6-laacib ee kooxda Man United kuso baartay sidoo kalena kubada cagta ka gaareen heerkii ugu sareeyay ayaa haatan si rasmi ah u iibsadeen naadi ka mid ah naadiyada ka dhisan dalka England.
David Beckham, Paul Scholes, Nicky Butt, Ryan Giggs, Garry Neville iyo Philipp Neville oo dhamaantooda kusoo bar baareen xerada garoonka Old Trafford ayaa si rasmi ah u iibsadeen naadiga Salford City oo ah koox aan haatan wax horyaalka England heerarkiisa kala duwan cayaarin.
6-halyee waxay garab ka heli doonaa ninka ganacsadaha ah ee lagu magacaabo Peter Lim oo isagana saamiga kooxda Salford City wax ka iibsaday.
Class of 1992 waa 5-halyee oo uu macalin Sir Alex Ferguson soo bar baariyay sidoo kalena fursad u siiyay inay kooxda Man United u cayaaraan lana qaadaan koobab farabadan sanado badan.
Balse 6-shaqsi waxay si lama filaan u iibsadeen naadiga Salford City hadaba maku guuleesan doonaan inay kooxdan dib u dhis xoogan ku sameeyaan sidoo kalena ay kuso celiyaan horyaalada England darajooyinkiisa kala duwan?