Home » Horyaalada » italian Serie A » Chelsea, Man United Iyo Man City Wakiilo Ka Socdaan Oo Dabagal Ku Hayaan Qaab Cayaareedka Mauro Icardi

Chelsea, Man United Iyo Man City Wakiilo Ka Socdaan Oo Dabagal Ku Hayaan Qaab Cayaareedka Mauro Icardi


Mauro Icardi

Kulankii ugu dambeeyay ee kooxda Inter Milan cayaartay Serie A-da waxaa usoo daawasho tageyn wakiilo ka socdaan kooxaha Chelsea, Man United iyo Man City wuxuuna qorshahooda ahaa inay qiimeyn gaar ah ku sameeyaan weeraryahanka laga daba dhacay Mauro Icardi.

Weeraryahanka reer Argentina wuxuu ka mid yahay dhalinta ugu wanaagsan qaarada Yurub sidoo kalena waa hubaal in kooxdiisa Inter Milan ay xagaagan iska iibin doonto.

Madaama Inter ay ku adag tahay xili cayaareedkan inay ka mid noqoto sedexda naadi ee sanadka dambe Talaaniga u matali doono koobka horyaalada Yurub waxay kooxdan ku qabsanaan doontaa inay Icardi iska iibiso.

Inter Milan ayaa xagaaga nagu soo fool leh u baahan lacago ay suuqa Yurub ku gasho sidaa darteed Mauro Icardi ayay lacago fiican iibkiisa ka heli kartaa waxaana xidigaan madaxiisa dul taalo 45-milyan oo euro ah.

Chelsea, Man United iyo Man City dhibaato kuma ahan in lacagahan ay bixiyaan sidaa darteed koox walbo waxay saraakiil ugu dirtay dalka Talyaaniga inay qiimeyn ku sameeyaan qaab cayaareedkiisa iyo inuu naadi walbo nidaamka ay cayaarto ku haboon yahay.

Sidoo kale Mauro Icardi naadiga Atletico Madrid ayaa damac weyn kaga jiraa inay la saxiixato xili cayaareedka dambe.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>