Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha » Suuqa http://hiilkubad.com Mon, 14 Jul 2014 18:09:08 +0000 en-US hourly 1 http://wordpress.org/?v=3.9.1 Lazar Markovic Oo Soo Gaaray Ingiriiska Si Uu Caafimaad Ugu Maro Liverpool http://hiilkubad.com/lazar-markovic-oo-soo-gaaray-ingiriiska-si-uu-caafimaad-ugu-maro-liverpool/ http://hiilkubad.com/lazar-markovic-oo-soo-gaaray-ingiriiska-si-uu-caafimaad-ugu-maro-liverpool/#comments Mon, 14 Jul 2014 18:09:08 +0000 http://hiilkubad.com/?p=29200
Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [Lazar Markovic Oo Soo Gaaray Ingiriiska Si Uu Caafimaad Ugu Maro Liverpool], All Right Reserved. 2014.
]]>
Lazar

Lazar Markovic ayaa qarka u saaran inuu ku biiro kooxda Liverpool ee ka dhisan ingiriiska iyadoo la filayo inuu noqdo saxiixii afaraad ee kooxda uu hogaamiyo Branden Rodgers xagaagan marka uu caafimaadka u maro.

Xidigaan reer Serbia ayaa Axadii duulimaad ku yimid Gobolka Mereyside iyadoo la dhowrayo haatan inuu Spire Liverpool Hospital caafimaad ku maro isagoo Anfield ku imaanaya 20 Malyan Oo Pound.

Markovic ayaa soo gaaray magaalada Liverpool iyadoo laga helay sawir uu hayo funaanada Liverpool taasoo daliil u ah inuu ku dhaw yahay ka mid noqoshada kooxda Liverpool.

Liverpool ayaa siineysa ahmiyad gooni ah xidigaan Benfica ka tirsan madama ay haatan iska iibisay Luis Suarez oo ahaa xidiga ugu miisaanka culus dhanka weerarka Barcelona ayeyna ka iibisay dhawaan.

Si Kastaba Lazar Markovic ayaa noqonaya xidigii afaraad ee Liverpool kusoo biira xagaagan kadib: Adam Lallana, Rickie Lambert iyo Emre Can oo dhamaan kala soo muuqan doona Reds.



Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [Lazar Markovic Oo Soo Gaaray Ingiriiska Si Uu Caafimaad Ugu Maro Liverpool], All Right Reserved. 2014.
]]>
http://hiilkubad.com/lazar-markovic-oo-soo-gaaray-ingiriiska-si-uu-caafimaad-ugu-maro-liverpool/feed/ 1
Paris Saint Germain Oo Arsenal Ka Dulqaaday Saxiixa Daafaca Ivory Coast Serge Aurier http://hiilkubad.com/paris-saint-germain-oo-arsenal-ka-dulqaaday-saxiixa-daafaca-ivory-coast-serge-aurier/ http://hiilkubad.com/paris-saint-germain-oo-arsenal-ka-dulqaaday-saxiixa-daafaca-ivory-coast-serge-aurier/#comments Mon, 14 Jul 2014 11:32:37 +0000 http://hiilkubad.com/?p=29185
Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [Paris Saint Germain Oo Arsenal Ka Dulqaaday Saxiixa Daafaca Ivory Coast Serge Aurier ], All Right Reserved. 2014.
]]>
Serge Aurier

Jariiradaha maalinlaha ah ee  L’Equipe ayaa tabisay in Paris Saint Germain ay heshiis la gaartay kooxda Toulouse iyadoo kala heshiineysa saxixa da’yarka reer Ivory Coast Serge Aurier.

PSG ayaa saxiixa xidigaan heerka caalami ee dhanka midig ee daafaca ku ciyaara ku garaacday Arsenal oo uu xidigaan taageero u yahay sida warbixinta lagu sheegay waxaana sidoo kale dhinac ka xiiseynayay kooxda Monaco ee Spain.

Sida ay qeexday L’Equipe Paris Saint Germain ayaa 9 Malyan Oo Euro kula heshiisay Toulouse iney ku wareejiso si ay u hesho daafacaan dhanka midig ka weerar gala.

Sidoo kale PSG ayey u tahay saxixii labaad hadii ay dhameyso heshiiska xidigaan madama ay David Luiz kala soo wareegeen kooxda Chelsea ka hor koobka Aduunka.

Aurier Waa 21-jir kasoo hilaacay horyaalka faransiiska, 6-gool ayaa magaciisa lagu qoray xiligii idlaaday isagoo sidoo kale caawinaad badan sameeyay 34-kulan oo horyaalka League 1-ka ah.



Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [Paris Saint Germain Oo Arsenal Ka Dulqaaday Saxiixa Daafaca Ivory Coast Serge Aurier ], All Right Reserved. 2014.
]]>
http://hiilkubad.com/paris-saint-germain-oo-arsenal-ka-dulqaaday-saxiixa-daafaca-ivory-coast-serge-aurier/feed/ 0
Xasaasi: Liverpool Oo Lacagtii Ugu Badneed U Gaartay Marco Reus Kuna Sii Dhawaaneyso Inay Soo Xero Galiso http://hiilkubad.com/xasaasi-liverpool-oo-lacagtii-ugu-badneed-gaartay-marco-reus-kuna-sii-dhawaaneyso-inay-soo-xero-galiso/ http://hiilkubad.com/xasaasi-liverpool-oo-lacagtii-ugu-badneed-gaartay-marco-reus-kuna-sii-dhawaaneyso-inay-soo-xero-galiso/#comments Mon, 14 Jul 2014 11:15:33 +0000 http://hiilkubad.com/?p=29187
Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [Xasaasi: Liverpool Oo Lacagtii Ugu Badneed U Gaartay Marco Reus Kuna Sii Dhawaaneyso Inay Soo Xero Galiso], All Right Reserved. 2014.
]]>
Marco-Reus-Germany

Wargeska The Guardian ayaa bogiisa hore kusoo qoray aqbaar uu ku tilmaamay mid lala yaabay madaama kooxda Liverpool ay si lama filaan ah hogaanka ugu qabatay loolanka loogu jiro saxiixa Marco Reus oo ka mid ah xidigaha aduunka ugu wanaagsan, inkastoo wiilkan lala xariirinaayay kooxda Man United hadana wargeska The Guardian ayaa sheegay in Liverpool ay saxiixa Reus ugu tala gashay aduun lacageed oo gaarayo £45m hadii uu heshiiskan hirgalo Reus wuxuu noqon doonaa cayaaryahankii ugu qaalisnaa ebdid oo ay Liverpool lasoo saxiixato.

Macalin Brenden Rodgers waxay maamulka Liverpool awood u siiyeen inuu adeegsan karo £75m ee Luis Suarez looga iibiyay naadiga Barcelona sidaa darteed tababare Rodgers ayaa aaminsan in Reus uu si wanaagsan booska Suarez u buuxin karo, wararka ayaa intaas ku daraayo in Reus uu ka careesan yahay qorshihii uu Barcelona ku aadi lahaa madaama uu bur buray sidaa darteed xidigan tayada wanaagsna diyaar ayuu u yahay inuu dalabka Liverpool aqbalo, waxaa naga xasuusin ah laacibkan inuu sanadii 2012 isaga soo tagay naadiga Monchengladbach kuna soo biiray kooxda Dortmund ilaa haatana wuxuu u saftay 90-kulan asigoo u dhaliyay 42-gool.



Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [Xasaasi: Liverpool Oo Lacagtii Ugu Badneed U Gaartay Marco Reus Kuna Sii Dhawaaneyso Inay Soo Xero Galiso], All Right Reserved. 2014.
]]>
http://hiilkubad.com/xasaasi-liverpool-oo-lacagtii-ugu-badneed-gaartay-marco-reus-kuna-sii-dhawaaneyso-inay-soo-xero-galiso/feed/ 0
Patrice Evra Oo Email Ku Ogolaaday Inuu Ku Biiro Juventus http://hiilkubad.com/patrice-evra-oo-email-ku-ogolaaday-inuu-ku-biiro-juventus/ http://hiilkubad.com/patrice-evra-oo-email-ku-ogolaaday-inuu-ku-biiro-juventus/#comments Mon, 14 Jul 2014 11:09:49 +0000 http://hiilkubad.com/?p=29176
Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [Patrice Evra Oo Email Ku Ogolaaday Inuu Ku Biiro Juventus], All Right Reserved. 2014.
]]>
Evra

Daafaca Manchester United Patrice Evra ayaa ogolaaday inuu ku biiro kooxda heysata horyaalka talyaaniga ee Juventus waxaana la ogaaday inuu xidigaan ku ogolaaday Email madama uu haatan fasax ku joogo Los Angeles.

United ayaa heshay badalka Patrice Evra kaas oo da’ noqday madama ay 30 Malyan Oo Pound kusoo xerogalisay da’yarka reer England Luke Shaw kaas oo leh miisaan culus.

Manchester United ayaa isku dayday iney xidigaan celiso kana saxiixdo heshiis hal sano ah balse haatn wuxuu doonayaa inuu isaga tago Old Trafford 8-sano kadib.

Si Kastaba Patrice Evra ayaa qeyb ka noqon doona qorshaha cusub ee Antonio Conte uu ku doonayo inuu kaga mirodhaliyo qaarada yurub madama kooxda ay Seire A-da sadex sano oo xiriir ah qaaday.



Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [Patrice Evra Oo Email Ku Ogolaaday Inuu Ku Biiro Juventus], All Right Reserved. 2014.
]]>
http://hiilkubad.com/patrice-evra-oo-email-ku-ogolaaday-inuu-ku-biiro-juventus/feed/ 0
Sky Sports: Toni Kroos Oo Xaqiijiyay Ku Biiritaankiisa Real Madrid http://hiilkubad.com/sky-sports-toni-kroos-oo-ku-biiraya-real-madrid/ http://hiilkubad.com/sky-sports-toni-kroos-oo-ku-biiraya-real-madrid/#comments Mon, 14 Jul 2014 11:00:16 +0000 http://hiilkubad.com/?p=29177
Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [Sky Sports: Toni Kroos Oo Xaqiijiyay Ku Biiritaankiisa Real Madrid], All Right Reserved. 2014.
]]>
Kroos

Kubad sameeyaha kooxda Bayern Munich Toni Kroos ayaa xaqiijiyay inuu u guurayo garoonka Bernabue si uu ugu biiro kooxda Real Madrid kadib ku guuleysigiisa Koobka Aduunka.

Sida ay xaqiijisay Sky Sports Xidiga reer Jarmal Toni Kroos ayaa ka tagaya kooxda Bayern Munich xagaagan isagoo ku biiraya Real Madrid.

24-jirkaan heerka caalami ayaa soo bandhigay kubad la jecyleysto intii uu socday koobka Aduunka isagoo dhaliyay laba gool halka afar kale uu caawiyay.

Toni Kroos waxaa lala xiriirinayay inuu ku biiro kooxda Manchester United tan iyo bishii January ee bilowga sanadkaan balse kadib kulankii Finalka ee ay xulkiisa ku qaadeen Koobka Aduunka ayaa carabkiisa kala furay isagoo xaqiijiyay inuu ku biirayo kooxda Real Madrid.

Madrid ayaa dhowr jeer lala xiriiriyaya xidigana inkastoo warar is qilaafsan oo isburiyay ay bahiyeen warbaahinta Spain intii uu socda koobka Aduunka kuwaas oo ku kala aragti duwanaa arintaan, balse haatan arinta ayaa joogta meel wanaagsan iyadoo Real Madrid ay heleyso Toni Kroos.

Waxaan dhameysanay Koobka Aduunka sida ugu wanaagsan uguna macquulsan, Hadda Waxaan aadayaa Real Madrid, sidaas darteed Laba Riyo ayaa ii rumoqday

Ayuu yiri Toni Kroos.

Toni Kroos ayaa rajeynaya inuu noqdo mid ka mid ah kubad sameeyayaasha ugu fiican yurub iyo aduunka isagoo ka garab ciyaari doona Ronaldo, Bale & Modric kuwaas oo la hubo iney baaqi kusii ahaan doonaan Bernabue.



Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [Sky Sports: Toni Kroos Oo Xaqiijiyay Ku Biiritaankiisa Real Madrid], All Right Reserved. 2014.
]]>
http://hiilkubad.com/sky-sports-toni-kroos-oo-ku-biiraya-real-madrid/feed/ 1
Arsenal Oo Qarka U Saaran Iney Lasoo Saxiixato Sami Khedira Kadib Markii Ay Real Kala Heshiiyeen Qiimahiisa  http://hiilkubad.com/arsenal-oo-qarka-saaran-iney-lasoo-saxiixato-sami-khedira-kadib-markii-ay-real-kala-heshiiyeen-qiimahiisa/ http://hiilkubad.com/arsenal-oo-qarka-saaran-iney-lasoo-saxiixato-sami-khedira-kadib-markii-ay-real-kala-heshiiyeen-qiimahiisa/#comments Mon, 14 Jul 2014 10:28:10 +0000 http://hiilkubad.com/?p=29164
Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [Arsenal Oo Qarka U Saaran Iney Lasoo Saxiixato Sami Khedira Kadib Markii Ay Real Kala Heshiiyeen Qiimahiisa ], All Right Reserved. 2014.
]]>
Khedira

Arsenal Ayaa Qarka u saaran iney sameyso saxiixeedii labaad xili ciyaareedkaan kadib markii ay soo baxeen warar cadeynaya in ay Real Madrid kala heshiisay qiimaha burburiyaha xulka Jarmalka Semi Khedira iyadoo ku qaadaneysa 23 Malyan O Pound.

Iyadoo Arsene Wenger uu todobaadkii hore lasoo saxiixday weeraryahanka reer Chile Alexis Sanchez haatan wuxuu isha ku hayaa inuu Emirates keeno xidiga xulkiisa Jarmalka la qaaday Koobka Aduunka ee Semi Khedira kaas oo wax badan ka saacidi kara khadka dhexe kooxda Gunners.

Metro oo soo xiganeysa ilo muhim ah oo ku dhaw Spain ayaa qireysa in labada kooxod ay si cad uga wada heshiyeen qiimaha xidigaan isla markaana Arsenal ay haatan ku dhaqaaqeyso dhameystirka heshiiska xidigaan.

Sami Khedira ayaa noqon doona xidigii Afaraad ee ku sugan Gunners kadib Podolski, Ozil iyo Mertesacker kuwaas oo dhamaan kaga horeeyay kooxda Waqooyiga London ka dhisan.

Sidoo kale Warbixinta ayaa tilmaameysa in Sami Khedira loo balan qaaday Mushaar dheeri ah oo gaaraya 150,000 isagoo la barbaro noqon doona Mesut Ozil oo ah saxiixa ebid ugu qaalisan kooxda Arsenal.

27-jirkaan ayaa kusoo wajahan England iyadoo kooxda Chelsea ay xiiseyneysay balse haatan wuxuu kusii dhawaanayaa inuu ka hoos ciyaaro Arsene Wenger.



Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [Arsenal Oo Qarka U Saaran Iney Lasoo Saxiixato Sami Khedira Kadib Markii Ay Real Kala Heshiiyeen Qiimahiisa ], All Right Reserved. 2014.
]]>
http://hiilkubad.com/arsenal-oo-qarka-saaran-iney-lasoo-saxiixato-sami-khedira-kadib-markii-ay-real-kala-heshiiyeen-qiimahiisa/feed/ 0
Liverpool Oo Qorsheyneysa Iney 46 Malyan Ku Soo Xerogaliso Yaya Toure & Gervinho http://hiilkubad.com/liverpool-oo-qorsheyneysa-iney-46-malyan-ku-soo-xerogaliso-yaya-toure-gervinho/ http://hiilkubad.com/liverpool-oo-qorsheyneysa-iney-46-malyan-ku-soo-xerogaliso-yaya-toure-gervinho/#comments Mon, 14 Jul 2014 08:27:45 +0000 http://hiilkubad.com/?p=29154
Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [Liverpool Oo Qorsheyneysa Iney 46 Malyan Ku Soo Xerogaliso Yaya Toure & Gervinho], All Right Reserved. 2014.
]]>
Yaya-Toure-Ivory-Coast

Liverpool ayaa muhiimad siineysa kubad sameeyaha kooxda Manchester City Yaya Toure kaas oo aan la hubin inuu sii joogayo kooxda Etihad Ku ciyaarta madam uu qilaaf xoogan soo kala dhexgalay.

Sida ay fahantay Caughtoffside, tababare Branden Rodgers ayaa sidoo kale doonaya weeraryahanka Roma Gervinho kaas oo horay kaga soo muuqday Premeir League isagoo xiran maaliyada Gunners.

Si Kastaba Liverpool ayaa 75 Malyan ka heshay iibka Luis Suarez iyadoo 46 Malyan Oo Pound diyaar u ah iney ku qarashgareyso iibka labadaan xidig ee reer Afrika kuwaas oo awood dheeri ah kusoo kordhin kara kooxda Anfield ka dhisan.

27-jirkii hore Arsenal Gervinho ayaa 12-bilood ka hor ku biiray Roma isagoo kusoo baxay xidig la isku haleyn karo wuxuuna kooxdiisa ka saaciday iney istaagto kaalinta labaad ee horyaalka Talyaaniga kana soo qeyb gasho mudo kadib Koobka Horyaalada Yurub Champions League.

Sidoo kale Gervinho ayaa loo aqoonsaday mid ka mid ah gooldhaliyayaasha ugu fiican Serie A-da markii uu dhaliyay 9-gool, sidoo kalana uu caawiyay 10-gool, 33-kulan oo horyaalka talyaaniga ah.

Sidoo kale Hogaamiyaha City Yaya Toure ayaa kusii dhawaanaya inuu ka tago kooxda iyadoo Fernando uu kusoo biiray waxaana 31-jirkaan heshiiskiisa City kaga haray sadex sano.

Kooxaha Chelsea, PSG & Barcelona ayaa isha ku haya xidigaan balse Liverpool ayaa bangiga u jabin doonta iyadoo xidigaan ku xoojin doonta khadka dhexe kooxda.



Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [Liverpool Oo Qorsheyneysa Iney 46 Malyan Ku Soo Xerogaliso Yaya Toure & Gervinho], All Right Reserved. 2014.
]]>
http://hiilkubad.com/liverpool-oo-qorsheyneysa-iney-46-malyan-ku-soo-xerogaliso-yaya-toure-gervinho/feed/ 2
Arsenal Oo Diiday Iney Bixiso Mushaarka Uu Ku Haminayo Loic Remy http://hiilkubad.com/arsenal-oo-diiday-iney-bixiso-mushaarka-uu-ku-haminayo-loic-remy/ http://hiilkubad.com/arsenal-oo-diiday-iney-bixiso-mushaarka-uu-ku-haminayo-loic-remy/#comments Mon, 14 Jul 2014 08:02:47 +0000 http://hiilkubad.com/?p=29151
Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [Arsenal Oo Diiday Iney Bixiso Mushaarka Uu Ku Haminayo Loic Remy], All Right Reserved. 2014.
]]>
Loic Remy

Arsenal ayaan ku warantay ineysan dooneyn iney la kulanto Weeraryahanka Queens Park Rangers Loic Remy kaas oo dalbaday mushaar gaar ah iyadoo kooxda ay ku tala jirto iney lasoo saxiixato xagaagan.

Arsene Wenger ayaa ku qancsan qaab ciyaareedka 25-jirkaan waana mid ka mid ah bartilamameedka ugu weyn xili ciyaareedkaan ay ku raad joogto Arsenal isagoo xili ciyaareed dahabi ah kusoo qaatay Newcastle United.

Qiimaha xidigaan waxaa lagu sheegay 10 Malyan Oo Pound kaas oo aan muran ku jirin iyadoo Arsenal ay diyaar u tahay iney bixiso qiimaha xidigaan balse Remy ayaa diiday inuu dhimo mushaar 80,000 isbuucii ah oo uu dalbaday sida ay shaacisay The People.

Arsenal ayaa adkeysay weerarkeeda xili ciyaareedka soo socda iyadoo soo iibsatay Alexis Sanchez.



Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [Arsenal Oo Diiday Iney Bixiso Mushaarka Uu Ku Haminayo Loic Remy], All Right Reserved. 2014.
]]>
http://hiilkubad.com/arsenal-oo-diiday-iney-bixiso-mushaarka-uu-ku-haminayo-loic-remy/feed/ 0
Chelsea Oo Wadahadalo La Furtay Didier Drogba Si Ay Dib Ugu Soo Celiso Stamford Bridge http://hiilkubad.com/chelsea-oo-wadahadalo-la-furtay-didier-drogba-si-ay-dib-ugu-soo-celiso-stamford-bridge/ http://hiilkubad.com/chelsea-oo-wadahadalo-la-furtay-didier-drogba-si-ay-dib-ugu-soo-celiso-stamford-bridge/#comments Mon, 14 Jul 2014 07:54:09 +0000 http://hiilkubad.com/?p=29148
Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [Chelsea Oo Wadahadalo La Furtay Didier Drogba Si Ay Dib Ugu Soo Celiso Stamford Bridge], All Right Reserved. 2014.
]]>
Soccer - Jose Mourinho and Didier Drogba File Photo

Kooxda Blues ayaa ku warantay iney wadahadalo ay dib ugu soo celinayaan Stamford Bridge la furtay halyeeygoodii hore Didier Drogba kaas oo si xor ah suuqa kala iibsiga u dhexfadhiya madama uu uu isaga tagay kooxda Galatasaray.

36-jirkaan reer Ivory Coast ayaa u dhaliyay Chelsea 100-gool, 226-kulan oo uu saftay inkastoo xili ciyaareedkii hore uu dib soo laabtay Stamford Bridge isagoo xiran maaliyada Galatasaray.

Sida ay ku warantay Daily Mail, tababare Jose Mourinho ayaa doonaya inuu hormariyo weerarkiisa isagoo kooxda kusoo celinaya Drogba oo maalmo xusuus leh kusoo qaatay kooxda Chelsea.

Xidigaan Ivory Coast ayaa 3 Horyaal la qaaday, 4 FA Cup, 2 League Cup, iyo 1 Champions League.

Didier Drogba ayaa isaga tagay Chelsea 2012 kadib 8-sano oo uu ku sugnaa Galbeed London wuxuuna markaas ku biiray kooxda Shanghai Shenhua.



Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [Chelsea Oo Wadahadalo La Furtay Didier Drogba Si Ay Dib Ugu Soo Celiso Stamford Bridge], All Right Reserved. 2014.
]]>
http://hiilkubad.com/chelsea-oo-wadahadalo-la-furtay-didier-drogba-si-ay-dib-ugu-soo-celiso-stamford-bridge/feed/ 0
RASMI: Newcastle United Oo Montpellier Kala Soo Saxiixatay Remy Cabella http://hiilkubad.com/rasmi-newcastle-united-oo-montpellier-kala-soo-saxiixatay-remy-cabella/ http://hiilkubad.com/rasmi-newcastle-united-oo-montpellier-kala-soo-saxiixatay-remy-cabella/#comments Mon, 14 Jul 2014 07:28:51 +0000 http://hiilkubad.com/?p=29142
Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [RASMI: Newcastle United Oo Montpellier Kala Soo Saxiixatay Remy Cabella], All Right Reserved. 2014.
]]>
Remy Cabella

Kooxda Newcastle United ayaa dhameystirtay heshiis 12 Malyan Oo Pound ku kacaya oo ay kula soo saxiixatay kubad sameeyaha kooxda Montpellier Remy Cabella.

Remy Cabella ayaa noqday xidigii ugu qaalisanaa oo ay lasoo saxiixato Newcastle United kadib Micheal Owen kaas oo 2005 ku yimid St James Park 16 Malyan Oo Pound.

Tababare Alan Pardew ayaa isku dayay inuu xidigaan lasoo saxiixdo bishii January ee kal hore, markaas oo Yohan Cabaye uu isaga tagay kooxda kuna biiray Paris Saint Germain.

Sidoo kale tababare Pardew ayaa sheegay in Remy Cabella uu ahaa xidig ay mudo ku raad joogeen isla markaana ay ku faraxsan yihiin saxiixiisa.

Dhanka kale Cabella ayaa ka hadlay dareenkiisa ku aadan kusoo biiritaanka Premier League iyo kooxda Newcastle.

“Dhaqaaqaan waa mid aan doonayay” Ayuu Cabela yiri, “Waxba ma aanan maqlin balse qof walba wuxuu ii sheegayaa iney tahay arin fiican qof walba oo aan la hadlo” ayuu mar kale yiri.

“Waxaan doonayay inaan koox weyn oo Ingiriis ah ku biiro waana sababta aan halkaan u imid.

24-jirkaan heerka caalami ee xulka faransiiska ayaa ka mid ahaa wiilashii kusoo hungoobay koobka Aduunka inkastoo uusan nasiib u yeelan inuu ciyaaro.



Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [RASMI: Newcastle United Oo Montpellier Kala Soo Saxiixatay Remy Cabella], All Right Reserved. 2014.
]]>
http://hiilkubad.com/rasmi-newcastle-united-oo-montpellier-kala-soo-saxiixatay-remy-cabella/feed/ 0