Wararka laga helaayo gudaha garoonka Stamford Bridge ayaa sheegayo in kooxda Chelsea ay qorshe xoogan ku dooneyso inay kula soo saxiixato £115m labo ka mid ah xidigaha aduunka ugu wanaagsan.
Wargeska The Metro ayaa xogtan helay wuxuuna wargeskan sheegay in Blues ay adaal adag ugu jirto sidii ay kula soo saxiixan laheed xagaaga dambe labada xidig ee kala ah Grathe Bale iyo Marco Reus.
Inkastoo Chelsea oo haatan heesato weerarka ugu wanaagsan Premiership-ka England sida Costa, Hazard, Oscar iyo Cesc hadana macalin Mourinho wuxuu doonayaa inuu dhiso boqortooyo awood badan oo aan loo dhawaan karin.
Madaama Reus uu ka biyo diiday inuu kooxdiisa Dortmund heshiis cusub u saxiixo waxayn Chelsea xidigan kusoo xero galin doontaa £25m waana qiimaha qandaraaskiisa lagu jebin karo.
Sidoo kale Chelsea ayaa dooneyso inay Grathe Bale kusoo iibsato £90M waana qiimaha ay Madrid xidigan ku fikireyso inay xagaaga dambe ku iibsato balse Chelsea waxay loolan culus kala kulmi doontaa Man United oo iyadana Bale xiiso weyn u qabto.