Home » Maxaa Cusub » Chelsea Oo Dalab Ku Aadan Oxlade-Chamberlain U Gudbisay Kooxda Arsenal

Chelsea Oo Dalab Ku Aadan Oxlade-Chamberlain U Gudbisay Kooxda Arsenal


Alex-Oxlade-Chamberlain-Arsenal-Crystal-Palace

The Sun ayaa daaha ka qaaday in kooxda Chelsea ay isku diyaarineyso inay xagaagan lasoo saxiixato xidigaha xulka England iyo kooxda Arsenal khadka dhexe kaga cayaaro Alex Oxlade-Chamberlain.

The Sun ayaa sheegay in Blues ay haatan dalab 20-milyan oo pound dhigeeda Arsenal u gudbisay sidoo kalena ay ku rajo weyn tahay in qiimahan laga aqbali doono.

Macalin Mourinho ayaa diyaar u ah inuu sare usii qaado dalabka ay Arsenal u direen hadii ay ku gacan seeraan madaama uu xidigan qaab cayaareedkiisa aad u xiiseeyo.

Qorshaha kowaad ee Chelsea wuxuu markii hore ahaa in Oxlade-Chamberlain looga badasho goolhaye Petr Cech balse haatan Blues dalab toos ah ayay dhigeeda Arsenal u gudbisay.

Xili cayaareedyadii dhawaa Oxlade-Chamberlain dhaawacyo kala duwan ayaa ragaadiyeen sidoo kalena xili cayaareedkii dhawaan soo idlaaday kaliya 17-kulan ayuu kusoo bilaawday Premiership-ka England.

Macalin Mourinho ayaa doonayo inuu Oxlade-Chamberlain boosas badan ka cayaarsiiyo sidoo kalena uu Line Up-ka Chelsea kula tartamo Willain oo inta badan garabka midig ee khadka dhexe Blues kaga cayaaro.

Arsenal sanadii 2011 ayay xidigan dhalinta yar lasoo saxiixatay waxayna kala soo wareegtay naadiga Southampton balse xagaagan culees weyn ayay ku noqon doontaa inay ka hor istaagto dalabka sare ee dhanka Chelsea kaga yimid Oxlade-Chamberlain.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>