Home » Maxaa Cusub » Chelsea, Man City, Man United, Arsenal Iyo Liverpool Oo Guulo Muhiim Ah Gaareen

Chelsea, Man City, Man United, Arsenal Iyo Liverpool Oo Guulo Muhiim Ah Gaareen


Blues last

Kulamadii laga cayaaray EPL waxaaa kasoo baxay natiijooyin isku mid ah madaama inta badan kooxaha safka hore kaga jiraan horyaalka ay dhamaantooda wada guuleesteen.

Tani waxay ka dhigan tahay in dhamaan 7-naadi ee ugu sareeyo horyaalka England inay wada guuleesteen sidaa darteed dhanka kala horeynta safka hore waxba iskama badilin wareegan..

Kooxda Chelsea oo EPL horkaceyso ayaa hogaankeeda ilaaashatay madaama ay 1-0 ku qaarijisay kooxda West Ham United kulan ka dhacay garoonka Upton Park.

West Ham v Chelsea

Blues ayaa kaga mahad celineyso guushan muhiimka ah Eden Hazard oo daqiiqadii 23-aad goolka ay Chelsea ku badisay dhaliyay.

Kooxda Man City oo rajo ka qabto inay Chelsea soo qabato ayaa iyadana 2-0 ku suul daartay naadiga Leicester cayaar ka dhacday garoonka Etihad.

Man City v Leicester

Kulankan xiisaha badan City waxaa goolasha  dhaliyeen David Silva daqiiqadii 45-aad iyo James Milnet daqiiqadii 88-aad.

Geeska kale Man United ayaa guul qaali ah kasoo heshay naadiga New Castle wuxuuna macalin Van Gaal ku farxay in kooxdiisa ay dhibco kusoo qaadato meel ka baxsan garoonkeeda.

MAN UTD

Ashlay Young ayaa Man United u dhaliyay goolkan ahmiyada weyn u leh kooxdan daqiiqadii 89-aad wuxuuna Young kooxdiisa siiyay dhibco qaali ah madaama horyaalka dhan walbo la iska heesto.

Kooxda Arsenal oo iyadana u safartay naadiga QPR ayaa guul lasoo laabatay kadib markii ay 2-1 sedexda dhibcood ku qaadatay waxaana goolasha Gunners u dhaliyeen Olivier Giroud daqiiqadii 64-aad iyo Alexis Sanchez daqiiqadii 69-aad.

QPR v Arsenal

Kooxda QPR waxaa goolka u dhaliyay weeraryahankooda Charlie Austin daqiiqadii 82-aad balse midaas guuldaro kama bad baadinin.

Naadiga Liverpool oo iyadana Anfield ku qaabishay kooxda Burnley ayaa 2-0 guusha ku qaadatay waxayna Reds gaartay guul weyn ayadoo weli sanadkan 2015 dhinaceeda dhulka la dhigin.

Liverpool 2-0 Burnley: Henderson & Sturridge strike for in-form Reds

Liverpool goolasha waxaa u dhaliyeen Jordan Henderson daqiiqadii 29-aad iyo Daniel Sturridge daqiiqadii 51-aad waxaana kubada caawinaad ka geestay Henderson.

Tottenham v Swansea

Ugu dambeyntii kooxda Tottenham ayaa iyadana si dhib badan 3-2 dhibcaha kaga qaadatay naadiga Swansea City balse guushan Spusr siweyn ayay ugu baahneyd madaama ay halgan ugu jirto kaalinta 4-aad.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>