Kooxda Blues siweyn xagaagan suuqa Yurub ugama dhex muuqato marka laga reebo in Radamel Falcao ay qaab amaah ah ku qaadatay.
Balse haatan warbixin la isku haleen karo ayaa lagu sheegay in Chelsea ay sedex cayaaryahan oo muhiim u ah inay £46m todobaadkan gudahiisa kula soo saxiixan doonto.
Macalin Jose Mourinho ayaa doonayo inuu xili hore sameeyo saxiixyada u qorsheesan si xidigaha kooxdiisa ku cusub ay xili hore Blues ula sii qabsadaan.
Waxaa la filaa in maal maha nagu soo fool leh ay Chelsea dhameestirto saxiixa goolhayaha naadiga Stoke City Asmir Begovic waxayna ku qaadan doontaa £8m.
Madaama Chelsea Arda Turan saxiixiisa ay kooxda Barcelona kaga adkaatay waxay kooxdan xooga saari doontaa sidii ay Marco Rues ama Ezquille Lavezzi ula soo saxiixan laheyd, waxayna Rues ku dooneysaa £30m inay ku wareejiso kooxdiisa Dortmund.
Weeraryahanka naadiga Anderlecht Aleksandar Mitrovic ayay Chelsea si toos ah ula xariirtay waxayna ku rajo weyn tahay in todobaadkan dabyaaqadiisa inay saxiixiisa ku guuleesan karto.
Inkastoo ay naadiga AS Roma loolan culus kala kulmi doonto balse Chelsea ayaa ku kalsoon in £18m ay ku qaadan karto xidigan dhalintiisa wanaagsan tahay.