Home » Horyaalada » La Liga Spain » Cristiano Ronaldo Iyo Wariye Su’aal Weydiiyay Kadib Guuldaradii Atletico Madrid Maxaa Kala Qabsaday?

Cristiano Ronaldo Iyo Wariye Su’aal Weydiiyay Kadib Guuldaradii Atletico Madrid Maxaa Kala Qabsaday?


RC

Weeraryahanka Real Madrid Cristiano Ronaldo ayaa soo bandhigay niyad jabka uu ka qaaday guuldaradii ay Atletico Madrid gaarsiisay kooxdiisa kadib markii uu ku xanaaqay wariye weydiiyay su’aal inkastoo uu ugu jawaabay in wariyaha uusan aheyn qof caaqil ah.

Kooxda hogaamineysa La Liga ayaa dharbaaxo tii ugu xumeyd ay kasoo gaartay dariskooda Atletico Madrid markii lagu garaacay 4-0, waana guuldaradii ugu xumeyd ee soo gaartay tan iyo markii ay 2010 guuldaro 5-0 ah kala kulmeen Barcelona.

Ronaldo ayaan soo bandhigin qaab ciyaareed fiican inkastoo uu laba kulan ganaax ku maqnaa, balse kadib dhamaadkii ciyaarta wariye ayaa weydiiyay dhacdo aan ku saabsaneen kulankaan madama uu wax ka weydiiyay sababtii ka dambeysay inuu nadiifiyo calaamada koobka kooxaha kulankii uu casaanka qaata ee Cardoba.

“Ma waxaad dooneysaa inaan ka hadlo wixii maanta dhacay mise kulankii Cordoba”

“Maxaa dooneysaa inaan dhaho? hadii aad tahay wariye caaqil ah imaadan weydiiseen xiligaan?

“Waan ka xumahay, maahid wariye caaqil ah”

Ugu dambeyntii Real Madrid ayaa hogaanka wali u heysa La Liga iyadoo dhibic qura ka sareyn doonta Barcelona hadii ay maanta guul ka gaarto Atletico Bilboa.

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>