Wargeska Gazzetta dello Sport ayaa sheegay in kooxda Chelsea ay haatan xooga saari doonto soo xero galinta weeraryahanka Atletico Madrid Antoine Griezmann.
Blues ayaa horey u sheegtay xiisaha ay u qabto xidiga reer France waxayna dooneysaa inay xili cayaareedka dambe lasoo shirtagto si uu weerarka kooxdan u xoojiyp.
Warbixin cusub ayaa lagu sheegay in Chelsea ay Mohamed Salah ku wareejin doonto iyo lacago dheeri ah dhigeeda Atletico si ay Antoine Griezmann kaga hesho.
Atletico Madrid waxay horey u sheegtay in Griezmann ay kaga samri karto £46m waana qiimo aad u sareeyo oo ay koox walbo dib kaga sikatay.
Haatan Chelsea waxay dooneysaa Salah oo 23-jir ah iyo lacago dheeri ah inay Atletico siiso waana qorshe macquul ah oo ay kooxda reer Spain soo dhaweyn doonto.
Griezmann ayaa xili cayaareedkii dhawaa kooxdiisa Atletico Madrid u dhaliyay 22-gool asigoo u saftay 37-kulan La Ligaha Spain wuxuuna haatan ka mid yahay dhalinta ugu wanaagsan qaarada Yurub.
Macalin Jose Mourinho ayaa xidigan taageero u ah wuxuuna doonayaa inuu xili cayaareedka dambe weerarka Blues kula lamaaneysiiyo Diego Costa.
Chelsea iyo Atletico Madrid waxaa ka dhaxeeyo xiriir wanaagsan balse waxaa la sadaalinaa in arinka Griezmann ay mudo isku jiid jiidi doonaan madaama Chelsea diyaar la ahayn inay bixiso lacagaha xiidgan qandaraaskiisa lagu jebin karo.