Arsenal ayaa guul muhiim ah ka gaartay Everton kulan ka dhacay Singapore wuxuuna ahaa finalka koobka Barclays Asia Trophy.
Theo Walcott ayaa furay bandhigga goolasha Arsenal daqiiqadii 21-aad ee ciyaarta wuxuuna caawinaad qurux badan ka helay Mesut Ozil.
Arsenal ayaa sii waday dadaalkii ay ku dooneysay iney guul ka gaarto Everton waxaana qeybtii labaad goolkii labaad u dhaliyay Santi Cazorla kaas oo banaanka xerada kubad joog hoose ah kasoo toogtay.
Mesut Ozil ayaa goolka sadexaad shabaqa la helay kaas oo isna ka hortagay goolhayaha Everton si qurux badan ayuuna u dhinac mariyay.
Koobkii ugu horeeyay ayuu gacanta ku dhigay Wenger isagoo wali ku guda jira kulamada fasaxa, Walcott ayaana weerarka la wadaagay maanta Giroud iyo Ozil.
Ugu dambeyntiina Petr Cech ayaa saftay kulankiisii ugu horeeyay Arsenal inkastoo laga dhaliyay goolkii ugu horeeyay taariikhda kooxdiisa cusub ee Arsenal, Barkley ayaana nasiib u yeeshay inuu shabaqiisa gaaro.