Home » Maxaa Cusub » Chelsea vs Man City: Kooxaha Ugu Sareeya EPL-ka Oo Ku Dagaalamaya Saxiixa Ross Barkley

Chelsea vs Man City: Kooxaha Ugu Sareeya EPL-ka Oo Ku Dagaalamaya Saxiixa Ross Barkley


Barkley

Kooxaha ugu sareeya horyaalka Ingiriiska ayaa markaan ku dagaalami doona saxiixa wiilka Everton Ross Barkley kaas oo 12 bilood ka hor City looga diiday lacago raqiis ah oo ay soo bandhigtay.

Kooxda ka dhisan gobolka Merseyside waxey xidigeeda reer Ingiriis ku dooneysaa iney ku hesho aduun dhan 50 Malyan Oo Pound, waxaana lacago 30 Malyan Oo Pound lagu celiyay City.

Roberto Martinez ayaan dooneyn in la iibiyo xidigaan balse hadii midkood Blues aya Citizens ay soo gudbiyaan lacagaha xidigaan la duldhigay looma joojin doono rabitaanka macalinka reer Spain.

“Waan jecelnahay inuu agteena ahaado waa xidig leh qatar weyn” Ayuu yiri kabtan Jagielka oo ka hadlayay qaabka Ross Barkley.

Dhanka kale Blues ayaa iyana dooneysa iney hesho da’yar dhexda u buuxiya madama Oscar oo reer Brazil ah lala xiriirinayo kooxda Juventus.

Ugu dambeyntii labadaan kooxood ayaa dagaalkooda xoogeysan doonaa marka uu suuqa kala iibsiga furmo dhamaadka xagaagan.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>