Kabtanka Xulka Portugal ayaa aaminsan in wadankiisa uusan ka maqnaan doonin koobka Euro 2016, kadib markii uu guul soo daahday xulkiisa ugu hogaamiyay kulankii Denmark ay martida u noqdeen.
Inkastoo Ronaldo uu seegay kulankii ay Portugal qasaaraha lama filaanka ah kala kulantay xulka Albania oo ka mid ah wadamada ugu daciifsan qaarada yurub, hadana wuxuu muujiyay in joogitaankiisa garoonka ay faa’iido u tahay Portugal.
“Sida aan horay u sheegay waxaan aaminsanahay inaan ugu sareyn doono groupka I, sababtoo ah waxaa nahay xulka ugu awooda badan groupka” Ayuu CR7 u sheegay RTP.
“Waxaan awoodeena kusoo bandhigi doonaa garoonka, waxaana ku kalsoonahay inaan ka qeyb gali doono Euro 2016″
Dhanka kale Portugal waxey habacsanaan muujiyeen koobkii Aduunka ee lagu qabtay Brazil madama ay ka mid noqdeen wadamadii ku haray Groupka.
Sidoo kalana Portugal tartankii Euro 2012 ee lagu qabtay Ukraine iyo Poland waxey gaareen Semi Final iyagoo ku baxay gacmaha Spain ciyaar rigoorayaal la isla gaaray.
Ugu dambeyntii Ronaldo wuxuu ku kalsoon yahay xulkiisa wuxuuna doonayaa inuu hogaamiyo Portugal marka la gaaro June 2016, markaas oo dalka faransiiska la isugu tagi doono si looga qeyb qaato tartanka.