Home » Maxaa Cusub » Chelsea Oo Dooneyso Inay Weeraryahanka Liverpool Ku Fashilmay Rickie Lambert Lasoo Wareegto

Chelsea Oo Dooneyso Inay Weeraryahanka Liverpool Ku Fashilmay Rickie Lambert Lasoo Wareegto


lambert-drogba-main

Kooxda Chelsea ayaa dooneyso inay xagaaan lasoo saxiixato weeraryahanka LIverpool ku fashilmay Rickie Lambert waxaana la hubaa in xidigan Anfield laga diri doono.

Chelsea aya dooneyso inay Lambert galiso booska halyee Didier Drogba oo xagaagan Stamfird Bridge isaga tagi doono waxaana Drogba lagu wadaa inuu Waqooyiga Ameerika u dhaqaaqo.

33-jirkan waxaa si gaar ah u doonayo macalin Jose Mourinho wuxuuna macalinkan rabaa inuu xidigan kursiga u fariisto sidoo kalena uu kulamada qaar cayaarsiiyo xili cayaareedka dambe.

Lambert isagaba ma diidi dooo fursada uu ka mid noqonaayo Chelsea oo dhawaan loo caleemo saaray guuleestayaasha horyaalka England.

Lambert ayaa ku guul dareestay inuu Liverpool boos ku yeesho inkastoo xili cayaareedkii hore uu kooxda Southmpton siweyn uga dhex muuqday.

Lambert bilawgii sanadkan wuxuu qarka u saarnaa inuu ku biiro kooxda Aston Villa oo £5million ku qaadan rabtay balse xidigan ayaa iska diiday wuxuuna ka door biday inuu Liverpol lasii joogo.

Balse uma suura galin inuu Lverpool door ku yeesho qaybihii dambe ee xili cayaareedkan sidaa dartee Lambert diyaar ayuu u noqon doonaa inuu xagaagan dalabka Chelsea ka faa’iideesto.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>