Home » Horyaalada » italian Serie A » Christian Vieri: “Inzaghi Kuma Faraxsana In La Ceyriyay Mazzarri Ka Hor Milan Derby”

Christian Vieri: “Inzaghi Kuma Faraxsana In La Ceyriyay Mazzarri Ka Hor Milan Derby”


Vieri

Halyeeygii hore kooxaha Inter Milan, Ac Milan iyo xulka Talyaaniga Christian Vieri ayaa shaaca ka qaaday in tababaraha haatan ee Milan Pippo Inzaghi uusan dooneynin in Inter Milan ay badasho macalinkeeda ka hor kulanka Milan Derby oo ku qorsheysan inuu dhaco 23-ka November 2014.

Inter Milan ayaa wajahi doonta Ac Milan isbuuca ugu horeeya horyaalka talyaaniga iyadoo maamulka Inter Milan ay qaateen go’aan iyagoo shaqada ka raacdeeyay Walter Mazzarri isla markaana magacaabay Roberto Mancini.

Vieri oo labada koox usoo wada ciyaaray ayaa la hadlay BeIN Sports una sheegay in Pippo Inzaghi uusan dooneyn in la badalo Mazzarri.

“Maalmo ka hor waxaan la hadlay saaxibadeyda Milan waxeyna ii sheegeen in 90% Roberto Mancini uu imaan doono kooxda, sidoo kalana habeen hore waxaan la casheeyay Pippo Inzaghi wuxuuna ii sheegay inuusan rajeyneynin in Inter Milan ay badasho macalinkeeda” ayuu yiri Christian Vieri.

Arintaan ayaa lala xiriirinayaa in Pippo Inzaghi uu doonayay inuu ka faa’ideysto maamul xumada Walter Mazzarri balse ay dhib ku tahay inuu ka badiyo koox uu isku aadiyay Roberto Mancini.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>