Home » Horyaalada » La Liga Spain » Cristiano Ronaldo Oo Aaminsan In Real Madrid Ay Ku Guuleysan Karto Horyaalka La Liga

Cristiano Ronaldo Oo Aaminsan In Real Madrid Ay Ku Guuleysan Karto Horyaalka La Liga


Cristiano-Ronaldo-Real-Madrid-Champions-League

Weeraryahanka Real Madrid Cristiano Ronaldo ayaa aaminsan in kooxdiisa ay ku guuleysan karto horyaalka La Liga xili ciyaareedkaan xitaa hadii ay guuldaro 4-0 ah kala kulmeen kooxda ay dariska yahiin ee Atletico Madrid.

Wiilasha Carlo Ancelotti ayaa lagu soo xasuuqay Vincent Calderon sabtidii, Tiago, Saul, Griezmann iyo Mandzukic ayaana afar gool ku harqiyay.

Si Kastaba Ronaldo ayaa aaminsan in kooxdiisa ay ku guuleysan karto horyaalka xili ciyaareedkaan.

“Real Madrid wey ka fiican tahay Atletico Madrid, balse waa inaan garoonka kusoo bandhigno” Ayuu yiri Ronaldo oo la hadlayay Guardian.

“Si kastaba, waan ku guuleysan karnaa horyaalka marka uu dhamaado xagaagan, waa maalintii la iloobi lahaa in Real Madrid ay kooxna kala kulmi doonto qasaaro 4-0 ah”

“Kooxda wey fiican tahay, waxaan sameynay qalad weyn, waxaan luminay sadex dhibcood, ma ahan afar dhibcood iyo wax kale”

Ugu dambeyntii Real Madrid ayaa kaliya hal dhibic ku heysa horyaalka La Liga iyadoo ka sareysa Barcelona oo xalay san Mames kusoo xasuuqday Atletico Bilbao.

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>