Home » Maxaa Cusub » Chelsea Oo Guul Ka Gaartay West Brom Oo 10-Xidig Ku Ciyaareysay Kulan Ka Dhacay Stamford Bridge

Chelsea Oo Guul Ka Gaartay West Brom Oo 10-Xidig Ku Ciyaareysay Kulan Ka Dhacay Stamford Bridge


Diego Costa iyo Eden Hazard ayaa guul u keenay Blues kulan ay Stamford Bridge ku garaaceen West Bromwich Albion oo marti aheyd, goolhaye Foster ayaa soo bandhigay qaab ciyaareed qurux badan kadib markii uu badbaadooyin badan sameeyay walow Blues ay haatan 7-dhibcood hogaanka kaga heyso Southampton oo kulan baaqi u yahay.

John Terry ayaa u dhawaaday inuu hogaanka u dhiibo Chelsea daqiiqadii 4-aad ee ciyaarta markii kubad ay si fiican isugu soo dhufsadeen Fabregas iyo Hazard uu ka helay meel aan ka fogeen goolka, si qurux badan ayuu u sameeyay balse goolhaye Foster ayaa si aan caadi aheyn u badbaadiyay.

Diego Costa ayaa gool qurux badan hogaanka ugu dhiibay Chelsea daqiiqadii 12-aad ee ciyaarta, Oscar ayaa si qurux badan karoos usoo qaaday ka hor inta uusan Diego Costa xabadka si fiican ugu koontoroolin isla markaana shabaqa ugu hubsan si habsami leh, walow ciyaartoyda West Brom ay offside ku tilmaameen.

Blues ayaa mar kale u dhawaatay iney hogaanka qabato markii Hazard oo kubad la dhutinaya uu si tartiib ah ugu qiyaanay Oscar oo isna kubad xoogan oo lama filaan ah u dhiibay goolka, Foster ayaa badbaadiyay sidoo kalana Costa ayaa isku dayay balse waa laga badbaadiyay.

Eden Hazard ayaa hogaanka u dheereeyay Chelsea daqiiqadii 24-aad ee ciyaarta markii kubad koorne aheyd si qiyaasmeysan loogu dhiibay isagoo ku sugan xerada ganaaxa, wiilka reer Belgium si fiican ayuuna u dhameystiray.

Hazard ayaa shaqo fiican qabanaya, waqtigii dhimashada ayuu kubad aan caadi aheyn ka helay Cahil, si fiican ayuu goolhaye Foster isugu dayay inuu u qajilo, balse uma noqon oo waa laga saaray.

Chelsea ayaa dhinac walba kaga fiicneed West Brom qeybtii hore ciyaarta, iyadoo wiilasha Jose Mourinho aysan dhib kala kulmin dhigooda, mana jirin qatar ay gashay oo gool loo filan karay.

Qeybtii hore ciyaarta ayaa kusoo dhamaatay 2-0, oo ay ku hogaamineyso kooxda Blues ee martida loogu ahaa Stamford Bridge, balse markii la isku soo laabtay Blues ayaa halkeedii kasii wadatay dadaalkii ay ku dooneysay iney ku garaacdo West Brom.

Blues ayaa heshay koorne, iyadoo si gaadmo ah loogu baasay Oscar, kaas oo isna si aan caadi aheyn ugu gudbiyay Matic oo iska qasaariyay kubad goolka u furneed daqiiqadii 46-aad ee ciyaarta.

Willian ayaa si qurux badan ula galay goolka kubad inkastoo uu damcay inuu banaanka soo dhigo hadana daafac West Brom ah ayey ku dhacday taasoo kubada halis ku galisay goolkiisiisa daqiiqadii 49-aad ee ciyaarta.

Fabregas ayaa kubad qurux badan u dhiibay Hazard, inkastoo xidiga reer Belgium uu kubada ka laba-labeeyay habkii uu goolka u dhalin lahaa waxey sahashay in goolhaye Foster uu kad badbaadiyo daqiiqadii 71-aad ee ciyaarta.

Ciyaarta waxey noqotay mid caajis ah madama aay hal dhinac ka socotay kaliya, Blues ayaana aheyd kooxda mar walba maamulka ciyaarta iska heysata iyadoo wiilasha 9-ka xidig xidig ku ciyaarayay ee West Brom ay u ekaayeen kuwo iska ilaalinayay in lagu fogeeyo goolasha.

Ugu dambeyntii Blues ciyaarta aya kusoo dhamaatay 2-0, oo ay guusha ku raacday Blues oo awood dheeri ah soo bandhigtay, waxeyna haatan hogaanka 8-dhibcood kaga hayaan Manchester City oo iyana guul ciriiri ah ka gaartay Swansea City.

Blues haatan kooxda kusoo xigta ee Southampton waxey ka sareysaa 7-dhibcood, taas oo Isniinta la balansan Aston Villa kulankeeda isbuucaan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>