Ciyaartoyda kooxda Palermo ayaa sagootin qurux badan u sameeyay da’yarkooda Paulo Dybala kaas oo kulankiisii ugu dambeeyay u ciyaaray kooxda ciyaar ay Palermo 2-3 guuldaro ah kala kulantay Fiorentina.
Jamaahiirta kooxda ayaa sidoo kale ka qeyb qaatay Dybala inuu kulankiisii ugu dambeeyay u safto kooxda iyagoo mustaqbal fiican u rajeeyay xidigaan reer Argentina ee xaqiijiyay inuu kusii jeedo kooxda Juventus.
Warar xan ah ayaa sheegayay bilooyinkii ugu dambeeyay in Dybala uu kusii jeedo magaalada Turin, balse xidiga qudhiisa ayaaba xaqiijiyay inuu kusii jeedo kooxda Juventus.
“Juventus waa kooxda inta badan i dooneysay” Ayuu yiri Dybala oo la hadlayay Sky Sports Italia.
“Waxey dadaal badan ku bixisay iney ila soo saxiixato, anigaana doortay xagaagan inaan ku biiro” Ayuu yiri Paulo Dybala.
“Waan ku koray Palermo sanadihii ugu dambeeyay, sidoo kalana koritaankeyga waan kusii wadan karaa Juventus, wali aad baan hormar u sameynayaa” Ayuu yiri Dybala.
Paulo Dybala ayaa sidoo kale ku faraxsan inuu Turin kula midoobo Carlos Tevez oo ah xidig ay dhalasho wadaagan wuxuuna aad ugu hamuun qabaa inuu garoon la galo isla markaana uu kula sugnaado Turin sanadka uga haray heshiiska uu Juve kula jiro.