Home » Horyaalada » La Liga Spain » Cristiano Ronaldo Oo £5m Ugu Deeqay Dadkii Reer Nepal Ee Dhulka Gariirka Dhibaateeyay

Cristiano Ronaldo Oo £5m Ugu Deeqay Dadkii Reer Nepal Ee Dhulka Gariirka Dhibaateeyay


real-madrid-cristiano-ronaldo-save-the-children

Weeraryahanka kooxda Real Madrid Cristiano Ronaldo ayaa siweyn uga danqaday dhibaatadii dhul gariir ee wax yeelayay dadka reer Nepal.

Sidaa darteed Ronaldo ayaa ugu deeqay reer Nepal £5m wuxuuna wargeska Metro sheegay in 30-jirkan uu lacagahan ku wareejiayy hay’ada caalamiga ah Save the Children.

Save the Children ayaa lacagahan ku caawin doonto caruurta reer Nepal ee aadka u dhibaateen madaama dhul gariirkii dhawaan dalkaas ka dhacay ay ku dhinteen 7,800 oo qof.

Dabcan tilaabada Ronaldo uu qaaday ayaa caksi ku ah waxyaabaha laga sheegi jiray oo ahayd inuu hantidiisa ku bixiyo faan iyo waxyaabo malaa yacni ah wuxuuna haatan gacan bini aadanimo u fidiyay caruur aad u dhibaateesan.

Dabcan lacagaha uu bixiyay Ronaldo wax weyn ayay ka qaban doontaa dhibaatada dalka Nepal ka taagan madaama dhawaan UN-ka ay ku dhawaaqeen inay kaliya heleen $22 million ayagoo u baahan $415 million si ay wax kaga qabtaan dhibaatada dalka Nepal haatan ka taagan.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>