Sabtida waxaa dhici doona kulan xiiso iyo xamaasad gooni ah leh, waxaana markii labaad xili ciyaareedkaan is wajahi doona Louis Van Gaal iyo Jose Mourinho oo ah laba macalin oo aad isku qadariya madama ay xili iskala soo shaqeyeen Camp Nou.
Kulankii labadaan kooxood ku dhexmaray Old Trafford wuxuu ku dhamaaday barbaro 1-1, Robin Van Persie ayaana barbareeyay gool uu dhaliyay Drogba.
Hadaba United kulamadii ugu dambeeyay waxey soo bandhigtay awood dheeri ah iyadooa fartii kulan ee ugu dambeysay dhamaan guulo wada gaartay waxeyna dib u heleen qaab ciyaareed qurux badan.
United haatan waxey 8-dhibcood u jirtaa hogaanka horyaalka, waxeyna fadhisaa booska sadexaad ee horyaalka iyadoo dhibic qura ka hooseysa Arsenal.
Dhanka kale Chelsea waa kooxda hogaamineysa horyaalka walow kulamadii ugu dambeeyay aysan u xoog badneyn sidii ay ku bilaabatay xili ciyaareedka.
Hadaba yaad is leedahay guusha wey raaci doontaa kulankaan xiisaha iyo xamaasada badan ee ka dhici doona Stamford Bridge.
HALKAAN HOOSE KA CODEEY: