Kulankii ugu xiisaha badnaa todobaadkan Premiership-ka England ayaa lagu kala baxay waxayna noqotay xaalka in Chelsea iyo Liverpool ay dhibacaha wadaagaan.
Cayaartan waxay qaas u noqon doontaa labada kabtan ee labadan naadi madaama John Terry iyo Steven Gerarrd goolasha dhaliyeen kul 1-1 lagu kala baxay.
Kulankan Liverpool waxaa lagu qasbay inay sharfaan oo ay sacabo tumaan kooda Chelsea oo ah guuleestayaasha horyaalka England.
Macalin Mourinho xili cayaareedkii hore Liverpool isaga ayaa dhaafsiiyay horyaalka halka uu xili cayaareedkan ku qasbay Liverpool inay isaga u sacabo tumaan kadib markii uu EPL Blues u qaaday.
Chelsea ayaa hogaanka xili hore la wareegtay waxaana gool muhiim ah madaxa ugu dhaliyay kabtan John Tery daqiiqadii 5-aad.
Daafacan ayaa gool u badalay kubad koorno ahayd ee uu Cesc Fabregas soo qaaday wuxuuna ka dul booday Rickie Lambert oo Liverpool ka tirsan.
Chelsea ayaa fir fircooneed qaybihii hore ee kulanka weliba Liverpool fursado goolal loo filan karo ayaa lagu helay laakiin uma suura galin in hogaanka cayaarta uu wax iska badalo.
Chelsea oo cayaarta ku gacan sareyso waxaa ka dhawaacmay Kurt Zouma waxaana lagu badalay Garry Cahil dabcan macalin Mourinho badal uusan rabin ayaa lagu qasbay.
Liverpool ayaa dhankeeda dhaqaaq dheeri ah la timid waxaana cayaarta 1-1 ka dhigay kabta Steven Gerrard oo madaxa ku dhaliyay kubad koorno ahayd ee uu Jordan Henderson soo karoosay.
Qaybtii hore ayaa bar bar dhac 1-1 lagu kala nastay waxaana isku jawaabeen labada kabtan ee ruug cadaayaasha ah John Terry iyo Steven Gerrard.
Qaybtii labaad markii la isku soo laabtay labadan naadi kubad furan ayay cayaareen midaasn oo halis u galain kartay labada dhinac in goolal badan laga dhaliyo.
Hazard iyo Fabregas ayaa kubado badan abuureen balse labadan xidig uma suura galin inay daafacyada Liverpool dhex qaadaan si ay goolal u dhaliyaan.
Dhanka kale Coutinho ayaa isagana daafacyada Chelsea aad u dhibay marar badan asigoo sameeyay isku dayo kala duwan.
Macalin Rodgers ayaa qaybtii dambe badal kusoo galiyay xidiga dhalinta Jordon Ibe kaasi oo Chelsea aad u dhibaateeyay weliba Felipe Luis oo garabka bidix cayaarayay ayuu marar badan ka tilaabsaday.
Liverpool ayaa cadaadis dheeri ah saartay kooxda Chelse qaybihii ugu dambeeyay kadib markii 4-daqiiqo lagu daray.
Ugu dambeyntii kulankan ayaa 1-1 kusoo idlaaday taasi oo ka dhigan inay labadan naadi dhibacaha kala qaateen balse waxay tani ka dhigan Liverpool inay ka quusatay rajadii ay ka qabtay kaalinta 4-aad.
Madaama ay Liverpool haatan 6-dhibcood ka hooseyso Man United oo booska 4-aad ku jirto waxaa horyaalka ka dhiman labo kulan sidoo kalena farqiga goolasha Liverpool 14-gool ayaa la dheer yahay!!