ayey ku dhacday daqiiqadii 14-aad ee ciyaarta.

Robin Van Persie ayaa u dhawaaday inuu hogaanka u dhiibo Manchester United daqiiqadii 16-aad ee ciyaarta markii uu lugta midig qabadsiiyay kubad karoos aheyd oo ka timid Wayne Rooney, Goolhaye Guzan ayaana si qurux badan ugu dhagay kubada.

Benteke ayaa hogaanka u dhiibay Aston Villa daqiiqadii 18-aad ee ciyaarta kadib markii uu si qurux badan kaga xariiftamay laba ka mid ah xidigaha United, lugta bidix ayuuna kubad jarmo aheyd shabaqa ka galiyay goolka De Gea uu waardiyaha ka ahaa.

Goolhaye David De Gea ayaan dhaq-dhaqaaq sameyn si toos ah ayuuna u daawaday kubada sida quruxda badan shabaqa ugu soo leexatay.

Aston Villa ayaa laba jeer weerar gaadmo ah ku qaaday, Benteke iyo Agbolnahor ayaana sameeyay laba weerar oo qatar ah balse daafaca United ayaa kubadahaas iska soo badbaadiyay.

Ashley Young ayaa shaqo adag qabtay isagoo sameeyay isku day qurux badan oo kooxdiisa uiu barbaro ugu keeno, dhinaca bidix ayuu kubada kasoo galay isagoo damcay inuu kubad laad ah u gudbiyo RVP iyo Falcao, balse kubadii u tuuraya ayaa ku sigatay iney shabaqa gasho balse goolhaye Guzan ayaa si lama filaan ah u badbaadiyay daqiiqadii 34-aad ee ciyaarta.

Waqtigii dhimashada qeybta hore ciyaarta Robin Van Persie ayaa ku fashilmay inuu barbaro u keeno kooxdiisa markii uu kubad ka helay Valencia, balse daafaca ayuu ku garaacay.

Qeybta hore ciyaarta ayaa lagu kala nastay 1-0, oo ay hogaanka ku heyso kooxda martida loogu ahaa gurigeeda ee Aston Villa.

Qeybtii labaad ayaa la isku soo laabtay iyadoo Aston Villa ay laba jeer u dhawaatay iney hogaanka dheereysato, daqiiqadii 47-aad ee ciyaara Jones qalad uu galay ayey isku dayeen iney ka faa’ideystaan Delph ayaa u dhawaaday balse daafaca United ayaa saaray.

Koornadii ay ka heleen kubadaas, Benteke ayaa halis galiyay goolka Manchester markii uu madax halis ah ku tuuray, De Gea ayaana badbaadiyay.

Robin Van Persie ayaa helay fursad lama filaan ah oo kaga timid Juan Mata daqiiqadii 51-aad ee ciyaarta, kubadii uu goolka la beegsaday goolhaye Guzan ayaa ka badbaadiyay inkastoo uu cadadis Okore.

Radamel Falcao ayaa barbaro u keenay Manchester United daqiiqadii 53-aad ee ciyaarta markii uu madaxeeyay kubad karoos aheyd oo ka timid Ashley Young.

Mar kale Man United ayaa u dhawaatay iney hogaanka ciyaarta u qabato, Rooney ayaa kubad joog hoose ah goolka la beegsaday inkastoo Falcao kubad u socotay laga qalday, balse RVP ayaa qlaama rogaal kubad ah ku tuuray goolka balse hawada ayey ka martay.

Fabian Delph ayaa u dhawaaday inuu hogaanka u dhiibo Aston Villa markii uu kubad awodo leh goolka la beegsaday De Gea ayaa kubada qabsaday inkastoo ay ku dhawaatay iney ka baxsato.

Gabriel Agbolnahor ayaa casaan la siiyay daqiiqadii 65-aad ee ciyaarta markii uu qalad ka galay Ashley Young, garsoore Lee Masson ayaana si toos ah garoonka uga saaray.

Manchester United ayaa gashay halis dhowr jeer mudo daqiiqad ah markii Weimann iyo Benteke ay laba jeer isku dayeen balse daafaca United ayaa iska saaray.

Aston Villa ayaa soo qaaday weerar gaadmo ah Fabian Delph ayaana si fiican kubad uu kaga soo shaqeeyay farta ka saaray Bocuna kaas oo halis galiyay goolka United.

Waqtigii dhimashada Aston Villa ayaa heshay fursad ay ku dili kareen rajada United isla markaana ay sadexda dhibcood ku heli kareen inkastoo Bocuna uu meel qaldan dhigay.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa kusoo dhamaatay barbaro 1-1, ah iyadoo Man United ay wali ku jirto booska sadexaad iyadoo leh 32-dhibcood.

]]>
http://www.hiilkubad.com/radamel-falcao-oo-guuldaro-ka-badbaadiyay-man-united-kulan-agbolnahor-casaan-la-siiyay/feed/ 0
David Silva & Yaya Toure Oo Kala Diray Crysal Palace Xili Man City Ay Hogaanka La Wadaageyso Chelsea http://www.hiilkubad.com/david-silva-yaya-toure-oo-kala-diray-crysal-palace-xili-man-city-ay-hogaanka-la-wadaageyso-chelsea/ http://www.hiilkubad.com/david-silva-yaya-toure-oo-kala-diray-crysal-palace-xili-man-city-ay-hogaanka-la-wadaageyso-chelsea/#comments Sat, 20 Dec 2014 14:37:51 +0000 http://www.hiilkubad.com/?p=5424 Silva

Sadex Gool oo ay kala qeybsadeen David Silva iyo Yaya Toure ayaa guul muhiim ah siiyay Manchester City waxeyna barbaro la noqdeen dhanka dhibcaha kooxda Blues oo kulan gacanta ku heysata.

Fursadii aheyd iney hogaanka si kumeel gaar ah u qabtaan hogaanka horyaalka ayaan rumoobin madama looga baahnaa iney ku badiyaan goolal ka badan 4-gool.

Manchester City ayaa badi heysatay kubada iyadoo si qurux badan u maamuleysay ciyaarta inkastoo ay yaarayeen fursada ay heleysay 20-kii daqiiqo ee ugu horeeyay.

Samir Nasri ayaa isku daygii ugu qatarsanaa kooxda City markii kubad si qurux badan ay isugu dhiib-dhiibeen Toure, Silva iyo Milner ay ugu dambeyntii soo gashay lugta Nasri inkastoo kubadii uu goolka la beegsaday ay martay meel goolka u dhaw.

Crystal Palace ayaa heshay sadex fursadood oo is xiga inkastoo laba ka mid ah uu badbaadiyay goolhaye Joe Hart, Bolasie ayaa kubad ka keenay dhinaca bidix, Hart ayaa saaray inteysan gaarin weerarka Palace.

Kabtanka Palace Mile Jedinak ayaa madaxeeyay kubad koorne ka timid daqiiqadii 20-aad ee ciyaarta kaas oo halis galiyay goolka City, balse Joe Hart ayaa iska saaray kubadaas halista aheyd.

Silva Nasri & Milner ayaa ciyaaray kubad hal mar taabasho ah ka hor inta uusan Milner kubada u gudbin Yaya Toure oo taagnaa meel ku haboon in gool lagu dhaliyo balse xidiga reer Ivory Coast kubadii hawada ayuu u diray daqiiqadii 23-aad ee ciyaarta.

Samir Nasri ayaa dhex qaaday laba ka mid ah daafaca Crystal Palace isagoo si qurux badan ugu gooyay, inkastoo uu si lama filaan ah kubada ku siiyay Silva kaas oo isna goolka la beegsaday kubada balse bananka ayey ka martay daqiiqadii 24-aad ee ciyaarta.

Mar kale Yaya Toure ayaa hawada ku daray kubad goolka u furneyd isagoo ku sugan xerada ganaaxa, inkastoo uu kubad hal mar taabasho ah la ciyaaray markii hore Kolarov daqiiqadii 28-aad ee ciyaarta.

Pablo Zabaleta ayaa helay fursadii ugu qaalisaneyd ee ay helaan labada kooxood qeybtii hore ciyaarta, Yaya Toure ayaa kubad ka dhex gudbiyay ciyaartoyda Crystal Palace, Zabaleta ayaana kubada lugta ku dhigay inkastoo uu goolhayaha si qurux badan kaga dulqaaday hadana banaanka ayey kamartay daqiiqadii 43-aad ee ciyaarta.

Qeybtii hore ciyaarta ayaa kusoo dhamaatay 0-0, inkastoo labada kooxood ay sameeyeen dadaalo badan oo ay ku doonayeen iney goolal ku helaan balse ma noqon.

Qeybtii labaad ayaa la isku soo laabtay iyadoo City ay durba hogaanka u qabatay ciyaarta David Silva ayaana sabab u ahaa inuu dhasho goolkaas madama uu kubad goosha la beegsaday walow ay jilibka kaga dhacday Scot Dan oo daafaca kaga ciyaara Palace daqiiqadii 49-aad ee ciyaarta.

Mar kale David Silva ayaa hogaanka u dheereeyay Manchester City markii uu si qurux badan u dhameystiray kubad uu dhinaca bidix ka keenay Aleksander Kolarov daqiiqadii 62-aad ee ciyaarta.

Mancheser City ayaa cadaadis badan saartay goolka Crystal Palace, halka Palace qudheeda ay isku dayday iney barbaro goolal barbaro ah raadiso.

Yaya Toure ayaa sii xumeeyay rajadii Crystal Palace daqiiqadii 81-aad ee ciyaarta markii Man City ay heshay weerar rogaal celis ahaa, Navas ayaa kubad kasoo jiiday goolka isasgoo si habsami leh ugu gudbiyay Milner oo isna si hoose kubad ugu gudbiyay Toure kaas oo kubad awodo leh shabaqa galiyay.

Martin Demichelis ayaa u dhawaaday inuu gool iska dhaliyo markii Zaha uu kubad banaanka soo dhigay daqiiqadii ugu dambeysay ciyaarta, koorne ayeyna noqotay kubadii.

Rajadii Crystal Palace ayaa ceel ku dhacday iyadoo City ay u xalaalowday sadex dhibcood oo ay u qalmeen waxeyna haatan barbaro dhanka dhibcaha la noqdeen Chelsea.

]]>
http://www.hiilkubad.com/david-silva-yaya-toure-oo-kala-diray-crysal-palace-xili-man-city-ay-hogaanka-la-wadaageyso-chelsea/feed/ 0
Shaxda Rasmiga Ah Kulanka Barcelona vs Cordoba: MSN Oo Aan Kusoo Wada Bilaaban http://www.hiilkubad.com/shaxda-rasmiga-ah-kulanka-barcelona-vs-cordoba-msn-oo-aan-kusoo-wada-bilaaban/ http://www.hiilkubad.com/shaxda-rasmiga-ah-kulanka-barcelona-vs-cordoba-msn-oo-aan-kusoo-wada-bilaaban/#comments Sat, 20 Dec 2014 14:23:20 +0000 http://www.hiilkubad.com/?p=5433 Barca

Neymar JR ayaa kursiga keydka kusoo bilawday madama uu dhaawac ku seegay kulankii Copa Del Rey, waxaase si wadajir ah ugu soo bilawday Suarez iyo Messi, halka Iniesta uu mudo kadib helay safka hore madama uu dhaawac ahaa.

Rakitic ayaa dhexda la wadaagi Doona Sergio Busquets, halka Xavi ay kursiga keydka ku wehliyaan Munir El Hadadi iyo Rafinha.

BARCELONA:

C. Bravo, Mascherano, Alba, Montoya, Piqué, Rakitic, Sergio, Pedro, A. Iniesta. Suárez, Messi,

KEYDKA:

Ter Stegen, Adriano, Mathieu, Xavi, Rafinha, Neymar Jr, Munir

CORDOBA:

Juan Carlos, Saizar, Campabadal, Pantic, Crespo, Iñigo, Pinillos, Deivid, Borja García, Abel Gómez

KEYDKA:’

López Silva, Rossi, Fidel, Ghilas, Ekeng, Fede Cartabia, Florin

]]>
http://www.hiilkubad.com/shaxda-rasmiga-ah-kulanka-barcelona-vs-cordoba-msn-oo-aan-kusoo-wada-bilaaban/feed/ 0
Shaxda Rasmiga Ah Kulanka Aston Villa vs Man United: Falcao Oo Kusoo Bilowday http://www.hiilkubad.com/shaxda-rasmiga-ah-kulanka-aston-villa-vs-man-united-falcao-oo-kusoo-bilowday/ http://www.hiilkubad.com/shaxda-rasmiga-ah-kulanka-aston-villa-vs-man-united-falcao-oo-kusoo-bilowday/#comments Sat, 20 Dec 2014 14:14:43 +0000 http://www.hiilkubad.com/?p=5430 1419084010710_lc_galleryImage_A_merchandise_seller_dres

Radamel Falcao ayaa kusoo bilaabanaya markii ugu horeysay mudo kadib, xili Angel Di Maria iyo Rafael ay kursiga keydka si wadajir ah ugu soo bilawdeen.

Louis Van Gaal ayaa kaliya laba badal ku sameeyay kooxdii uu guusha kaga gaaray Liverpool waxaana ka maqan Fellaini oo aan xitaa kursiga fadhin halka Wilson uu kursiga keydka kusoo bilawday.

Dhanka kale benteke iyo Agbolnahor ayaa si wadajir ah weerarka ugu soo bilaabanaya halka kabtan Ron Vlaar uu markii ugu horeysay kusoo bilaaban doono.

ASTON VILLA:

Guzan, Lowton, Vlaar (c), Okore, Clark, Cissokho, Sanchez, Delph, Weimann, Agbonlahor, Benteke.

KEYDKA:

Given, Bacuna, Herd, N’Zogbia, Robinson, Grealish, Calder.

KEYDKA:

MANCHESTER UNITED:

De Gea, Jones, Carrick, Evans, Valencia, Fletcher, Mata, Rooney, Young, RvP, Falcao

KEYDKA:

Lindegaard, Blackett, McNair, Rafael, Di Maria, Januzaj, Wilson

]]>
http://www.hiilkubad.com/shaxda-rasmiga-ah-kulanka-aston-villa-vs-man-united-falcao-oo-kusoo-bilowday/feed/ 0
Raheem Sterling Oo Ku Guuleystay Abaalmarinta “Golden Boy” Ee La Siiyo Da’yarka Ugu Fiican Yurub http://www.hiilkubad.com/raheem-sterling-oo-ku-guuleystay-abaalmarinta-golden-boy-ee-la-siiyo-dayarka-ugu-fiican-yurub/ http://www.hiilkubad.com/raheem-sterling-oo-ku-guuleystay-abaalmarinta-golden-boy-ee-la-siiyo-dayarka-ugu-fiican-yurub/#comments Sat, 20 Dec 2014 13:28:30 +0000 http://www.hiilkubad.com/?p=5425 Sterling

Raheem Sterling ayaa ku guuleystay Abaalmarinta “Golden Boy” Ee la Gudoonsiiyo xidigaha da’da yar xidiga ugu wanaagsan qaaradda yurub waxeyna qaas u tahay xidigaha da’doodu ka yartahay 21-ka sano.

Raheem Sterling ayaa abaalmarintaan ku garaacay xidigaha Luke Shaw, John Stones, Calum Chambers & Eric Dier oo ah afar xidig oo ay dhalasho wadaagaan.

Asal Jamaican-ka qaatay dhalashada Ingiriiska ayaa qaab ciyaareed fiican muujiyay sanadkii 2014, madama uu kooxdiisa Liverpool u hogaamiyay iney kaalinta labaad ku dhameysato horyaalka EPL-ka.

Abaalmarintaan waxaa bixiya xiriirka UEFA waxaana u tartamayay 40-ciyaariyahan oo ka kala socda horyaalada ugu waaweyn yurub waxaana xusid mudan in EPL-ka ay ka socdeen 10-ciyaariyahan.

Waa xidigii labaad oo u dhashay England kaas oo ku guuleystay abaalmarintaan waxaana ugu dambeysay Wayne Rooney oo sidaan oo kale ugu guuleystay abaalmarintaan 2004.

XIDIGAHII U TARTAMAYAY ABAALMARINTA:

Premier League (10 players): Kurt Zouma (Chelsea), Calum Chambers (Arsenal), Adnan Januzaj, Luke Shaw (Manchester United), John Stones (Everton), Raheem Sterling, Lazar Markovic, Divock Origi (Liverpool), Nabil Bentaleb, Eric Dier (Tottenham Hotspur).

La Liga (five players): Saul Niguez (Atletico Madrid), Gerard Deulofeu (Sevilla), Aymeric Laporte (Athletic Bilbao), Sandro Ramirez, Munir El Haddai (Barcelona).

Serie A (five players): Domenico Berardi (Sassuolo), Mateo Kovacic (Inter), Bernardeschi Franco (Fiorentina), Kingsley Coman (Juventus), Keita Baldé Diao (Lazio).

Bundesliga (six players): Hakan Calhanoglu (Bayer Leverkusen), Matthias Ginter (Borussia Dortmund), Julian Green (Hamburg), Pierre-Emile Hojbjerg, Gianluca Gaudino (Bayern Munich), Maximilian Meyer (Schalke).

Ligue 1 (four players): Marquinhos, Adrien Rabiot (Paris Saint-Germain), Benjamin Mendy (Marseille), Lucas Ocampos (Monaco).

Eredivisie (three players): Tonny Vilhena (Feyenoord), Jetro Willems (PSV), Arkadiusz Milik (Ajax).

Other nominees (seven players): Oliver Torres (Porto), Bruma (Galatasaray), Gonzalez (Basel), Nikola Ninkovic (Partizan Belgrade), Luka Zahovic (Maribor), Dennis Praet, Alexander Mitrovic (Anderlecht).

SIDA LOOGU KALA GUULESYTAY TAN IYO 2003

2003 – Rafael van der Vaart (Holland; Ajax)

2004 – Wayne Rooney (England; Everton)

2005 – Lionel Messi (Argentina; Barcelona)

2006 – Cesc Fabregas (Spain; Arsenal)

2007 – Sergio Aguero (Argentina; Atletico Madrid)

2008 – Anderson (Brazil; Manchester United)

2009 – Alexandre Pato (Brazil; AC Milan)

2010 – Mario Balotelli (Italy; Manchester City)

2011 – Mario Gotze (Germany; Borussia Dortmund)

2012 – Isco (Spain; Malaga)

2013 – Paul Pogba (France; Juventus) 

2014 – Raheem Sterling (England; Liverpool)

Paul Pogba ayaa ahaa xidigii ugu dambeeyay ee abaalmarintaan ku guuleystay inkastoo haatan uusan tartanka ku jirin madama uu 21-jirsaday, Sterling ayaana noqday xidigii ugu horeeyay ee ka tirsan Liverpool oo ku guuleystay abaalmarintaan.

 

]]>
http://www.hiilkubad.com/raheem-sterling-oo-ku-guuleystay-abaalmarinta-golden-boy-ee-la-siiyo-dayarka-ugu-fiican-yurub/feed/ 0
Shaxda Rasmiga Ah Kulank Man City vs Crystal Palace http://www.hiilkubad.com/shaxda-rasmiga-ah-kulank-man-city-vs-crystal-palace/ http://www.hiilkubad.com/shaxda-rasmiga-ah-kulank-man-city-vs-crystal-palace/#comments Sat, 20 Dec 2014 12:57:16 +0000 http://www.hiilkubad.com/?p=5421 City vs Palace

Manchester City ayaa kusoo gashay weerar la’aan madama ay dhaawac yahiin Sergio Aguero, Edin Dzeko iyo Steven Jovetic, sidoo kalana kursiga keydka kuma soo bilaaban da’yarka Pozzo.

Sinclair ayaa mudo kadib kursiga ketdka kusoo bilawday, xili xidigaan uu mudo ku rafaadsan yahay kooxda Manchester City.

MAN CITY:

Hart, Zabaleta, Demichelis, Mangala, Kolarov, Fernandinho, Navas, Yaya Toure, Silva, Nasri, Milner

KEYDKA:

Caballero, Boyata, Sagna, Fernando, Lampard, Ambrose, Sinclair

CRYSTAL PALACE:

Speroni, Kelly, Dann, Hangeland, Ward, Bolasie, Jedinak, Ledley, McArthur, Puncheon, Campbell

KEYDKA:

Hennessey, Mariappa, Delaney, Bannan, Thomas, Zaha, Gayle

]]>
http://www.hiilkubad.com/shaxda-rasmiga-ah-kulank-man-city-vs-crystal-palace/feed/ 0