Macalinka xulka Portugal Fernando Santos ayaa aaminsan ineysan wax qaldan aheyn hadii ay ku tiirsan yahiin kabtankiisa Cristiano Ronaldo.
Xulka Seleccao lagu neynaaso ayaa 1-0 kaga adkaatay Italy habeenkii xalay ahaa kulan saaxiibtinimo oo ka dhacay Switzerland, balse qaabkii ay soo bandhigeen iyo awoodooda gooldhalineed waa la dhaleeceyay waxaana loo sheegay iney ku tiirsan yahiin C. Ronaldo oo habeenkii Armenia sadexley guul ku gaarsiiyay.
Balse Fernando Santos ayaa ka dhawaajiyay in koox walba ay u baahan tahay Ronaldo isla markaana ay tahay nasiib ku filan.
“Koox walba oo uu ka tirsan yahay ayaa ku tiirsan Ronaldo” ayuu yiri Fernando Santos
“Balse xulka Portugal waa koox leh awood ruuxi, waana u qalanay guushii Italy, wuxuu ahaa kulan isku dheeli tiran, waxaana nasoo maray waqtiyo wanaagsan. ciyaartoyda wey ogaayeen waxa ay ku sameynayaan garoonka waxeyna aaminsanayeen iney guuleysan karaan” ayuu hadalkiiisa ku daray Fernando Santos.
Si kastaba Portugal ayaa guushoodii ugu horeysay ka gaaray Italy mudo 40-sano ah, waana kulan lagu ciyaaray meel dhex-dhexaad ah.
Ugu dambeyntii Macalin Fernando Santos ayaa amaanay qaar ka mid ah ciyaartoysiisa gaar ahaan goolhaye Beto kaas oo bandhig qurux badan sameeyay.