Kubad sameeyaha Kooxda Barcelona Cesc Fabregas ayaa cadeeyay in riyadiisa ay tahay inuu kubada cagta kusoo afjaro Barcelona balse uu sidoo kale aqbali doono dalab walba hadii xaaladiisa ay iska badasho sida ay tahay.
Cesc ayaad moodaa inuu cabsi ka qabo inuu waayo kalsoonida Tata Martino inkastoo uu jecel yahay Joogista Camp Nou hadana wuxuu doonayaa inuu door muhiim ah ka qaato bandhiga Barcelona.
Kabtankii Hore Arsenal ayaa shaaca ka qaaday inuu aad ugu faraxsan yahay waqtigaan la shaqeynta Tata Martino isla markaana uu aad uga helay hab dhaqanka macalinkaan.
“Tata Waxaan ka bartay wax badan, mar walba waxaan qabanaa shaqo adag” ayuu yiri Cesc.
Sidoo kale Wuxuu amaanay Pep Guardiola.
“Labaduba waa laba macalin oo heer sare waxaana ay noo qabteen shaqo wanaagsan”
Ugu dambeyntii Cesc ayaa ku faraxsan doorka uu hada Barcelona ka joogo madama uu dheelo weerarka been ah.
Waxaa Aqrisay: (371)
Mogadishu - Somalia