Cristiano Ronaldo oo ay caro ka muuqato ayaa u sheegay warbaahinta inuusan mar dambe shir jaraa’id ka hadli doonin tan iyo dhamaadka xagaagan, xili xidigaan heerka caalami uu Real Madrid ka caawiyay iney si cabsi leh ku gaarto Quater Finalka Champions League.
Kabtanka Portugal ayaa laba gool oo madax ah dhaliyay kulan ay 4-3 guuldaro ah soo gaartay Real Madrid, waana guuldaradii labaad oo shan maalmood gudahood soo gaareysa.
Ronaldo wuxuu noqday xidiga ugu goolasha badan tartamada yuruba isagoo leh 78-gool, sidoo kalana wuxuu barbareeyay goolasha Champions League ee Lionel Messi iyagoo wadajir u leh 75-gool.
“Kama hadli doono shir jaraa’id tan iyo dhamaadka xili ciyaareedkaan” Ayuu yiri Ronaldo oo la hadlayay Mixed Zone.
30-jirkaan ayaan ku qancin qaab ciyaareedka kooxdiisa iyadoo la arki karay inuu si caro leh ugu dabaal dagay goolkii koowaad ee uu u dhaliyay Madrid xalayto.