Home » Horyaalada » La Liga Spain » CR7, Messi & Neymar Oo Hogaaminaya Kooxda Isbuuca Horyaalka Spain

CR7, Messi & Neymar Oo Hogaaminaya Kooxda Isbuuca Horyaalka Spain


Messi

Weeraryahanka reer Argentina Lionel Messi ayaa dhaliyay sadexley taariikhda La Liga wax ka badashay taas oo wiilkaan Barcelona dhaxalsiisay inuu noqday xidiga ugu goolasha badan horyaalka Spain taariikhda isagoo dhaafay rikoorkii Telmo Zara uu horay u dhigay kaliya isagoo jira da’da 27-jirka.

Barcelona waxey todobaadkaan ku ciil baxday kooxda Sevilla taas oo soo booqatay garoonka Camp Nou ee gobolka Catalunya, waxaana guushaas ka qeyb qaatay Neymar iyo Rakitic oo dhaliyay labada gool ee Barca.

Sidoo kale CR7 ayaa todobaadkaan rikoorkiisa gooldhalinta La Liga sii badsaday markii uu shabaqa ku hubsaday laba gool kulan ay 4-0 ku dhaafeen Eibar ciyaar ay marti ahaayeen.

Ronaldo haatan wuxuu leeyahay 20-gool, Atletico Madrid ayaa dhigeeda laba xidig ku yeelatay waxaana usoo galay da’yarka reer France Griezmann iyo daafaca rug cadaaga ah ee xulka Uruguay Diego Godin.

Dhanka kale Real Madrid waxey kaloo kooxdaan ku yeelatay daafaca reer Spain Sergio Ramos iyo xidig yaraha reer Spain Isco kaas oo buuxiyay booska Luka Modric oo mudo garoomada dhaawac kaga maqnaan doona.

Ugu dambeyntiina shaxdaan waxaa loosoo xulay qaab ciyaareedka: 3-3-1-3

Goolhaye: Cristian Alvarez (Rayo Vallecano)

Daafaca: Sergio Ramos (Real Madrid) Diego Godin (Atletico Madrid) Abdoulaye Ba (Rayo Vallecano)

Khadka Dhexe: Antoine Griezmann (Atletico Madrid) Jose Luis Morales (Levante) Isco (Real Madrid

Weerarka: Messi (Barcelona) Ronaldo (Real Madrid) Neymar (Barcelona) Aduriz (A. Bilbao)

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>