Laba gool oo ay kala dhaliyeen Eden Hazard iyo Ivanovic ayaa guul u horseeday Blues, xili Hull City ay barbaro galisay Manchester City.
Eden Hazard ayaa hogaanka u dhiibay Chelsea daqiiqadii 7-aad ee ciyaarta markii uu lugta midig raacsiiyay kubad qurux badneyd oo uu ka helay Willian inkastoo markii hore uu kubada kasoo shaqeeyay Oscar.
Aston Villa wiilasheeda ayaa weeraro goos goos ah ugu jawaabay goolka Chelsea, inkastoo garsooraha uu arki waayay kubad uu gacanta ku taabtay Ramires oo ku dhex jira xerada ganaaxa.
Gabriel Agbolnahor ayaa madax joog sare ah ku riday goolka Chelsea markii uu helay karoos dheer oo ka yimid Fabian Delph.
Oscar ayaa laga badbaadiyay kubad hal iyo hal ah oo geesta laga siiyay, si fiican ayuu goosha u aadiyay balse Guzan ayaa ka diday inkastoo uu fursad u heystay inuu siiyo Willian iyo Drogba.
Hazard ayaa si fiican kubad uga soo shaqeeyay, isagoo farta ka saaray kubada Ramires oo cadaadis lagu hayo, xidiga reer Brazil si fiican ayuu u qaatay, balse Clark ayaa ka saaray.
Gil ayaa si fiican uga xariiftamay Oscar isagoo xawaare ku galay xerada ganaaxa, kubad joog sare ayuuna dhex dhigay goolka Chelsea, inkastoo Terry uu saaray kubadaas, mar kale ayey Aston Villa weerar heshay Courtios ayaana ka saaray.
qeybta hore ciyaarta ayaa lagu kala maray 0-1, oo ay hogaanka ku heyso kooxda Chelsea, iyadoo goolkaas kaga mahdineysa Eden Hazard.
Qeybtii labaad ayaa lasoo laabtay iyadoo wiilasha Paul Lambert ee martida loo ahaa ay bilaabeen iney xoog saaraan Chelsea iyagoo weeraro kusoo qaadaya.
Jores Okore ayaa madax ku barbareeyay Chelsea isagoo si qurux badan kubada dhulka ugu dhuftay markii uu laad qurux badan ka helay Carles Gil oo si qurux badan uga soo xariiftamay Oscar daqiiqadii 48-aad ee ciyaarta.
Willian ayaa si qurux badan isugu dayay kubad xatooyo ah inuu gool u badalo balse geesta ayey martay, wuxuuna ahaa isku day qurux badanl.
Mar kale wiilka reer Brazil ayaa si qurux badan kubad ula beegsaday goolka Aston Villa balse geesta ayuu mariyay mar kale.
Chelsea ayaa boorka iska jaftay markii ay ciyaarta hogaanka u qabatay Ivanovic ayaana kubad qurux badan ku dhameestiray lugtiisa bidix daqiiqadii 66-aad ee ciyaarta.
Juan Cuadrado oo ah saxiixa cusub ee Chelsea ayaa badal kusoo galay waxaana lagu badalay Willian isagoo fursad u helay inuu Villa Park garoon ugu galo Blues.
Wiilasha Paul Lambert ayaa dadaal xoog leh sameeyay, balse waxba uma suuragalin madama ay gurigooda guuldaro ku gudoomeen.
Chelsea ayaa gaartay guul muhiim ah madama ay dheereysatay hogaanka iyadoo ku qabaneysa 7-dhibcood madama Manchester City barbaro lagu celiyay iyadoo ku sugan gurigeeda.