Home » Maxaa Cusub » Chamberlain Oo Aan Arsenal U Cayaari Doonin Inta Ka Harsan Xili Cayaareedkan

Chamberlain Oo Aan Arsenal U Cayaari Doonin Inta Ka Harsan Xili Cayaareedkan


Alex-Oxlade-Chamberlain-Arsenal

Alex Oxlade-Chamberlain ayaa la sheegay inuusan kooxdiisa u safan doonin inta ka harsan xili cayaareedkan madaama dhaawac cusub oo dhanka gumaarka ah uu xidigan kusoo baxay.

21-jirkan horey ayaa sedex todobaad loo sheegay inuu dhaawac ku maqnaan doono balse haatan xaalka ayaa kusoo xumaaday madaama ay dhibaato hor leh kusoo baxday midaas oo ka dhigan inuu nasiino ugu yaraan sedex todobaad kale u baahnaan doono.

Macalin Arsene Wenger oo ka hadlaayo xaalka laacibkan wuxuu yiri “Haatan dhaawac cusub oo dhanka gumaarka ah ayaa kusoo baxay sidaa darteed Alex mudo dheer ayuu naga manqnaan doonaa”

Arsenal ayaa haatan kusoo baxday naadi aan la hor istaagi karin madaama ay guuleesatay 15-ka mid ah 17-kulan ee ugu dambeeyay haatana kaalinta labaad ayay fadhisaa Premiership-ka England waxayna joogtaa nus dhumaadka tartanka FA Cup-ka.

Balse Alex Oxlade-Chamberlain nasiib xumo kooxdiisa kama caawin karo hadafka u dagsan inta ka harsan xili cayaareedkan.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>