Home » Maxaa Cusub » Chris Smalling Oo La Hadlay Macalin Roy Hodgson: “Xulka Ingiriiska Wuxuu U Baahan Yahay Ashley Young”

Chris Smalling Oo La Hadlay Macalin Roy Hodgson: “Xulka Ingiriiska Wuxuu U Baahan Yahay Ashley Young”


Young

Daafaca xulka Ingiriiska iyo kooxda Man United Cris Smalling ayaa doonaya in Ashley Young looga yeero xulka qaranka mar kale xili xidigaan heerka caalami uu ku jiro waayahiisii ugu fiicanaa kubada cagta.

Ashley Young ayaa muujiyay qaab ciyaareedyo qurux badan kulamadii ugu dambeeyay waxaana ugu dambeysay kulankii Crystal Palace isagoo masuul ka ahaa in United ay hesho labadii gool oo ay dirqiga ugu dhaafeen wiilasha Alan Pardew.

 “Ma saadaalin karo inuu heli doono, waxey ila tahay England iney u baahan tahay xidiga sidaan oo kale ah, horay ayuu u sameeyay mana ka foga inuu mar kale kusoo laabto” ayuu yiri Smalling.

“Wuu dhaqso badan yahay mana u kala joojiyo labada dhinac, uma dhib badana inuu ku dhaafo, shuudo sidoo kalana uu karoos keeno” Ayuu yiri Smalling.

“Wuxuu ahaa qatarta kaliya ee aan heysano isbuucyadii lasoo dhaafay wuxuuna kalsooni fiican ka helay macalinka”

Ugu dambeyntii daafacii hore kooxda Fulham ayaa doonaya inuu mar kale xulka kula midoobo Young oo dhawaantan aan looga wicin xulka.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>