Home » Maxaa Cusub » Chelsea Oo Si Maldahan Kaga Adkaaneysa Arsenal Saxiixa Burburiyaha Real Madrid Sami Khedira

Chelsea Oo Si Maldahan Kaga Adkaaneysa Arsenal Saxiixa Burburiyaha Real Madrid Sami Khedira


Khedira wc

 

Arsenal ayaad moodaa in hogaanka laga qabtay loolanka loogu jiro saxiixa Sami Khedira kaas oo 90% loo maleynayo inuu ka tagayo kooxda Real Madrid bisha January si ay kooxda lacag ugu hesho madama uu qandaraaskiisa dhacayo dhamaadka xili ciyaareedkaan.

Wararka ka imaanaya gudaha Spain ayaa tibaaxaya in kooxda Real Madrid ay u dhaqaaqday soo xerogalinta goolhayaha Chelsea gadoodka ka ah kooxda Galbeedka London ka dhisan.

Real Madrid dhaqaaqa ay u sameysay Peter Cech ayaa ka dambeysay kadib markii Manchester United ay xeyndaab u yeeshay ishii ay ku heysay De Gea madama ay mushaar fiican iyo qandaraas cusub usoo bandhigtay.

Hadii Chelsea ay aqbasho dalabka kooxda Real Madrid ay ku dooneyso Peter Cech oo isagana bisha June uu heshiiskiisa dhacayo, waxey ku dabaqi doontaa saxiixa Sami Khedira taasoo Real Madrid iyana u noqon doonta iney go’aan sahlan gaarto.

Si kastaba Arsenal ayaa halkaas ku weyneysa Khedira, iyadoo xidiga reer Jarmal uu ka dagi doono Stamford Bridge halka Peter Cech uu isna ka dagi doono Bernabeu.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>