Home » Horyaalada » La Liga Spain » Cristiano Ronaldo “Hada Ayaan Ugu Wanaagsanahay Intii Aan Cayaaraha Kusoo Dhex Jiray”

Cristiano Ronaldo “Hada Ayaan Ugu Wanaagsanahay Intii Aan Cayaaraha Kusoo Dhex Jiray”


Ronaldo I

Cristiano Ronaldo ayaa ku goodiyay inuu wacdaro dheeraad ah xili cayaareedkan dhigi doono sido kalena wuxuu meesha ka saaray inuu haatan xanuun joogto ah ka qabo jilibkiisa, inkastoo kulankii ugu dambeeyay ee uu xulkiisa Portugal u cayaaray uu garoonka isaga baxay.

Weeraryahankan awooda badan wuxuu yiri “Hada ayaan ugu wanaagsanahay mana qabo wax xanuun ah oo iigu raagay sidoo kalena xiligeygii ugu wanaagsanaa ayaan ku jiraa”

“Saxaafada waxa ay hadal heyso waxba kama jiraan waayo jilibkeyga xanuun iguma haayo sidoo kalena waxaan doonayaa inaan xili cayaareedkan iskooro dheeraad ah dhigo”

Geeska kale Ronaldo ayaa iska fogeeyay inuu jaceel waali ah u qabo abaal marinta Ballon d’Or wuxuuna yiri “Hadafkeyga wuxuu yahay inaan ka mid noqdo sedexda xidig ee Ballon d’Or u tartami doonaan balse kuma waalni helista abaal marintan”

“Aniga ma codeyn doono ee kabtanada iyo macalimiinta caalamka ayaa dooran doonaan xidigii ay u arkaan inuu kubada cagta hormuud u yahay sidaa darteed ma jirto jaceel gaar ah oo aan Ballon d’Or u qabo xiligan”

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>