Maalin waali ah ayey aheyd iyadoo ciyaaro cajiib ah ay ka dhaceen horyaalka Ingiriiska waxeyna dareemo gooni u laheyd dadyow kala duwan oo midba xaalad ku sugnaa.
Wuxuu ahaa todobaadkii ugu dambeeyay horyaalka Ingiriiska xili ciyaareedka 2014/2015, waxaana guulo kusoo xiray kooxaha Chelsea, Arsenal & Manchester City kuwaas oo guulo kala gadisan ka gaaray kooxaha Southampton, Sunderland iyo West Brom.
Chelsea 3 – 1 Sunderland
Kooxda Blues ayaa guul kusoo xirtay xili ciyaareedkaan kadib markii ay 3-1 ku garaacday Sunderland kulan qurux badnaa oo ka dhacay Stamford Bridge.
Blues ayaa soo xirtay xisaab dhibco ah oo gaareysa 87-dhibcood, waxaana kulankiisii ugu dambeeyay ciyaaray Didier Drogba.
Sunderland ayaa goolasha bilawday daqiiqadii 26-aad ee ciyaarta waxaana dhaliyay Steven Fletcher kas oo caawinaad ka helay Adam Johnson.
Diego Costa ayaa barbaro u keenay Blues markii uu si tartiib ah u dhameystiray rigoore lagu abaalmariyay daqiiqadii 37-aad ee ciyaarta.
Qeybtii hore ciyaarta ayaa lagu kala maray 1-1, oo ay labada kooxood ku qanceen, balse markii la isku soo laabtay Loic Remy ayaa dhaliyay laba gool.
Remy ayaa shabaqa gaaray daqiiqadii 70-aad ee ciyaarta markii uu caawinaad ka helay Eden Hazard, mar kale ayuuse shabaqa gaaray hadana daqiiqadii 88-aad ee ciyaarta waxaana caawinta goolkaan lahaa Nemanja Matic.
MANCHESTER CITY 2 – 0 SOUTHAMPTON
Lampard ayaa dhaliyay goolkiisii ugu dambeeyay Horyaalka Ingiriiska, sidoo kalana Aguero ayaa dhaliyay goolkiisii 26-aad ee xili ciyaareedkaan EPL-ka isagoo xalaaleystay abaalmarinta Golden Boot.
Lampard ayaa bilaabay bandhigga goolasha Manchester City daqiiqadii 31-aad ee ciyaarta isagoo caawinaad ka helay wiilka ay isku dhalashada yahiin ee James Milner.
Sergio Aguero ayaana dhamaaadkii ciyaarta dhaliyay gool uu caawintiisa lahaa Eliaquim Mangala, waxeyna ka dhigan tahay guushaan iney City ku dhameysatay booska labaad ee horyaalka isla markaana ay awoodi weysay iney difaacato horyaalka
HULL CITY 0 – 0 MAN UNITED
Hull City ayaa awoodi weysay iney ka badbaaado u laabashada heerka labaad kadib markii ay gurigeeda barbardhac kula gashay Man United oo goor hore xaqiiqsatay kaalinteeda afaraad ee horyaalka.
Kulan lagu caajiso ayuu ahaa labada kooxoodna sooma bandhigin ciyaar la jeclesyto walow jamaahiirta Hull ay muujinayeen murugo madama Newcastle ay goolal ka dhalisay West Ham.
Angel Di Maria ayaa dhaawac looga saaray ciyaarta qeybtii hore waxaana lagu badalay Adnan Januzaj, waxeyna ciyaarta ugu dambeyntii kusoo dhamaatay gool la’aan walow laba gool oo offside ah ay dhaliyeen wiilasha Hull.
Steven Bruce iyo kooxdiisa heerka labaad ayey u laabteen.
Horyaalka Ingiriiska ayaana lasoo afjaray xili ciyaareedkiisa 2014/2015, waxaana kaliya la sugi doonaa bilaabashada xili ciyaareedka 2015/2016.