Ciyaartoyda Xulka Argentina ayaa taageero midow ah u muujiyay xidiga kooxda Newcastle United Jonas Gutierrez kaas oo haatan laga daweynayo cudurka kansarka.
Ka hor kulanka Brazil dhamaan ciyaartoyda xulka ayaa si wadajir ah ugu istaagay xidiga iyagoo si wadajir ah uga soo muuqday boor ay ku weyneynayaan xidigaan.
Jonas Gutierrez ayaa ka mid ah ciyaartoyda xulka Argentina balse markii laga helay cudurka Kansarka uma suuragalin inuu kasoo muuqdo kubada cagta.