Chelsea ayaa keentay fikir ah iney Filipe Luis dib ugu celiso kooxda Atletico Madrid madama uu xidigaan ku fashilmay inuu kooxda boos joogto ah ka helo.
In Atletico Madrid dib loogu celiyo Luis waxaa ku lamaanan baadi goob ay Chelsea ugu jirto xidiga da’da yar ee khadka dhexe kaga ciyaara kooxdaas Koke.
Jose Mourinho ayaa aaminsan in Atletico Madrid ay ogolaan doonto iney heshiiska uu Koke ku imaanayo Stamford Bridge laga qeyb galiyo Filipe Luis madama ay dib u helidiisa baahi weyn u qabaan.
Sida ay qortay London Evening Standard, kooxda hogaanka u heysa Premier League-ga ayaa diyaar u ah iney bixiso lacagaha lagu jabin karo heshiiskiisa oo ah 48 Malyan Oo Pound, balse ay ku rajo weyn tahay iney lacago ka hesho iibka Filipe Luis.
Filipe Luis xili ciyaareedkaan bilowgisii ayuu Chelsea kusoo biiray waxaana soo baxayay warar sheegaya inuu doonayo ka tagitaanka London.
Ugu dambeyntii Koke ayaa heshiis cusub kooxdiisa u saxiixay bishii ee sanadii hore kaas oo mudo badan ku heyn kara Vincent Calderon.