Weeraryahanka Real Madrid iyo Xulka Portugal Cristiano Ronaldo ayaa laga yaabaa inuu ganaax kala kulmo xiriirka FA-ga Spain kadib markii uu dabaal dag xasarad kicin kara sameeyay kulankii ay kooxdiisa guuldarada kala kulantay Real Madrid.
Ronaldo ayeysan u aheen markii ugu horeysay oo uu dabaal dag ceynkaas oo kale ah ku sameeyo Camp Nou, madama uu mar walba u sheego iney is dajiyaan wuxuuna sidaas mar kale ku celiyay markii uu Axadii goolka barbaraha ka dhaliyay daqiiqadii 31-aad.
Kabtanka Portugal, ayaan aflagaado kala kulmin Jamaahiirta Barcelona, sidoo kalana waxaa xidigaan lagu dhaleeceyay dabaal dagii uu sameeyay finalkii Champions League-ga markii uu dhaliyay goolkii Afaraad ee Madrid kaas oo rigoore ahaa isagoo xiligaas jeexay maaliyadiisa.
“Waa inaan ka taxadarno wax walba oo keeni kara caro, marka xidig uu dhaliyo gool isla markaana uu ka careysiiyo taageerayaasha kasoo horjeeda taasoo abuuri karta qalalaaso” ayuu yiri Javier Tabes oo ah madaxweynaha xiriirka Spain.
“Waan ganaaxi doonaa, ganaax lacageed ama mid kulamo, waana eegi doonaa kiiskaan” Ayuu hadalkiisa ku daray Javier Tabes.
Arintaan ayaa daba socota fal xun oo dhacay bishii November ee sanadkii hore markaas oo ay dagaalameen taageerayaasha kooxaha Atletico Madrid iyo Deportivo waxaana ku geeriyooday taageere Deportivo ah, xiligaas wixii ka dambeeyay xiriirka Spain ayaa usoo jeestay inuu xadeeyo fal walba oo kicin kara xasarad ama qalalaase ka dhaco garoomada dalka.
DABAAL DAGII FINALKA CHAMPIONS LEAGUE