Home » Maxaa Cusub » Chelsea Oo Isku Diyaarineyso Inay Qiimo Jaban Xagaagan Kula Soo Wareegto Fabio Coentrao

Chelsea Oo Isku Diyaarineyso Inay Qiimo Jaban Xagaagan Kula Soo Wareegto Fabio Coentrao


Fabio Coentrao

Kooxda Chelsea ayaa bartilmaameed kowaad ka dhigan doonto Fabio Coentrao maal maha nagu soo fool leh si ay daafacan waaya araga ah gacanta ugu soo dhigto.

Fabio Coentrao oo garabka bidix ee daafaca kaga cayaaro kooxda Real Madrid ayaa diyaar u ah inuu kooxdiisa isaga hayaamo madaama uusan boos joogto ah ka heesanin garoonka Bernabue.

Sidaa darteed Chelsea ayaa si lama filaan ah hormar kaga sameesay soo xero galinta Fabio Coentrao weliba warbixintan waxaa lagu sheegay in Blues xidigan ku qaadan doonto £15m.

The Metro ayaa sheegay in Chelsea ay xagaagan iska fasixi doonto Filipe Luis kaasi oo dib ugu laaban doono kooxdiisii hore Atletico Madrid waxayna xal u aragtaa in Coentrao uu booskan buuxin karo.

Metro ayaa sheegay in Chelsea ay kalsooni ka heshay daafacan sidoo kalena uu kooxdiisa Real Madrid ku cadaadin doono dalabka £15m ee dhanka Chelsea ka yimid sida ugu dhaqsiyaha badan loo aqbalo.

Sidoo kale Fabio Coentrao waxay xiriir wanaagsna leeyahay macalin Jose Mourinho oo daafacan u balan qaaday boos joogto ah iyo mushaar wanaagsan.

Daafacan waaya araga ah wuxuu dalabyo kala duwan ka heestaa kooxaha Liverpool, AC Milan, PSG iyo Bayern Munich balse Metro ayaa sheegay inuu qorshaha Chelsea la dhacay diyaarna u yahay inuu Stamford Bridge usoo dhaqaaqo.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>