Home » Maxaa Cusub » Chelsea Oo Heshiis Labo Sano Ku Abaal Marin Doonto Macalin Jose Mourinho

Chelsea Oo Heshiis Labo Sano Ku Abaal Marin Doonto Macalin Jose Mourinho


Jose

Kadib markii macalin Jose Mourinho uu xili cayaareedkan Chelsea u qaaday Premiership-ka England maamulka kooxdan ayaa isku raaceen in ninka reer Portugal kooxda lagu sii haayo ugu yaraan sedexda sano ee nagu soo fool leh.

Wargeska Telegraph ayaa sheegay in Jose Mourinho lagu abaal marin doono heshiis labo sano oo dheeri ah waxayna ka dhigan tahay arinkan in ilaa sanada 2018 uu garoonka Stamford Bridge baaqi kusii ahaan doono.

52-jirkan dhankiisa diyaar ayuu u u yahay inuu sanado badan baaqi kusii ahaado garoonka Stamford Bridge wuxuuna dhawaan yiri “Halkan uma joogo inaan markale isbadal sameeyo balse halkan waxan u joogaa inaan ku nagaado oo aan sanado badan galbeedka London joogo”

“Aniga waxaan ahay shaqsi ay Chelsea iska leedahay anigana Chelsea ayaan leeyahay sidaa darteed waaan jeclahay inaan isla sii shaqeyno mudo dheer”

Dhanka kel Telegraph ayaa sheegay in Mourinho uu dhawaan kulan la qaadan doono milkilaha Chelsea wuxuuna ka dalban doonaa in xagaagan la siiyo lacago dheeraad ah oo uu kusoo iibsado qaar ka mid ah xidigaha ugu wanaagsan qaarada Yurub.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>