Wargeska Mirror ayaa qoray in daafaca xulka France Raphael Varane uu xagaagan isaga tagi doono kooxdiisa Real Madrid madaama uu dhibsaday qaabka uu tababare Carlo Ancelotti ula dhaqmo.
Sidaa darteed kooxaha Chelsea iyo Man United ayaa doonayaan inay ka faa’iideestan xurgufta Raphael Varane kala dhaxeyso kooxdiisa Real Madrid.
Sidoo kale Mirror waxay sheegtay in Chelsea ay diyaar la tahay €40 million inay Varane Real Madrid kaga soo qaadato xagaagan waana qiimo lacageed oo ay kooxda reer Spain diidikarin.
Varane oo qiraayo sida loogu liiday Madrid wuxuu yiri “Marka aad fiirisid kulamo badan ayaan cayaaray qaybta dambe ee xili cayaareedkan waxaana ugu wacan in kooxda ay dhaawacyo badan asiibeen”
“Midaas waxay ka dhigan tahay inaan ahayn cayaar muhiim ka ah kooxda waana ku qasbanahay inaan xagaagan qaato hadaf dan u ah mustaqbalkeyga cayaareed”
Varane kaliya 14-kulan ayaa lagu soo laabay dhamaan kulamada ay Real Madrid xili cayaareedkan cayaartay inkastoo uu ka mid yahay daafacyada ugu wanaagsan qaarada Yurub.
Sidaa darteed daafacan dhalinta yar waxaa loo badinaa in Chelsea ama Man United uu usoo dhaqaaqo marba hadii uusan kooxdiisa boos joogto ah ka heesann.