Home » Latin America » Chile Oo Xasuuqday Bolivia, Ecuador Oo Dharbaaxday Mexico, Yaa Soo Baxay Yaase Haray Groupka A?

Chile Oo Xasuuqday Bolivia, Ecuador Oo Dharbaaxday Mexico, Yaa Soo Baxay Yaase Haray Groupka A?


Chile

 

Xulka Chile ee ah martigaliyayaasha koobkaan ayaa xasuuqay xulka Bolivia waxeyna ku garaaceen 5-0, laba ka mid ah goolasha waxaa dhaliyay Charles Aranguiz, Alexis Sanchez ayaa markii ugu horeysay shabaqa gaaray tartankaan, halka Gary Medel uu dhaliyay goolka afaraad.

Charles Aranguiz ayaa bilaabay bandhiga ngoolasha Chile daqiiqadii Sadexaad ee ciyaarta markii uu shabaqa dhex dhigay kubad uu si qurux badan laba difaac uga dhex koontoroolay Vargas, meel fudud ayuu ka helay Aranguiz isagana daba mariyay goolhayaha.

Daqiiqadii 18-aad ee ciyaarta Alexis Sanchez ayaa u dhawaaday inuu hogaanka u dheereyo Chile kadib markii uu laad xor ah goosha si xoog badan u aadiyay balse birta ayey ku dhacday.

Mar kale Alexis Sanchez ayaa laad xor ah birta ku dhuftay daqiiqadii 30-aad ee ciyaarta waxaa loo dhigay afka hore diilinta ganaaxa, balse birta bidix ayaa ka beenisay.

Sanchez ayaa hogaanka u dheereyay Chile daqiqiadii 37-aad ee ciyaarta markii uu madaxeeyay kubad uu si lama filaan ah kaga helay Valdivia, madax joog hoose ah ayuuna dhameestiray.

Sanchez leaps on team-mate Jorge Valdivia after the Palmeiras schemer provided the cross for his first goal of the tournament

Eduardo Vargas ayaa iska qasaariyay fursad qaali ah markii uu ka hortagay goolhayaha balse kubad joog hoose ah ayuu geesta mariyay daqiiqadii 40-aad.

Qeybta hore ciyaarta ayaa lagu kala maray 2-0, oo ay hogaanka ku heyso Chile oo ah martigaliyayaasha koobkaan.

Charles Aranguiz ayaa dhameestiray goolka sadexaad ee Chile markii uu si adag u dhameestiray kubad si adag ay uga soo shaqeeyeen Valdivia iyo Isla daqiiqadii 66-aad.

Gary Medel ayaa si cajiib badan kubad u dhameestiray, isagaa soo bilaabay ka shaqeyntiisa, balse Valdivia ayaa meel cajiib badan ka siiyay, si qurux badan ayuuna u daba marsiiyay goolhayaha daqiiqadii 80-aad.

Goolka Shanaad ee jooga ka riday Bolivia waxaa iska dhaliyay Ronald Raldes daqiiqadii 86-aad, sidaas ayeyna Chile ugu soo gudbeen wareega xiga ee tartanka iyagoo kaalint koowaad u galay groupka A.

Bolivia oo ah xulkii la xasuuqay ayaa kaalinta labaad kusoo baxay isagoo leh 4-dhibcood.

Dhanka kale Ecuador ayaa leh rajo aan sidaa usii weyneen madama ay garaacday xalay Mexico ciyaar kusoo dhamaatay 2-1.

29CADFFC00000578-0-image-a-2_1434753068693

Miller Bolanos iyo Enner Valencia ayey ka heleen labada gool ee jooga ka riday Mexico, waxaana ay kusoo baxeen kaalinta sadexaad.

Mexico tartanka wey isaga hartay madama ay laba dhibcood kaliya shaqeestay, Ecuador waxaa macquul ah iney soo gudubto hadii ay dhibco ahaan noqoto labada kooxood ee ugu dhibcaha badan sadexa xul ee kusoo baxa kaalinta sadexaad.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>