Home » Maxaa Cusub » Chelsea Oo 10 Malyan Ku Beecineysa Cech & Wararkii Ugu Dambeeyay Suuqa Kala Iibsiga Maanta Oo Arbaco Ah

Chelsea Oo 10 Malyan Ku Beecineysa Cech & Wararkii Ugu Dambeeyay Suuqa Kala Iibsiga Maanta Oo Arbaco Ah


Transfer-Rumours

 Maanta oo Arbaco ah ayaan jeclnahay inaan idiin soo koobno wararkii ugu dambeeyay xanta suuqa kala iibsiga ciyaartoyda iyo waxyaabihii ugu dambeeyay oo ay qoreen wargeysyada.

Xanta Suuqa ee aan soo gudbineyno masuul kama nicin dhabnimada wararkaan madama aan u xaglin doono halka aan kasoo xiganay.


Mustaqbalka Angel Di Maria ee Old Trafford ayaa mugdi baahsan uu soo galay kadib markii Louis Van Gaal uu dhaleeceyay bandhigii xidigaan uu soo bandhigay kulankii Liverpool ee Axadii.

Sida ay qortay: Manchester Evening News

Tababare Arsene Wenger ayaa diyaar u ah inuu miiska u saaro Manchester United Aduun lacageed dhan 12 Malyan Oo Pound si uu kaga helo Cris Smalling.

Sida ay qortay: Daily Mirror

Daafaca reer Belgium ee amaahda ku jooga Southampton Toby Alderweireld ayaa ka dhawaajiyay inuu dalab ka helay Tottenham, isagoo ka dhawaajiyay inuu jecel yahay ka garab ciyaarida saaxiibkiisii hore Ajax Jan Vertonghen.

Sida ay qortay: Daily Telegraph

Chelsea ayaa wakiilo soo qiimeeya qaab ciyaareedkiisa u dirtay Felipe Anderson oo ka tirsan SS Lazio kaas oo heshiis ilaa 2020-ka ah kula jira kooxdiisa.

Sida ay qortay: London Evening Standard

Radamel Falcao ayaa doonaya inuu isaga hayaamo garoonka Old Trafford hadii uu taageero ka waayo macalin Louis Van Gaal waqtiga ka haray amaahda uu ku joogo kooxda United.

Sida ay qortay: The Sun

Manchester United ayaa ku rajo weyn iney saxiixa daafaca Porto DANILo kaga adkaato kooxda Real Madrid, xili xidigaan uu farxad u arko in lala xiriiriyo kooxda Los Blancos ee Madrid ka dhisan.

Sida ay qortay: Manchester Metro

Weeraryahanka Everton Steven Naismith ayaa doonaya inuu dib ugu laabto kooxdisii hore Rangers, isagoo iska diiday inuu arinkaas beeniyo.

Sida ay qortay: Liverpool Echo

Kooxda Chelsea ayaa 10 Malyan Oo Pound ku beecineysa goolhaye Peter Cech kaas oo ay isku heystaan kooxaha PSG, Liverpool, Arsenal iyo Real Madrid.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>