Waxaan jecelnahay inaan idiin soo koobno wararkii ugu dambeeyay suuqa kala iibsiga ciyaartoyda maanta oo Isniin ah ugu waaweynaa, ogowna in wali uusan furneen suuqa kala iibsiga ciyaartoyda balse koox walba waxey kusii jirtaa diyaar garow adag.
Dhamaan wararkaan waxaan u xaglinay meelaha aan kasoo xiganay, masuulna kama noqon doono jiritaanka iyo xaqiiqda warkaan.
Chelsea ayaa heshiis la gaartay Radamel Falcao iyadoo amaah hal sano ah ku qadaneysa, isbuuca dambe ayeyna ugu dhawaaqi doontaa si rasmi ah (Daily Star)
Robin Van Persie ayaa markaan doonaya inuu kusii nagaado garoonka Old Trafford xili xidigaan la hayo inuu isaga tagayo koxdaan. (Mirror)
Manchester City ayaa lala xiriirinayaa Paul Pogba, Raheem Sterling iyo Kevin De Bruyne si ay heshiisyo waaweyn u sameyso, balse waxey sidoo kale ka cabsi qabtaa inuu qabto xeerka dhaqaale wanaagsa Uefa (FFP). (Manchester Evening News)
Manchester United ayaa dooneysa iney 30 Malyan Oo Pound u gacan galiso kooxda SS Lazio si ay uga hesho xidiga reer Brazil Felipe Andreson. (The Sun).
Jasper Cillessen ayaa lala xiriirinayaa inuu badal u noqdo goolhaye David De Gea oo lala xiriirinayo inuu Madrid u dhaqaaqyao xagaagan. (Telegraph)
Weeraryahanka kooxda Sevilla Carlos Bacca ayaa doonaya inuu aado talyaaniga kuna biiro kooxda As Roma, xili ay doonayaan kooxaha Man United iyo Arsenal. (Daily Mail)
West Ham ayaa dooneysa iney kooxaha Southampton iyo Newcastle United ka dulqaado saxiixa weerayahanka QPR Charlie Austin kaas oo ay kooxdiisa heerka labaad aaday. (London Evening Standard)
Kooxda Everton ayaa dooneysay iney lasoo saxiixato weeraryahanka kooxda Arsenal Lukas Podolski kaas oo qeybahii dambe ee xili ciyaareedkii dhamaaday amaah fashil ah kusoo qaatay Inter Milan. (Star)
Kooxda Wolfsburg ayaa dib u damacday iney usoo ceshato weeraryahankedii hore Mario Mandzukic kaas oo ay sidoo kale xiiseynayaan kooxo dhowr ah oo ka dhisan EPL-ka. (AS)