Waregska Metro ayaa sheegay in kooxda Chelsea ay haatan si lama filaa ah qorshaha ugu darsatay sidi ay xagaaga nagu soo fool leh ula soo wareegi laheyd Alex Song.
Laacibka reer Cameroon ayaa qaab amaah ah kula joogo naadiga West Ham United waxaana la rajeynaa inuu Premiership-ka baaqi kusii ahaado madaama uu ka madax adeegayo inuu dib ugu laabto kooxdiisa Barcelona.
27-jirkan waxaa isha ku haayo macalin Jose Mourinho oo doonayo inuu Song ka garab cayaarsiiyo Fabregas iyo Matic sida darted Chelsea ayaa diyaar u ah inay £10m ku wareejiso dhigeeda Barcelona waana qiimaha lagu heli karo.
Song ayaa xili cayaareedkan wacdaro ka dhigaayo Premiership-ka wuxuuna kooxdiisa West Ham u saftay 22-kulan EPL sidoo kalena cayaaro badan ayuu qaatay xidiga garoonka ugu wanaagsan.
Song mudo 7-sano ah ayuu kooxda Arsenal hada ka hor lasoo qaatay balse midaas kama celin doonto inuu Chelsea ku biiro waayo saaxiibkiis Fabregas ayaa ku qal qaalinaayo inuu xagaagan usoo dhaqaaqo garoonka Stamford Bridge.
Chelsea waxay loolan kala kulmi doontaa kooxaha Liverpool iyo Tottenham oo iyagan rabaan inay xagaagan Song si toos ah Barcelona uga iibsadaan.