Wararka ka imaanayo dalka Talyaaniga ayaa sheegayo in kooxda Roma ay dhigeeda Chelsea u ogolaatay inay la hadli karto weeraryahanka dhalinta yar Mattia Destro madaama xidigan uusan rabin inuu caasimada Talyaaniga baaqi kusi ahaado.
Macalin Jose Mourinho ayaa taageero u ah wiilkan wuxuuna ku qaadan karaa bisha Janaayo £20m madaama Roma ay horey u sheegtay in rabitaanka Destro aysan hor istaagi doonin.
23-jirkan xili cayaareedkii hore wuxuuu ahaa laacibka Roma ugu goolasha badan Serie A-da asigoo u dhaliyay 13-gool waxaana lagu soo bilaaabay 14-kulan oo qura.
Sidaa darteed Destro ayaa aaminsan inuu booska heli karo Chelsea ama uu kooxdan ka caawin karo xili cayaareedkan inay ku guleesato EPL.
Macalinka kooxda Roma Rudi Garcia ayaa dhawaan ka dhawaajiyay in kooxdiisa aysan Destro mustaqbalkiisa ku mashquuli doonin sidoo kalena bisha Janaayo Chelsea laga iibin doono marba hadii uu cadeestay inuusan ku faraxsaneyn ka mid ahaan shaha kooxda ku cayaarto garoonka Olympico.