Home » Maxaa Cusub » Chelsea Oo Ku Dhaw Iney Dhameystirto Saxiixa Asmir Begovic & Van Ginkel Oo Stoke Amaah Ku Aadaya

Chelsea Oo Ku Dhaw Iney Dhameystirto Saxiixa Asmir Begovic & Van Ginkel Oo Stoke Amaah Ku Aadaya


Asmir

Chelsea ayaa ku dhaw iney 8 Malyan Oo Pound kula soo wareegto goolhayaha reer Bosnia ee kooxda Stoke City Asmir Begovic, balse kooxda ku ciyaarta Britannia Stadium waxey amaah sanad ah ku helayaan Marco Van Ginkel.

Jose Mourinho ayaa isha ku haya inuu Stamford Bridge keeno badalka Petr Cech oo dhamaadkii bishii lasoo dhaafay ku biiray kooxda Arsenal oo ay ku xifaaltamaan Ingiriiska.

Blues waxey haatan ku guuleysatay loolanka goolhayahaan madama Stoke qudheeda ay baahi weyn u qabto iney hesho Marco Van Ginkel oo ah da’yar khadka dhexe ah oo aad u wanaagsan kaas oo boos ka heli waayay kooxda Mourinho.

Dhanka kale Stoke City ayaa iyana u dhaqaaqday soo xerogalinta goolhayaha Aston Villa ee da’da ah Shay Given si uu badal ugu noqdo Begovic.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>