Home » Maxaa Cusub » Cidna Uma Maqno Ceelna Uma Qodno: New Castle Oo Kulankii 7-aad Oo Xariir Ah Guul Dareesatay EPL

Cidna Uma Maqno Ceelna Uma Qodno: New Castle Oo Kulankii 7-aad Oo Xariir Ah Guul Dareesatay EPL


New Castle

Naadiga New Castle ayaa haatan sida markabkii oo kale badweynta ugu quuseyso sidoo kalena kooxdan xaalada ay ku sugan tahay ma ahan mid wax laga qaban karo.

New Castle kulankeedii ugu dambeeyay waxay guuldaro 2-3 kala kulantay naadiga Swansea City ayadoo joogto garoonkeeda St James Park.

Guuldaradan ayaa ka dhigay in New Castle ay haatan 7-kulan oo xariir ah guul dareesatay Premiership-ka England waxayna ku sugan tahay xaalad qatar ah.

New Castle waxay ku jirtaa kaalinta 14-aad balse kaliya 5-dhibcood ayay ka hooseysaa kooxda Suderland oo kaalinta 18-aad ku jirto.

Sidaa darteed New Castle xaalad halis ah ayay ku sugan tahay madaama kooxdan hoos u dhac waali ah heesto waxaana intaas usii dheer in dhamaan xidigaha kooxdan xaalka ku xun yahay.

New Castle 4-kulan ayaa uga harsan Premiership-ka England sidaa darteed kooxdan waxay halgan ugu jirtaa sidii ay ku bad baadi laheyd dabcan taageerayaasha kooxdan wey jeclaan lahaayeen in ciwoy uu dhamaado Premiership-ka England.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>